Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Share

Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa ku midaydsan dhammaan ardayda wax ka barata JUS

Photos from Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 15/12/2025

NAJUS OO HAMBALYO U DIRAYSA KOOXDA ACCOUNTING (ACC) EE KU GUULEYSATAY FEMS CUP 2025

Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (NAJUS) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka (FEMS), gaar ahaan Kooxda Accounting (ACC), oo ku guuleysatay Koobka FEMS CUP 2025, kadib ciyaar final ah oo xiiso leh kana dhacday Garoonka Bagaax.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyey Midowga Ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka dadaalka, abaabulka iyo masuuliyadda ay muujiyeen, kuwaas oo suurtageliyey in tartanka FEMS CUP uu u qabsoomo si habsami leh, nidaamsan isla markaana guul leh.

Munaasabadda geba-gebada tartanka waxaa goob-joog ka ahaa Hormuudka Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka, Guddoomiyaha Midowga Ardayda iyo Madaxda Ciyaaraha Midowga Ardayda, kuwaas oo si wadajir ah u guddoonsiiyey koobka kooxda ku guuleysatay, iyadoo NAJUS ay mar kale adkaynayso doorkeeda dhiirrigelinta isboortiga, midnimada iyo horumarinta ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

13/12/2025

Masraxa Shariif Saalax" ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo la furi doono galabta 4:00pm.

13/12/2025

Munaasabadda Xarig-Jarka Masraxa Prof. Shariif Saalax.

📍 Goobta: JUS – Xarunta KM4
đź—“ Taariikhda: Sabti, 13 December 2025

Kusoo dhowaada munaasabad taariikhi ah. 🇸🇴✨

12/12/2025

Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo xooga saaraya horumarinta hoggaamiyenimada, kobcinta is-dhiirrigelinta, iyo sare u qaadista xirfadaha bulshada, waxa uu qabanayaa seminar aqooneed oo ku saabsan “Characteristics of a Good Leader.”

Seminar-kan waxa uu ujeedkiisu yahay in uu ardayda siiyo faham qoto dheer oo ku saabsan astaamaha uu leeyahay hoggaamiyaha wanaagsan, doorka uu ku leeyahay bulshada, iyo sida xirfadaha hoggaamineed loogu dabaqo nolol maalmeedka iyo shaqada.

Waxaa soo jeedin doona:

_Prof. _Mohamed Ahmed Jim’aale
_Bare Sare ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed_
_Rector-ki h**e ee JUs_

Taariikhda: 18 December
⏰ Waqtiga: 3:30 galabnimo
📍 Goobta: University Hall – KM4.

Linkiga iska diwaan gali
https://forms.gle/a1qrTtEc3c52qU548


Joint group what's up

https://chat.whatsapp.com/LZTsXtuzPFAF5pev0rEyLn

F.G Isdiiwaangelintu waxey ku egtahay _16/12/2025_ .

10/12/2025

Farriinta Golaha Akhriska iyo Qoraalka Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ugu tala galeen ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

08/12/2025

GUDDOOMIYAHA NAADIGA ARDAYDA JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED OO MAGACAABAY LATALIYAHA ARRIMAHA BULSHADA EE NAJUS.

Muqdisho, 8th December 2025 – Guddoomiyaha Naadiga Ardayyda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (NAJUS), Mudane Abdinasir Isse Iidoow, ayaa si rasmi ah u magacaabay Shuceyb Abdullahi Yusuf inuu noqdo Lataliyaha Arrimaha Bulshada ee NAJUS.

Shuceyb Abdullahi Yusuf waa arday ka soo muuqday hawlaha bulshada ee jaamacadda, gaar ahaan taageeridda ardayda, wacyigelinta, iyo kobcinta xiriirka bulshada. Waxaa lagu yaqaan masuuliyad, dedaal joogto ah, iyo xirfado wanaagsan oo isgaarsiin ah.

Magacaabistiisa waxaa lagu saleeyay kalsoonida lagu qabo shaqadiisa hufan, kartidiisa, iyo sida uu mar walba uga shaqeeyo xal u helidda arrimaha ardayda. Wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa hagidda hawlaha bulshada, xoojinta wada-shaqeynta ardayda, iyo horumarinta barnaamijyada bulshada ee NAJUS.

Guddoomiyaha NAJUS ayaa sheegay in Shuceyb uu yahay shaqsi ku habboon xilkan, isla markaana la filayo inuu soo kordhiyo aragti iyo hufnaan wax-ku-ool ah.

Waxaan u rajaynaynaa guul, himilo sare, iyo in uu xilkan u guto si hufan oo miro-dhal ah.

