Mahad Abdullahi Ahmed

Mahad Abdullahi Ahmed

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mahad Abdullahi Ahmed, Educational consultant, Jidka 30 ka, Mogadishu.

Benjamin Franklin once said; "If a man empties his purse into his head, no one can take it from him"
means:
๐€n i๐งv๐žs๐ญm๐žn๐ญ ๐ขn k๐งo๐ฐl๐žd๐ e a๐ฅw๐šy๐ฌ ๐ฉa๐ฒs t๐กe h๐ขg๐กe๐ฌt r๐žt๐ฎr๐ง ๐— ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ถ ๐—”๐—ต๐—บ๐—ฒ๐—ฑ

Dabayaaqada Sanadkii 1990-kii ayaan ku dhashay degmada Wartanabada ee gobolka Banaadir, ee dalka Soomaaliya, waxa aan dugsiga qur'aanka ka bilaabay magaalada muqdisho sanadkii 1996, waxaana

18/12/2025

JiMca WaNaagsaN

18/03/2025

Xeeladaha Dumarka.( Naqtiin 2019 )

Ninbaa hadda ka hor ku soo dhowaaday Gabar Ceel biyo ka dhaan saneeysa markaas buu ku yiri dhagarta Dumarka wax iiga sheeg?
Wadaandtii ay gacanta ku heysay oo biyo ay ku jiraan ayay jir jirka ceelka salka u saartay , kadibna afka qeylo furatay iyada oo leh "Waa wareey waa wareeyay war iga soo gaara "

Ninkii oo argagaxaya ayaa ku yiri bisinka โ€œwall aamus in aan ku dhibaateeyo kugumaan immaan.โ€ Isaga oo yaaban ayay wadaantii biyaha ay ku jireen isku rogtay.

Dadkii qeyladeeda ku soo baxay ayaa soo dul istaagay gabadha oo jirkeedu biyo ka da'ayaan.!

Ninkii oo yaabban oo isleh maanta ayay kugu darantahay ayeey gabadhu mar qura tiri "Allaa mahadleh, Ceelka ayaan ku dhacay nasiib wanaag ninkaan ayaa i bad baadiyay.

Halkaas ayaa loogu Mahadceliyay ninkii abaal marrinna lagu siiyay.
Inta ay ku soo dhowaatay bay ku tiri barasho wanaagsan Dhagarta Dumarka waad baratay sow maahan..?

Waxa ay intaa u raacisay haddii aad dumarka dhibto cid kaa bad baadin kartaa majirto.

Haddii aad wanaajisana waxa ay kuu noqonayaan Boqortooyo cid gaari kartaa aysan jirin..

Photos from Mahad Abdullahi Ahmed's post 20/09/2024

Waxaan hambalyo miisan leh u diriyaa walasheyda Abdi Adan iyo wiilka ay dunida ka calmatay , kuwaasi oo maanta aqal galkooda ka qabsoomay magaalada Muqdisho,

Hambalyo Hambalyo ayaa leeyahay wada wadajira oo wada noolaada ubad kheyr qabana kala hela idim alle.

26/07/2024

๐—ง๐—”๐—–๐—ฆ๐—œ
ุฅู†ุงู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุงุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†
ูƒู„ ู†ูุณ ุฐุงุฆู‚ุฉ ุงู„ู…ูˆุช
Waxaan murugada geerida la qeybsanayaa walaalkey Hussein Shariif Abdullahi geeridii ku timid oo ah hooyadii, waxaan leeyahay samir iyo iimaan allaha naga siiyo hooyo.

Xoodka nabiga NNkH kuwii ka caba macigooda allah ka yeelo hooyo.

IELTS Liz - YouTube 23/07/2024

Wax walba ood u baahantahay si aad iskugu diyaariso imtaxanka IELTS.

Hadii english ku ahayn luuqada koobad ee lagaga hadlo wadankaga fursad walbood uga baahato meel ka baxsan deegaankaga hadey tahay mid shaqo iyo mid waxbarashaba waxay ku xidhantahay qadashada imtaxanada xaqiijinaya heerkad ka joogto luuqada english ka, gaar ahaan IELTS ka, article kan waxan idinkula wadagayaa waxwalba oon isleeyahay uu caawin doona inta ay ku guda jiraan isku diyaarinta imtaxankas.

Hadii heerkaga luuqadu yahay mid hoose youtube channels kan waxay ka caawin doonan barashada luuqada si dhammaystiran.

[1] ka koobad waxa la dhaha ieltsliz halkan ayad ka raaci kartaa: https://www.youtube.com/user/ieltsliz

[2] ka labaad waa IELTSDaily waxa si maalinle ah loga bixiyaa cashirada luuqada sido kale waxa lagu waraystaa ardayda maalmahas imtaxanka qadatey si ay ula wadaagan ardayda waxay kala kulmeen miiska imtaxanka, halkan ayad ka raaci kartaa:
https://www.youtube.com/channel/UC39W_uzNjIAIYrimiKkI-rA

[3] ka saddexad waa AcademicEnglishHelp waxana ku xidhan 2.57 million oo qof aad buna ku caawin intad barashada ku jirtid halkan ka raac:
https://www.youtube.com/channel/UCQ3A7Dnyz1_Fxaa5BCzAPMA

[4] Dhanka barashada kan u dambeeya een idin xulayaa waa FasTrackIELTS halkan ayadna ka raaci kartaa: https://www.youtube.com/channel/UCRA4UOCBRgv2w9b59pDMyvQ

Markad barashada so dhaafto ama aad tahay qof horey u aqaaney luuqada talabada xigta waa inad heerkaga sii tijaabisid inta adan aadin imtaxanka rasmiga ah(pre-test) afartan website ee hoose waa kuwo ka caawinaya inad isa sii tijaabisid.

