22/04/2026
π
22 April 2026 | Arbaco
Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Imtixaanka 3aad ee Sanad-Dugsiyeedka 2025β2026, gaar ahaan Imtixaanka Billeedka 2aad (Monthly Two Examination).
Imtixaanka ayaa si nabad ah oo habsami leh u soo dhammaaday maalintiisii 6aad, iyadoo dhammaan ardayda ay si guud uga qayb galeen. Waxa uu ku soo dhammaaday jawi deggen, nidaam iyo kala dambayn leh.
Maamulka, macallimiinta iyo shaqaalaha HAGE Primary & Secondary Schools waxay u rajeynayaan dhammaan ardaydii imtixaanka gashay guul iyo horumar wanaagsan.
---
π« HAGE Primary & Secondary Schools
π Gobolka Banaadir
DHAMMAAD
15/04/2026
π FINALKA HAGE PSS CUP β Guushii Fasalka 9aad
Final-kii aad loo sugayay ee tartanka HAGE PSS CUP ayaa si rasmi ah inoogu qabsoomay , iyada oo uu dhex maray Fasalka 9aad iyo Fasalka 7aad.
Kulankaasi wuxuu ahaa mid xiiso badan oo tartan adag leh, iyadoo labada kooxoodba muujiyeen dadaal, karti iyo ciyaar wanaag heer sare ah.
π Natiijo: 7 β 2
π Guusha waxaa si mudan u hantiyay Fasalka 9aad, kuwaas oo noqday:
π CHAMPIONS β HAGE PSS CUP 2026
π Hambalyo Fasalka 9aad!
Waxaad soo bandhigteen ciyaar leh xirfad, isku duubni iyo dadaal sare oo horseeday guushan qiimaha badan.
π Sidoo kale, Fasalka 7aad waxay muujiyeen adkaysi iyo tartan wanaagsan. Ka qaybgalka iyo dadaalkiinnu waa mid mudan in la ammaano, waxaana hubnaa inaad mustaqbalka gaari doontaan guulo ka sii waaweyn.
π€ Ugu dambeyn, mahadsanidiin dhammaan ciyaartoyda, macallimiinta iyo taageerayaasha ka qayb qaatay guusha iyo quruxda tartankan.
π HAGE PSS CUP wuxuu ahaa tartan muujiyay karti, isboorti iyo midnimo.
08/04/2026
Hambalyo Guul Weyn ππ
Waxaan u hambalyeynaynaa dhammaan ardayda iyo macallimiinta ka qeyb qaatay tartan aqooneedkii inoo soo socday mudo, kaas oo si guul ah inoogu soo dhammaaday.
Tartanka finalka waxaa isugu yimid fasallada F2 iyo F3, kuwaas oo soo bandhigay dadaal, karti iyo aqoon sare.
Ugu dambeyn, guusha waxaa raacday fasalka F2 oo helay 21 dhibcood, halka fasalka F3 ay heleen 19 dhibcood.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa fasalka F2 guusha ay gaareen, sidoo kale waxaan bogaadinaynaa fasalka F3 dadaalkooda iyo tartanka adag ee ay muujiyeen.
Guushu waa mid dhammaanteen wada leenahay! πβ¨
25/03/2026
FULL TIME:
7AAD:6οΈβ£Goal. 8AAD:3οΈβ£ Goal.
Hambalyo Hambalyo fasalka 7AAD oo si qurux badan ugu adkaaday fasalka 8AAD (6οΈβ£β3οΈβ£)ππ,
taas oo ka dhigtay inay si rasmi ah ugu gudbaan finalka! β½π₯ππ
π₯β½ BIG GAME FINAL β½π₯
Waxaa si rasmi ah loo sugayaa kulanka weyn ee tartanka
π FINALKA
Fasalka 7AAD π Fasalka F1
Waa ciyaar aad u xiiso badan oo la filayo, labada fasalna waxay muujiyeen awood iyo dadaal weyn intii tartanku socday πͺπ₯
π Dhamaan ardayda iyo taageerayaasha waa lagu casuumay inay daawadaan kulankan taariikhiga ah!
Yaa qaadi doona koobka? π
π Fasalka 7AAD mise Fasalka F1?
18/03/2026
FULL TIME:
10-AAD 6οΈβ£ VS 9-AAD9οΈβ£.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Maarso 2026, waxaa si habsami leh inoogu socda tartanka sanadlaha ah ee loo qabto dhammaan fasallada dugsiga Hage Primary and Secondary School.
Waxaa la ciyaaray kulankii Semi-final-ka ee xiisaha badnaa, kaas oo dhexmaray fasallada 10AAD iyo 9AAD. Kulankan wuxuu ahaa mid aad u adag, isla markaana ay labada fasal soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo ay ka muuqatay karti, dadaal, iyo iskaashi.
