Halane Primary and Secondary School -HPSS

Call Website Contact the school

Halane Primary and Secondary School -HPSS Dugsiga Xalane Waxa uu soo saaraa Arday Tayo leh oo Aqoon iyo Akhlaaq lagu Barbaariyey.

14/10/2026

πŸŽ₯ MUUQAAL| BANDHIGGA DAABUURKA SUBAXNIMO EE Halane Primary and Secondary School -HPSS

πŸ“Έ Sawirro: Barnaamijka Bandhiga πƒπ€π€ππ”π”π‘πŠπ€ π’π€ππ€π€π—πˆπ†π€ 𝐀𝐇  Ee Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, Saakay Wax...
13/10/2026

πŸ“Έ Sawirro: Barnaamijka Bandhiga πƒπ€π€ππ”π”π‘πŠπ€ π’π€ππ€π€π—πˆπ†π€ 𝐀𝐇 Ee Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, Saakay Waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah ardayda dugsiga sare, iyagoo soo bandhigay Mowduuc ku saabsan β€œQiimaha Akhlaaqda iyo Anshaxa Islaamka.”

Daabuurku waa qayb muhiim ah oo kobcisa kala dambaynta, edebta, masuuliyadda, midnimada iyo ixtiraamka ardayda.

βœ… Aqoonteenna aan kororsanno.
βœ… Anshaxeenna aan ilaalinno.
βœ… Waqtigeenna aan dhowrno.
βœ… Dugsigeennana aan horumarino.

Ugu dambayn, waxaan dhammaan ardayda ku boorrinaynaa inay ku dadaalaan aqoonta, akhlaaqda wanaagsan iyo ilaalinta nidaamka dugsiga, si ay u noqdaan jiil aqoon leh, tarbiyaysan, mustaqbalkana hoggaamiya bulshadooda.

Jiheyn β€’ Toosin β€’ Tarbiyeyn

🌟 Akhlaaq Wanaagsan, Aqoon Tayeysan, Mustaqbal Horumarsan!

Dugsiga Xalane –Waa Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaaliyeed.

πŸ“ž Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Agaasinka Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo Xiriirka Guud Ee Halane School
Haldoor Hassan Mo'allim Osman

πŸ“± TikTok:
πŸ”— https://www.tiktok.com/

BARNAAMIJKA TODDOBAADLAHA AH EE BANDHIGGA TUBSAN DUGSIGA Halane Primary and Secondary School -HPSS .Mawduuca Toddobaadka...
11/10/2026

BARNAAMIJKA TODDOBAADLAHA AH EE BANDHIGGA TUBSAN DUGSIGA Halane Primary and Secondary School -HPSS .

Mawduuca Toddobaadkan: Qiimaha Akhlaaqda iyo Anshaxa Islaamka

πŸŽ™οΈLIISKA ARDAYDA IYO QAYBAHA AY SOO BANDHIGAYAAN

1. Hibo Saciid Cabdiraxmaan– Xiriiriye
2. Mahdi Macallin Cusmaan – Furitaanka Barnaamijka (Qur’aanka Kariimka)
3. Cabdullaahi Cabdiwaaxid Cumar – Hordhaca Mawduuca Barnaamijka
4. Maryan Cabdullaahi Maadey – Akhlaaqda iyo Jacaylka Alle iyo Rasuulka (SCW)
5. Safiyo Cabdiwaaxid Cumar – Akhlaaqda Wanaagsan ee Laga Rabo Muslimka
6. Aweys Axmed Cabdullaahi – Sidee Loo Hagaajiyaa Akhlaaqda? iyo Akhlaaqda Ardayga Gudaha Dugsiga
7. Abshir Abuukar Maxamed – Xaqa Waalidka iyo Macallinka, iyo Akhlaaqda Baraha Bulshada
8. Qamar Cabdiwaaxid Cumar – Abaalmarinta Akhlaaqda Wanaagsan
9. Mahdi Macallin Cusmaan – Qur’aan Gabo-gabo ah

πŸ“… Maalinta: Isniin
⏰ Waqtiga: 07:00 subaxnimo
πŸ“ Goobta: Xarunta Iskuulka Xalane Wadajir

"Akhlaaq Wanaagsan, Aqoon Tayeysan, Mustaqbal Horumarsan!"

