07/05/2026
Tartanka kubadda Cagta ee dugsiga Atlantic primary and secondary school . โฝ๏ธ ๐ฅ
๐
Kulan xiiso leh oo dhexmaray Fasalka F4 iyo F2 ayaa kusoo idlaaday 8 iyo 6 oo eey guushu kuraacday fasalka F4 lugta 1aad ee SEMIFINAL-ka.
Sports-ku waa isdhexgalka bulshada. โฝ๏ธ ๐ฅ
๐
Xidigga Ciyaarta: Ilyaas Abdinur Hirsi ๐
05/05/2026
๐๐จ๐๐๐ก ๐๐๐ฅ๐๐๐ฅ๐จ๐๐๐ก ๐๐ฌ๐ข ๐ช๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ก ๐ ๐ ๐
Kulan aad u qiimo badan ayaa kadhacay xarunta dugsiga Atlantic primary and secondary school galabnimadii Sabtiga--2/5/2026. Kulanka waxaa looga hadlay:
1. ๐ผ๐ก๐ก๐ ๐ ๐ ๐พ๐๐๐จ๐๐๐
2. ๐ผ๐๐ข๐๐ฎ๐๐๐๐ ๐๐๐ญ ๐๐ฆ๐ง๐๐จ๐ ๐
3. ๐๐ ๐๐ค๐๐๐๐ฃ๐จ๐๐๐๐ ๐ง๐๐๐จ๐๐๐๐/๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐
4. ๐ผ๐๐ข๐๐ฎ๐๐๐๐ ๐ฌ๐๐ ๐๐ฉ๐๐๐
๐ฃ Waxaa soo jeediyay macallimiinta qiimaha badan ee iskuulka gaar ahaan Qeybta Galabley.
Kulanka Qeybtiisa labaad waxa uu dhicidoonaa maalinta Sabtiga 9/5/2026 INSHA ALLAH.
05/05/2026
Dhamaan ardayda iyo waalidiinta waxa lagu war galinayaa in maanta oo bishu tahay 5 may dugisgu fasax yahay Roobabka xoogan awgood๐
15/04/2026
Atlantic primary and secondary school
Waxaa galabta soo dhammaaday kulan xiiso badan oo dhexmaray kooxaha 8aad iyo F2. Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay natiijo ay ku gacan sarreeyeen geesiyaasha fasalka 8aad.
Natiijada: 8aad 5 - 3 F2 โฝ๏ธ
Xiddiga Garoonka (MOTM): Cabdiwali ๐
Hambalyo dhammaan taageerayaasha fasalka 8aad! Guushu waa mid naga dhexaysa. ๐๐ช
15/04/2026
Atlantic Primary and Secondary School
Taariikhda: Arbaco, 15-ka Abriil, 2026
Waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa inuu si guul leh noogu soo gabagaboobay Imtixaankii 2-aad ee Bilaha (2nd Monthly Exam) ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.
Waxaan bogaadinaynaa ardaydeena qaaliga ah sida anshaxa iyo hufnaanta leh ee ay u guteen waajibaadkooda imtixaan mudadii uu socday. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa maamulka, macallimiinta iyo dhammaan howl-wadeennada dugsiga ee fududeeyay inuu imtixaanku ku soo dhamaado jawi degan oo aqooneed.
Dugsiga Atlantic waxaa mar walba ka go'an inuu dhiirigeliyo dadaalka iyo tayada waxbarasho ee ardayda, annagoo rajaynayna in natiijooyinka soo bixi doona ay noqdaan kuwo ka tarjumaya dedaalkii dheeraadka ahaa ee la soo bixiyey.
"Guushu ma ahan meel la gaaro oo kaliya, ee waa socodka dadaalka joogtada ah."
Dadaal, Akhlaaq, iyo Guul!
11/04/2026
Atlantic Primary and Secondary School
Maanta: Sabti, 11-ka Abriil, 2026
Waxaan halkii ka sii amba-qaadaynaa Imtixaankii 2-aad ee Bilaha (2nd Monthly Exam) ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.
Maanta waa Maalintii 2-aad ee imtixaanku uu si habsami leh ugu socdo ardaydeena. Waxaan ardayda oo dhan u rajaynaynaa deganaansho, kalsooni iyo inay natiijooyin wax ku ool ah ka keenaan maadooyinka ay maanta u fariisteen.
"Guushu waa natiijada dadaal joogto ah."
Nasiib wacan dhammaan ardayda!

08/04/2026
Waxaa galabta si xiiso leh u soo dhammaatay ciyaar dhex martay F3 iyo Class 7. Guusha waxay raacday xiddigaha F3 oo guul weyn ku gaaray 20-5.
โ๐ Xiddigga Garoonka: Waxaan u hambalyaynaynaa Cabdirisaq oo wacdaro dhigay galabta, isagoo keligii shabaqa dhex dhigay 13 Gool!
โHambalyo F3, dadaal wacan Class 7. ๐
โ production.
08/04/2026
Atlantic Primary and Secondary School
Maanta: Arbacada, 8-da Abriil, 2026
Waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa inuu si habsami leh u bilowday Imtixaankii 2-aad ee Bilaha (2nd Monthly Exam) ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Imtixaankani waa fursad dahabi ah oo ay ardaydeenu ku muujin karaan heerka aqoonta iyo horumarka ay ka gaareen casharadii la soo dhigay intii u dhaxaysay imtixaankii koowaad iyo hadda.
"Guushu waxay raacdaa qofka diyaar u ah ee dadaalkiisa ku kalsoon."
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardaydeena qaali ah inuu Alle u fududeeyo imtixaanka, una horseedo natiijooyin heer sare ah oo muujinaya dedaalkooda.