Halane Primary and Secondary School -HPSS

Halane Primary and Secondary School -HPSS

Share

Dugsiga Xalane Waxa uu soo saaraa Arday Tayo leh oo Aqoon iyo Akhlaaq lagu Barbaariyey.

24/07/2026

πŸŽ™οΈ Daawo Hadaljeedintii Safiyo Cabdiwaaxid

Safiyo Cabdiwaaxid, oo ka mid ah ardayda Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, ayaa hadal kooban oo qiimo badan ka jeedisay Xafladdii Maamuuska Ardaydii ku Guuleysatay Tartanka Aqooneedka iyo Mahadcelinta Macallimiinta ee Qeybta Diyaarinta Carruurta (Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha).

πŸ“Ή Daawo muuqaalka, la wadaag, kana faa'iidayso fariinta dhiirrigelinta leh.

24/07/2026

πŸŽ™οΈ Daawo Hadaljeedinta Ustaad Mohamed M. Hassan Buraale, Maamule Ku-xigeenka Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS ahna Madaxa Waxbarashada iyo Imtixaanka.

Hadal kooban oo xambaarsan dhiirrigelin, aqoon, iyo tilmaamo muhiim u ah ardayda iyo waalidiinta.

πŸ“Ή Daawo oo la wadaag si ay fariintu u gaarto bulshada.

Photos from Halane Primary and Secondary School -HPSS's post 23/07/2026

🎁 Guddoonsiinta Hadiyadaha Macallimiinta iyo Ardayda Guuleysatay πŸ†

Si loo maamuuso dadaalkooda iyo guulahooda, waxaa hadiyado lagu guddoonsiiyey macallimiintii Qeybta Diyaarinta iyo ardaydii ku guuleysatay Tartanka Aqooneedka Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS

Waxaan u hambalyeynaynaa dhammaan intii la abaalmariyey, waxaana u rajaynaynaa guulo iyo horumar joogto ah.

Dugsiga Xalane – Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaaliyeed. πŸ“šβœ¨

Photos from Halane Primary and Secondary School -HPSS's post 23/07/2026

πŸ“Έ Sawirrada: πŸ† Xafladda Maamuuska Ardayda iyo Macallimiinta Qeybta Diyaarinta πŸŽ“πŸŒΈ Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS

Waxaa si sharaf iyo farxad leh loo qabtay Xafladda Maamuuska Ardaydii ku guuleysatay Kaalinta 1-aad iyo Kaalinta 2-aad ee Tartanka Aqooneedka Dugsiga Xalane – Qeybta Diyaarinta Carruurta (Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha).

Xafladda waxaa si maamuus leh uga soo qeybgalay qaar ka mid ah Maamulka Dugsiga Xalane, kuwaas oo bogaadiyey dadaalka ardayda iyo macallimiinta, isla markaana ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan horumarka iyo dadaalka ay muujiyeen.

Sidoo kale, waxaa la guddoonsiiyey Abaalmarinno iyo Shahaadooyin macallimiintii Qeybta Diyaarinta, kuwaas oo dadaal, juhdi, iyo hufnaan weyn geliyey horumarinta waxbarashada iyo tarbiyadda ardayda.

"Ardayga hela aas-aas waxbarasho oo sax ah, wuxuu durba gaaraa qayb weyn oo ka mid ah yoolkiisa waxbarasho."

Carruurteenna waa hoggaamiyeyaasha berri. Aan maanta ku dadaalno tayeynta waxbarashadooda, kobcinta kartidooda, iyo dhisidda akhlaaqdooda wanaagsan.

Waxaan hambalyo u direynaa dhammaan ardaydii iyo macallimiintii la maamuusay, waxaana Eebbe uga baryeynaa inuu u kordhiyo aqoon, guul, iyo barako.

Dugsiga Xalane – Waa Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaaliyeed. πŸ“šβœ¨

10/07/2026

πŸ₯‡πŸŽ‰ Hambalyo Fasalka 2-aad (A)! πŸ†

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa Fasalka 2-aad (A) oo ku guuleystay Koobka Tartan Aqooneedka, kana noqday Horyaalka Tartan Aqooneedka Dugsiga Xalane – Qeybta Diyaarinta Carruurta, ee la qabtay maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalkooda, kartidooda, iyo wada-shaqeyntooda. Waxaan u rajaynaynaa inay sii wadaan guulaha iyo horumarka waxbarasho.