Dugsiga Xalane – Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaaliyeed.

πŸ“ž Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Agaasinka Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo Xiriirka Guud Ee Halane School
Haldoor Hassan Mo'allim Osman

πŸ“± TikTok:
πŸ”— https://www.tiktok.com/

πŸ“’ BARNAAMIJKA ISBUUCLAHA AH EE BANDHIGGA TUBSANJiheyn β€’ Toosin β€’ TarbiyeynπŸ—“οΈ Maalin: Isniin kasta⏰ Waqti: 07:00 subaxnim...
10/10/2026

πŸ“’ BARNAAMIJKA ISBUUCLAHA AH EE BANDHIGGA TUBSAN
Jiheyn β€’ Toosin β€’ Tarbiyeyn

πŸ—“οΈ Maalin: Isniin kasta
⏰ Waqti: 07:00 subaxnimo
πŸ“ Goob: Dugsiga Xalane

🎀 Doorka Ardayda: Isbuuc kasta, qaar ka mid ah ardayda Iskuulka Xalane Wadajir ayaa soo jeedinaya barnaamijka, iyagoo soo bandhigaya wacyigelin iyo talooyin wax-ku-ool ah.

Hadafka: Dhisidda jiil aqoon leh, akhlaaq wanaagsan iyo masuuliyad.

"Akhlaaq Wanaagsan β€’ Aqoon Tayeysan β€’ Mustaqbal Horumarsan"

🏫 Dugsiga Xalane waa Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaaliyeed.

06/10/2026

πŸŽ₯ DAAWO | WACYIGELINTA ARDAYDA

πŸŽ™οΈ Sheekh Isxaaq Macallin Cali
πŸ“š Dardaaran Qiimo Leh oo ku Socda Ardayda Iskuulka Xalane Wadajir

🏫 Halane Primary and Secondary School -HPSS

SAWIRRO: BARNAAMIJKA WACYIGELINTA ARDAYDA | Halane Primary and Secondary School -HPSS  Maanta, waxaa si sharaf leh ugu m...
05/10/2026

SAWIRRO: BARNAAMIJKA WACYIGELINTA ARDAYDA | Halane Primary and Secondary School -HPSS Maanta, waxaa si sharaf leh ugu marti ahaa Sheekh Isxaaq Macallin Cali, oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, kana qayb qaatay barnaamijka joogtada ah ee Wacyigelinta Ardayda Iskuulka Xalane Wadajir

Sheekhu wuxuu ardayda u jeediyay muxaadaro qiimo iyo waxtar badan leh oo cinwaankeedu ahaa: β€œDardaaran Dhammaystiran oo ku Socda Ardayda Dugsiga Xalane.”
πŸ“–ΩˆΨ΅ΩŠΨ©ΩŒ Ψ¬Ψ§Ω…ΨΉΨ©ΩŒ لطلابِ مدرسةِ Ψ­Ω„Ω†ΩŠ.

Muxaadaradu waxay xambaarsanayd dardaaranno ku saabsan aqoonta, akhlaaqda, tarbiyadda, dadaalka, waqtiga ka faa’iidaysiga iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan.

Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Xalane waxay aaminsan yihiin in waxbarashadu aysan ku koobnayn aqoon oo keliya, balse ay tahay dhisidda jiil leh aqoon, akhlaaq, masuuliyad iyo himilo sare.

Ardayda Xalane, dadaala, waqtigiinna ka faa’iidaysta, aqoontiinna iyo akhlaaqdiinna ku dhisa mustaqbalka aad hiigsanaysaan.

Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa Sheekh Isxaaq Macallin Cali waqtigiisa, dardaarankiisa iyo talooyinka qiimaha badan ee uu la wadaagay ardayda.

Dugsiga Xalane Waa – Kobcinta Garaadka iyo Akhlaaqda Jiilka Soomaaliyeed. πŸŒ±πŸ“š

KABTANNADA XULKA DUGSIGA XALANE 2026–2027 Kabtanka 1-aad: Yaasiin Cumar Xasan (GaTuuza)Kabtanka 2-aad: Cali Axmed Cabdi ...
04/10/2026

KABTANNADA XULKA DUGSIGA XALANE 2026–2027

Kabtanka 1-aad: Yaasiin Cumar Xasan (GaTuuza)
Kabtanka 2-aad: Cali Axmed Cabdi (Cali Duqow)
Kabtanka 3-aad: Sahal Abuukar Cabdulqadir (Sahal Haaland)

Saddexda Kabtan, Hal Xul, Hal Hadaf β€” GUUL!

Xulka Dugsiga Xalane β€” Dadaal β€’ Wadajir β€’ Guul

Maamulka, Macallimiinta iyo Bahda Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, waxay hambalyo iyo bogaadin u diray...
01/10/2026

Maamulka, Macallimiinta iyo Bahda Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Maxamed Muuse Dheere, oo ka mid ahaa ardaydii ka aflaxday Iskuulka Xalane Wadajir Sanad-dugsiyeedkii 2020–2021, isagoo si guul leh u soo gabagabeeyey Waxbarashada Heerka 1-aad ee Jaamacadda. πŸŽ“

Alle ha u barakeeyo aqoontiisa, hana ka dhigo mid anfaca naftiisa, qoyskiisa, bulshada iyo dalkiisa.

Hambalyo Maxamed! πŸŽ‰
Guushaadu waa Guusha Xalane! πŸ’™

🏫 Dugsiga Xalane Waa β€” Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaaliyeed.

Drs. Yusra Ibrahim, Maamulka iyo Bahda Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, waxay si kal iyo laab ah kuugu...
27/09/2026

Drs. Yusra Ibrahim, Maamulka iyo Bahda Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, waxay si kal iyo laab ah kuugu hambalyeynayaan qalin-jabintaada Kuliyadda Caafimaadka gaar ahaan General Nursing. πŸ©ΊπŸŽ“

Ilaahay ha kuu barakeeyo aqoontaada, hana kaa dhigo qof bulshada ugu adeega cilmi, naxariis iyo daacadnimo. Guulo waaweyn ayaan kuu rajaynaynaa. Aamiin!

Hambalyo Drs. Yusra! Guushaadu waa Guusha Xalane!

β€œGabar Waxbaratay Waa Bulsho Waxbaratay.”

Maamulka, Macallimiinta iyo Bahda Dugsiga Xalane, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Hassan Halow Muqtaar, oo ka mid...
26/09/2026

Maamulka, Macallimiinta iyo Bahda Dugsiga Xalane, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Hassan Halow Muqtaar, oo ka mid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, sanad-dugsiyeedkii 2020–2021, isla markaana maanta ka qalin-jabiyey Jaamacadda Jazeera University– Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, Waaxda Kalkaalinnimada Guud (General Nursing).

🀲 Alle ha u barakeeyo aqoontiisa, hana ka dhigo mid bulshada iyo dalkaba anfaca.

Hambalyo Xasan! Guushaadu waa Guusha Xalane.

Dugsiga Xalane β€” Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaaliyeed.

Address

Wadajir District, Xaafada Janaraal Daa'uud, Gaar Ahaan Saldhiga Wada Jir
Mogadishu

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00

Telephone

+252615444812

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halane Primary and Secondary School -HPSS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Halane Primary and Secondary School -HPSS:

Shortcuts

Share