DHAMMAAD

Photos from Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 07/12/2025

MAALINTA CAALAMIGA AH EE NAAFADA 2025 – NAJUS

Muqdisho, Diseembar 06, 2025 – Eebe mahadi ayay ku bilaabatay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Naafada oo si qurux badan uga qabsoontay xarunta JUS ee KM4. Munaasabaddan, oo qeyb ka ah wacyigelinta iyo taageeridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaa soo agaasimay Madaxa Caafimaadka ee Naadiga Ardayda, Maariya Salaad Tobanle, iyadoo ay kasoo qayb galeen arday ka kala socday dhammaan kulliyadaha jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxaa ugu horrayn hadal dhiirrigelin leh iyo cashar aqooneed oo qiimo badan ka jeediyey Dr. Mohamed Taher, oo ku takhasusay cilmi-nafsiga iyo caafimaadka maskaxda, isagoo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda fahamka naafonimada, dhismaha nafsiyeed, iyo kaalinta bulshada ee taageeridda dadka baahiyaha gaarka ah. Ka dib, waxaa sidoo kale hadallo wacyigelin iyo baraarujin ah jeediyey Dr. Ali Omar Abati, Guddoomiyaha Bulshada Rayidka Banaadir iyo Xuquuqul Insaanka, iyo Dr. Maxamed Siciid, Agaasimaha Manhajka, kuwaas oo iftiimiyey muhiimadda waxbarashada, wacyiga bulshada, iyo xoojinta taageerada dadka baahiyaha gaarka ah.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay buug uu qoray arday qaba baahiyo gaar ah oo weli dhigta dugsiga sare, Cabdiraxmaan Ibraahim Qureysh. Buuggiisa waxaa cinwaan u ah: “Haldoorka Dalka iyo Himilooyinka Naafada Soomaaliyeed.” Bandhiggani wuxuu noqday mid dhiirrigelin gaar ah u ah ardayda iyo bulshada guud ahaan.

Ugu dambayn, munaasabadda waxaa soo xiray Guddoomiyaha Naadiga Ardayda JUS, oo uga mahadceliyey ka qaybgalayaasha iyo marti sharafta, kana hadlay muhiimadda iskaashiga ardayda iyo bulshada naafada ah, isaga oo xusay doorka NAJUS ee horumarinta, wacyigelinta, iyo u doodista xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah.

“Naafonimadu ma aha tabar darro.”

NAJUS Media iyo Xafiiska Warfaafinta
Mudane Muscab Mahdi Ciise
Email: [email protected]

05/12/2025

MAALINTA CAALAMIGA AH EE NAAFADA 2025

Muqdisho, Diseembar 06, 2025; Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in si rasmi ah loo qaban doono munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Naafada, taas oo lagu qabanayo xarunta JUS ee qaybta KM4, laguna qorsheeyey inay socoto 3:00 – 6:00 galabnimo.

Munaasabaddan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo wacyiga bulshada, lagu muujiyo muhiimadda ka-qaybgalka, laguna ilaaliyo xuquuqda dadka naafada ah, iyadoo sidoo kale la dhiirri-gelinayo kaalin firfircoon oo ay ardayda ku yeeshaan taageeridda iyo awood-siinta bulshada naafada ah.

Marti Sharaf:
Dr. Mohamed Taher
Ph.D in Psychology
MS in Psychology & Mental Health
Batch – Psychology

Barnaamijka waxaa lagu soo bandhigi doonaa:
• Wacyigelin iyo talooyin caafimaad
• Bandhig buug uu qoray arday naafo ah
• Khudbad dhiirigelin iyo wacyigelin ah
• Is-barasho, wada hadal iyo xog-wadaag bulshada dhexdeeda ah

“Disability is not inability.”

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Ardayda
Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (NAJUS)
Email: [email protected]

Photos from Midowga Ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka JUS's post 04/12/2025
Photos from Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 01/12/2025

Tababar Guul Ku Dhamaaday oo ku Saabsan Qorista Thesis-ka Jaamacadda

Muqdisho, 30 Nofeembar 2025 – Waxaa si guul leh kusoo dhamaaday tababarkii uu qabtay Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), kaasoo cinwaankiisu ahaa:
"How to Write Your University Thesis: A Simple Step-by-Step Guide to Success",
oo soo jeediyey DVM, PhD, xubin guddiga qaranka ee Tacliinta Sare, Prof. Osman Mohamed Abdirahman, laguna qabtay xarunta Km4 ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Tababarkan waxaa kasoo qeyb galay arday ka kala socotay jaamacadaha dalka, iyo marti sharaf kale oo fara badan. Intaa waxaa dheer, tababarku wuxuu ardayda siiyay fursad ay ku fahmaan talaabooyinka saxda ah ee qorista thesis-ka, horumarinta xirfadaha cilmi-baarista, iyo diyaarinta qoraal tayo leh oo jaamacadeed. Ardaydu waxay sidoo kale ka faa’iiday aqoon iyo talooyin toos ah oo ka timid khabiir heer qaran ah, taasoo kor u qaadday kalsoonidooda iyo diyaar-garowgooda waxbarasho.