Guusha ayaa raacday fasalka 9AAD, oo ku adkaaday 9 gool, halka fasalka 10AAD ay dhaliyeen 6 gool. Runtii waxay ahayd ciyaar mudan in lagu faano.
π Hambalyo fasalka 9AAD oo u soo gudbay Final-ka!Sidoo kale, bogaadin gaar ah ayaa mudan fasalka 10AAD dadaalka iyo tartanka wanaagga leh ee ay muujiyeen.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul iyo horumar joogto ah.
04/03/2026
FULL TIME
10aad 7οΈβ£ Vs 6aad 2οΈβ£
25/02/2026
FULL TIME
9AAD 6οΈβ£ VS 7AAD 4οΈβ£.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 25/Feb/2026, waxaa si habsami leh inoogu socda tartanka sanadlaha ah ee loo qabto dhammaan fasallada dugsiga Hage Primary and Secondary School.
Waxaa la ciyaaray kulankii labaad ee xiisaha lahaa ee dhexmaray fasallada 7AAD iyo 9AAD, kaas oo ahaa mid tartan adag iyo ciyaar wanaag lagu soo bandhigay.
Guusha ayaa raacday fasalka 9AAD, oo ku adkaaday 6οΈβ£ gool, halka fasalka 7AAD ay dhaliyeen 4οΈβ£ gool. Ciyaartu waxay ahayd mid muujisay dadaal, karti, iyo iskaashi ay soo bandhigeen labada fasal.
π Hambalyo, hambalyo fasalka 9AAD guusha qiimaha leh ee aad gaartaan!
Sidoo kale, bogaadin gaar ah ayaa mudan fasalka 7AAD dadaalka iyo tartanka wanaagga leh ee ay muujiyeen.
Guul iyo horumar joogto ah ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda.
18/02/2026
Bismillah
Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/02/2026, waxaa si rasmi ah inoogu furmay tartanka sanadlaha ah ee loo qabto dhamaan fasalada dugsiga ee Hage P.S.S.
Ciyaartii furitaanka ayaa dhex martay fasallada Form Three iyo Fasalka 8-aad, iyadoo Fasalka 8-aad uu guul weyn ka gaaray dhiggiisa Form Three, natiijaduna noqotay 9β4 oo ay guushu ku raacday Fasalka 8-aad.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa Fasalka 8-aad guusha ay gaareen.
Tartankan oo loo qabtay dhiirigelinta ardayda ayaa la filayaa inuu si xiiso leh u sii socdo maalmaha soo socda. Guul iyo nasiib wacan dhammaan fasalada ka qeyb galaya!
23/01/2026
Qeybta 3aad: Dhamaadka imtixaanka Dhexe ee Sanad Dugsiyeedka 2025-2026.
23/01/2026
Qeybta 2aad: Dhamaadka imtixaanka Dhexe ee Sanad Dugsiyeedka 2025-2026.
22/01/2026
Qeybta 1aad dhamaadka imtixaanka Dhexe ee Sanad Dugsiyeedka 2025-2026
πππππππππ.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/1/2026 waxaa noo soo gaba gaboobay imtixaanki dhexe( mid-termka ) sanad dugsiyeedka 2025/2026 ee Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Hage π«
Alxamdulillah Alle ayaa mahad iskaleh oo noo fududeeyay dhammaan howlihi waxbarasho ee imtixaankaan dhaxe ilaa Maanta oo imtixaanki inoo gabagaboobayπ
Marka xigta Maamulka dugsigu wuxuu u mahadnaqayaa iyo qaddarin u jeedinayaa dhammaan Barayaasha,Waalidiinta iyo howl wadeennada qiimaha badan ee dugsiga.dadaalka,dulqaadka,hagidda,Barbaarinta,waxbaridda iyo dhiirrogelintiinna waxay ka qayb qaadatay horumarka dugsigaπ«
Haddabo mahadsanidiin dhammaantiinβοΈ
Dhanka kale Ardayda waxaa si guul leh ugu soo dhammaaday imtixaankii dhexe( mid-termka )
Haddaba dadaalka aad bixiseen,hurdada aad ka tanaasusheen iyo waqtiga aad u hurteen waxbarashada waa wax mudan in la qiimeeyo marwalbana guulaysta inshallahπ₯
Ugu danbayn dugsigu wuxuu si rasmi ah u galay fasax laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/1/2026.inshallah waxaana dib loo furi doonaa taariikh 1/2/2026.
Ka faa'idaysta waqtiga fasaxa iskana ilaaliya wax walboo dib u dhac u keeni kara naftiinna iyo mustaqbalkiinna Ardayeey β°
Fasax nabadeed,Caafimaad
iyo mid nasiino inshallah.
SOO LAABASHO WACANπ€
MAHADSANIDIIN βοΈ
ALLA MAHAD LEH π