🎊 Hambalyo Horyaal! Guul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa. 🌟

09/07/2026

In Ubadka Si wanaagsan loo tarbiyeeyo, waxa ay sahlaysaa in Mustaqbalkoodu hagaago, Maamulka Iyo Barayaasha Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, waxay mar waliba u taagan yahiin horumarinta iyo tayaynta waxbarshada, wacyigelinta, taageerida, la talinta, tababarida, waxbarida Caruurta Soomaliyeed.


09/07/2026

πŸ… Guddoonsiinta Biladaha Guusha – Fasalka 2-aad (A) πŸ†

Daawada muuqaalka guddoonsiinta Biladaha Guusha ee Fasalka 2-aad (A), oo ku guuleystay Koobka Tartan Aqooneedka Dugsiga Xalane – Qeybta Diyaarinta Carruurta ee Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee sanad dugsiyeedka 2025–2026.

πŸŽ‰ Hambalyo Horyaallada! Guushan waxay ka dhalatay dadaal, karti, diyaar-garow iyo iskaashi wanaagsan. Waxaan idiin rajaynaynaa guulo iyo horumar waxbarasho oo sii socda.

Hambalyo Fasalka 2-aad (A)! πŸ₯‡πŸ‘πŸ†

Photos from Halane Primary and Secondary School -HPSS's post 09/07/2026

πŸ† GABAGABADII FINALKA TARTAN AQOONEEDKA ARDAYDA DUGSIGA XALANE

Qeybta Diyaarinta Carruurta – Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha

Waxaa si guul leh loo soo gabagabeeyey Finalka Tartan Aqooneedka Ardayda Dugsiga Xalane – Qeybta Diyaarinta Carruurta (Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha) ee sanad dugsiyeedka 2025–2026.

πŸ₯‡ Fasalka 2-aad (A) ayaa ku guuleystay Koobka Tartan Aqooneedka, iyagoo noqday Horyaalka Tartanka. πŸ†

πŸŽ‰ Hambalyo Fasalka 2-aad (A) guusha aad gaarteen. Sidoo kale, bogaadin gaar ah ayaan u direynaa Fasalka 2-aad (B) oo soo bandhigay tartan qurux badan.

Hambalyo dhammaan ka qaybgalayaasha! πŸŽŠπŸ“š

Photos from Halane Primary and Secondary School -HPSS's post 09/07/2026

πŸŽ“ HAMBALYO IYO BOGAADIN πŸŽ‰

Maamulka, Macallimiinta iyo dhammaan Ardayda Dugsiga Halane Primary and Secondary School -HPSS, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan, farxaddana la qaybsanayaan Mudane Abdisalam Abdulkadir Mohamed, oo si guul leh u soo gabagabeeyey waxbarashadiisa heerka koowaad ee Jaamacadda.

Mudane Cabdisalaam wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka aflaxday Dugsiga Xalane, gaar ahaan Dufcaddii 13-aad ee sanad dugsiyeedka 2020–2021. Maanta wuxuu si sharaf leh uga qalin-jabiyey Jaamacadda Horseed International University HIU, isagoo muujiyey dadaal, karti iyo adkaysi dhinaca waxbarashada ah.

Waxaan kuu leenahay: Hambalyo! Waxaad gaartay guul muhiim ah, waana tallaabo weyn oo kuu horseedi doonta guulo kale oo badan, idanka Alle.

Waxaan Alle kaaga baryeynaa inuu kuu barakeeyo cilmiga aad baratay, kuu fududeeyo mustaqbal ifaya, kuna waafajiyo guulo iyo horumar joogto ah.

Congratulations and best wishes for your next steps! πŸŽ‰πŸŽ“

"Dugsiga Xalane Waa Kobciyaha Garaadka Ubadka Soomaliyeed"

07/07/2026

Ardayda Fasalka 7-aad Qeybta Galab Oo Maamuus U Sameeyay Form Master-kooda Ustaad Omar Moh D Mostaf

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Wadajir District, Xaafada Janaraal Daa'uud, Gaar Ahaan Saldhiga Wada Jir
Mogadishu

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00