Guntii iyo gunaanadkii madasha, hadalka waxaa qaatay Gudomiso Xigeenka. NAJUS. DVM. Ikram Muktar Ali, oo ku hadlaysay afka Naadiga Ardayda JUS, iyadoo mahadnaq gaar ay u jeedisey Prof. Osman Mohamed Abdirahman dadaalkii iyo waqtigii uu u huray ardayda, isla markaana shahaado sharaf loo gudoonsiiyey. Sidoo kale, mahadcelin gaar ah waxaa loo jeedinayaa dhammaan ardayda ka qeyb qaadatay tababarka, marti sharafka, iyo xubnaha Naadiga Ardayda JUS ee ka shaqeeyey abaabulka iyo hirgelinta tababarkan, kuwaasoo ka qayb qaatay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.

Naadiga Ardayda, wuxuu sii wadi doonaa ka qeyb qaadashada horumarinta ardayda guud iyo kobcinta bahiyaha cilmiyeed ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Mudane Muscab Mahdi Ciise
Madaxa Warfaafinta iyo Warbaahinta
Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
E-mail: [email protected]

Photos from Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 29/11/2025

MAGACAABISTA GOLAHA AKHRIS-QORAALKA NAADIGA ARDAYDA JAAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED (NAJUS)

Muqdisho, 29 November 2025,
Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed mudane Abdinasir Isse Idow, isagoo ka jawaabaya baahida sii kordheysa ee loo qabo gole si joogto ah uga shaqeeya horumarinta akhriska, qoraalka iyo hal-abuurka aqooneed ee ardayda, waxa uu maanta si rasmi ah u magacaabay Golaha Akhris-Qoraalka NAJUS.

Golahan cusub waxa uu yeelan doonaa door muhiim ah oo ku wajahan:
•Horumarinta iyo kobcinta akhriska ardayda JUS.
•Dhiirigelinta qoraalka iyo hal-abuurka ardayda Jaamacadda Ummadda.
•Abaabulidda munaasabado, dood-wadaag, iyo madallo waaweyn oo lagu xoojinayo aqriska iyo qoraalka.
•Soo saaridda barnaamijyo aqooneed oo lagu taageerayo ardayda xiiseysa qorista, cilmi-baarista iyo suugaanta.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha NAJUS wuxuu ku boorriyay guddoonada kulliyadaha, xubnaha naadiga iyo dhammaan ardayda JUS inay si buuxda uga gacan siiyaan golahan cusub gudashada waajibaadkooda, maadaama uu yahay gole loogu talagalay kobcinta aqoonta iyo hal-abuurka ardayda jaamacadda.

— DHAMMAAD —

Photos from Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 26/11/2025

Olole Nadaafadeed iyo Wacyigelin oo ay iska kaashadeen NAJUS iyo MAKDH&M

Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (NAJUS) iyo Midowga Ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka (MAKDH&M) ayaa maanta si wadajir ah u fuliyey olole nadaafadeed oo lagu hagaajinayo bilicda iyo nadaafadda deegaanka jaamacadda. Ololehaani wuxuu ahaa mid si habsami leh loo qorsheeyay loona fuliyay, iyada oo ardaydu muujiyeen wacyigelin sare, iskaashi dhab ah, iyo mas’uuliyad lagu bogaadin karo oo ku wajahan ilaalinta deegaanka waxbarashada.

Hawlgalka nadaafaddu wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo ardayda inay qaataan kaalinta hoggaamineed ee nadiifinta iyo ilaalinta goobaha waxbarashada. NAJUS iyo MAKDH&M waxay hoosta ka xarriiqeen in ololaha noocan ahi uu ka tarjumayo sida ay ardayda Soomaaliyeed uga go’an tahay dhismaha jawi nadiif ah, ammaan ah, isla markaana ku habboon barashada iyo kobcinta aqoonta.

Md. Muscab Mahdi Ciise
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee NAJUS
E-mail: [email protected]

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Mogadishu