13/09/2026
Waxaa si heer sare ah uga dhacday Xunayn School xafladda shaacinta natiijada iyo abaal-marinta ardayda.
Xafladdan oo ay soo qabanqaabisay Hankaab Institute of Language and Science, oo ah qaybta private ka ee Xunayn School, ayaa lagu shaaciyay natiijooyinka ardayda, iyadoo sidoo kale abaal-marinno la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha sare ka galay waxbarashada.
Xafladdu waxay ahayd maalin ay ka muuqatay farxad, dhiirrigelin iyo dhiirrigelinta ardayda si ay u sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho.
Hankaab Institute of Language and Science iyo Xunayn School waxay mar walba xoogga saaraan tayada waxbarashada, anshaxa iyo horumarinta mustaqbalka ardayda.