[1] kow waa British Council waxadna isku tijaabin dhamman afarta qaybood ee imtaxanka( dhagaysi,qoraal,akhris iyo ku hadalkaba) waxad sido kale ka heli cashiro ku kaba halkan ka raac:
https://takeielts.britishcouncil.org/take-ielts/prepare/free-ielts-english-practice-tests

[2] Laba waa IDP: https://ielts.idp.com/prepare/article-free-practice-tests

[3] Saddex oon ugu dambaysiinayo dhanka tijaabadana waa ieltsbuddy halkan ka raac: https://www.ieltsbuddy.com/ielts-practice-tests.html

Sido kale ka warhay saddexdan wargays todobado ama bil kahor inta adan imtaxanka galin si aad u yeelato khibrada fahanka iyo akhriskaba madama ay ku tababarayaan inad sida dhaladka(native) luuqada u isticmaasho

[1] BBC world:https://www.bbc.com/news/world

[2] National Geographic : https://www.nationalgeographic.com/

[3] Economist : https://www.economist.com/

Dhanka dhagaysiga labadan podcast oy bbc iyo voa leeyihiin gaarna u ah barashada englishka ayaa kaga filan.

[1] bbc english podcast:
bbc.co.uk/learningenglish/podcasts

[2] Voa english learning podcast:
https://learningenglish.voanews.com/z/1689

Ugu dambayn markad diyaar u noqoto galista imtaxanka hadad joogto deegaanka somalida iyo deegaamada ku dhaw sida somaliland waxad imtaxanka uso doonan kartaa jamacada Jigjiga University oo exam center leh, sido kale intan jigjiga joogin halkan ayay booking kaga samaysan karaan oo si online ah iskoga diwaangalin karaan:
shorturl.at/MFt3K

W.Q: Mohamed Sharif Muktar

IELTS Liz - YouTube Hi, I'm Liz. Having specialised in teaching IELTS for over a decade, my aim is to help you understand IELTS, gain awareness of the requirements of the higher...

14/07/2024

Jaamacad ku taal Jarmalka ayaa waxay daraasad ku sameeyen loโ€™da habka islamka ay u qalaan, si ay u ogaadaan dariiqada ay ayaga u qalaan iyo mida islamka tee ugu xanuun iyo silic badan, markay qalaayen waxay maskaxda ka saareen EEG si loo ogaado xanuunka heerkiisa.

Markii la qalay 3da ilbiriqsi ee ugu horeysey qalabka wax is bedel ah oo maskaxda ku dhacay ma muujinin taasina waxay u dhiganta xanuun ma dareemin, 3da ilbiriqsi ee ku xigo waxaa muuqatay neefka inuu suuxay sababtoo ah meeshii laga qalay ayaa dhiig fara badan ka baxay saas darteed maskaxda dhiig uma gudbin. 6 ilbiriqsi markay gaartay EEG ga wuu istaagay sababtoo ah neefkaba ma noola oo wuu dhintay. Waxaa la ogaaday neefka dariiqada islamka ay u qalaayaan inuu xanuun ku dareemeynin oo uu marna gelayo heer suuxid ka dibna suuxida intuu ku dhex jiro naftaba ka baxeyso.

Aniga hortii neefka markii la qalo rafashada uu rafanaayo waxaan u maleyn jiray xanuun inuu ugu wacan yahay, taas ayadana waxaa la yiri waa nervaha, wadnaha wuxuu isku dayaa dhiiga inuu maskaxda u gudbiyo dhiigii maskaxda ma gaaraayo banaanka ayuu ku daadanaa. Intaasoo idil markay dhacaayan neefka dareeme ma lahan ogaalkana wuu ka maqan yahay Subxaanallah naxariistiisa balaaranaaโœ๐Ÿฝ

W.Q: Sadia Ali

14/07/2024

ุชุฒูˆุฌุช ุงุซู†ูŠู† ูˆู„ุง ุชุจุงู„ูŠ

24/06/2024

Kawaran adiga oo Soomaaliya ku ilma dhalay, haddii xanaano ku taallo yurub lagugu ciyaarsiiyo sidii 5-jir,maxaa dareemi lahayd?

15/06/2024

Hambalyo dhammaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaan idin kugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul Adxa oo maalinka berri ah ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee ciidda.
ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„

ุนูŠุฏ ู…ุจุงุฑูƒ
Ciid wanaagsan.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Jidka 30 Ka
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 06:00 - 18:00
Tuesday 06:00 - 18:00
Wednesday 06:00 - 18:00
Thursday 06:00 - 18:00
Saturday 06:00 - 18:00
Sunday 06:00 - 18:00