13/09/2026
XAFALADDA MAAMUUSKA IYO MAHADCELINTA.
Dugsiga Maxamuud Xarbi waxaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusay laguna dhiirrigeliyey Sumayo Xasan Abshir, oo kaalinta 1aad ka gashay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir, sannad-dugsiyeedka 2025–2026.
Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyey Ardayda Dufcadda 18aad, iyadoo sidoo kale lagu sagootinayey Dufcadda 18aad. Waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Dugsiyada Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Naadiga Nakadma, maamulka dugsiga, macallimiin, waalidiin, arday iyo marti-sharaf.
Intii ay munaasabadda socotay, Sumayo Xasan Abshir waxaa la guddoonsiiyey Shahaado Sharaf, taas oo loogu talagalay hambalyo, bogaadin iyo dhiirrigelin.
Sidoo kale, Shahaadooyin Sharaf ayaa lagu guddoonsiiyey Maamulaha Dugsiga Maxamuud Xarbi iyo mid ka mid ah macallimiinta dugsiga, iyadoo lagu maamuusay dadaalkooda iyo kaalinta ay ka qaataan waxbarashada iyo horumarka ardayda.
Waxaa sidoo kale munaasabadda lagu maamuusay Maamo Ugaso Foundation, oo la guddoonsiiyey Shahaado Sharaf iyadoo lagu mutaystay kaalinteeda muhiimka ah ee daryeelka iyo xanaaneenta carruurta danyarta ah iyo kuwa duruufaha adag ku nool.
Maamulka Dugsiga Maxamuud Xarbi wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Sumayo Xasan Abshir, isagoo sidoo kale uga mahadcelinaya Dufcadda 18aad dadaalka iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaateen qabsoomidda munaasabaddan qiimaha leh.
Hambalyo Sumayo! Guushaadu waa sharaf, dhiirrigelin iyo tusaale wanaagsan oo ay ku faanaan Dugsiga Maxamuud Xarbi.