Nagayle Primary and Secondary School

Nagayle Primary and Secondary School Mareegta rasmigaa ee Dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee Nagayle. Toosin iyo tacliin siin. nagayle school

📢 OGEYSIIS RASMI AH.🎓 DIB-U-FURISTA XARUMAHA Dugsiyada Nagayle .Sabti, 29/08/2026, waxaa si rasmi ah noogu bilaabanaya s...
28/08/2026

📢 OGEYSIIS RASMI AH.

🎓 DIB-U-FURISTA XARUMAHA Dugsiyada Nagayle .

Sabti, 29/08/2026, waxaa si rasmi ah noogu bilaabanaya sanad-dugsiyeedka cusub ee 2026–2027, waxaana dib loo furayaa dhammaan xarumaha Dugsiyada Nagayle.
Maamulka Dugsiyada Nagayle wuxuu si diirran u soo dhaweynayaa macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta, isagoo ugu baaqaya dhammaan bahda dugsiga inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan bilowga sanad-dugsiyeedka cusub.
Dugsiyada Nagayle — Aqoonta, Anshaxa iyo Mustaqbalka Jiilka. 📚🎓.

Nagayle Primary and Secondary School

📚 Tababarka Horumarinta Xirfadda iyo Tayeynta Macallimiinta.Khamiis, taariikhdu tahay 27/08/2026, waxaa qabsoomay tababa...
27/08/2026

📚 Tababarka Horumarinta Xirfadda iyo Tayeynta Macallimiinta.

Khamiis, taariikhdu tahay 27/08/2026, waxaa qabsoomay tababar ku saabsan horumarinta xirfadda iyo tayeynta macallimiinta dugsiyada, kaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo hababka casriga ah ee waxbaridda.
Dugsiyada Nagayle ayaa qayb firfircoon ka ahaa tababarkan, iyadoo ka qaybqaadashadu muujinayso sida ay Dugsiyada Nagayle uga go’an tahay tayeynta macallimiinta iyo horumarinta waxbarashada.
Tababarku wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo aqoonta iyo waayo-aragnimada macallimiinta, si loo helo waxbarasho tayo leh oo horseedda horumarinta ardayda.
“Macallin la tayeysiiyey, waa jiil la horumariyey.” 📚✨

Hambalyo ayaan la wadaageynaa hogaanka cusub Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Xasan oo mar 3aad loo doortay hogaaminta golaha...
18/08/2026

Hambalyo ayaan la wadaageynaa hogaanka cusub Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Xasan oo mar 3aad loo doortay hogaaminta golaha midowga Dugsiyada Gobalka Banaadir hambalyo Hambalyo.

Ustaad Cabdulqaadir waxaan ugu duceyneynaa in mas’uuliyada mowle u fududeeyo.
Nagayle Primary and Secondary School

17/08/2026
Maamulaha guud ee Dugsiyada Nagayle ayaa hadda gaaray xarunta lagu shaacinaayo natiijada imtixaanka qaranka 👀👀Waxaan sug...
15/08/2026

Maamulaha guud ee Dugsiyada Nagayle ayaa hadda gaaray xarunta lagu shaacinaayo natiijada imtixaanka qaranka 👀👀

Waxaan sugnaaba waa natiijo wanaagsan
Nagayle Primary and Secondary School

13/08/2026

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa kasoo qeyb galay xafladda dhiirrigelinta iyo abaalmarinta ardayda kaalmaha h**e ka galay Imtixaanka K**a Dambeysta ah ee Sanad-dugsiyeedka 2025/2026, isagoo ku bogaadiyay ardayda dadaalkooda iyo guushooda waxbarasho.
Nagayle Primary and Secondary School

11/08/2026

Tababar Maamulayaasha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir
Muuqaal soo koobaya xafladda tababarka maamullada Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Nagayle Primary and Secondary School

Tababar Maamulayaasha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Isniin, 10-ka Agoosto 2026, ayaa Hotel Heritage lagu qabtay tab...
11/08/2026

Tababar Maamulayaasha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir
Isniin, 10-ka Agoosto 2026, ayaa Hotel Heritage lagu qabtay tababar muhiim ah oo loogu talagalay maamulayaasha dugsiyada, kaas oo ay soo agaasimeen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Hay’adda Waxbarashada Rasmi Educational Center.

Dugsiyada Nagayle waxaa tababarka uga qayb galay Maamulka Sare, Maamulka Xarunta 2-aad iyo Maamule Ku-xigeenka Xarunta 1-aad.
Tababarku wuxuu diiradda saaray kor u qaadista tayada maamulka, hoggaaminta dugsiyada, wada shaqaynta iyo horumarinta hab-maamulka waxbarashada.
Dugsiyada Nagayle waxay bogaadinayaan dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo kartida maamulayaasha dugsiyada, iyagoo rajaynaya in aqoonta laga kororsaday tababarkan ay wax weyn ka tari doonto tayeynta iyo horumarinta waxbarashada.
Nagayle Primary and Secondary School

08/08/2026

🏆 Xafladda Dhiirrigelinta iyo Abaalmarinta Ardayda.

Xasan Maxamuud oo ka mid ah Midowga Qalinjebiyasha Dugsiyada Nagayle ayaa ka hadlay xafladda lagu dhiirrigelinayay laguna abaalmarinayay ardayda kaalmaha 1-aad ka galay Imtixaanka K**a Dambeysta ah ee sanad-dugsiyeedka 2025/2026.
Xasan maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda guuleysatay, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalka, akhriska iyo waxbarashada, isla markaana guusha ay maanta gaareen uga dhigtaan bilowga guulo ka waaweyn.
Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday in isaga iyo qalinjabiyaasha kale ay garab istaagi doonaan ardayda Dugsiyada Nagayle, ayna la wadaagi doonaan khibradahooda iyo talooyinka waxbarasho, si jiilka cusub ay uga faa’iideystaan waayo-aragnimadooda.

“Guushu ma aha dhammaad, ee waa bilowga safar cusub oo guulo badan.” 🎓🏆

HAMBALYO IYO BOGAADINMaamulka, macallimiinta, iyo hawl-wadeennada Dugsiyada Nagayle  waxay hambalyo iyo bogaadin u diray...
06/08/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN
Maamulka, macallimiinta, iyo hawl-wadeennada Dugsiyada Nagayle waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Maamule Ismaaciil Cumar Shuur, Maamulaha Xarunta 2-aad ee Dugsiyada Nagayle, oo si guul leh u soo gabagabeeyey heerkiisa labaad ee Master's Degree.

Guushan aqooneed waxay ka tarjumaysaa dadaal, karti, iyo himillo sare. Waxaan u rajaynaynaa inuu Alle u barakeeyo cilmigiisa, kana dhigo mid anfaca bulshada, waxbarashada, iyo dalka.
Hambalyo iyo bogaadin! Waxaan kuu rajaynaynaa guulo iyo horumar joogto ah. 🎓🌟
Nagayle Primary and Secondary School

Address

Kaaraan Xaliima Hiite
Mogadishu
BOOSTEJADABUULAMAAXAAY

Telephone

+252615707551

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nagayle Primary and Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Nagayle Primary and Secondary School:

Shortcuts

Share

Category