23/02/2026
Maanta waxaa si xiiso leh u qabsoomay tartan aqooneed oo dhex maray fasallada F4B iyo 8A.
Sidoo kale waxa uu tartan dhex maray ardayda 7B iyo 6B.
Tartamada ayaa ahaa kuwa adag, loolan xoog lehna la kala hor yimid, ugu dambeyntiina natiijadu waxay ku dhammaatay:
Subax
F4B– 12 dhibcood
8A – 14 dhibcood
Galab
Grade 7B - 12 dhibcood
Grade 6B - 16 dhibcood
Guushii tartanka waxaa si qurux badan ugu guuleystay fasalada 8A (subax) iyo Grade 6B (Galab)!
Hambalyo dhamaan ardayda ku guuleysatay tartanka! Waxaad muujiseen dadaal, karti iyo isku-duubni. Waxaan idiin rajaynaynaa in guulahaasi sii socdaan, kuna dadaashaan waxbarashada.
17/02/2026
𝗧𝗮𝗿𝘁𝗮𝗻 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝗲𝗲𝗱-𝗸𝗮 مدرسة الإحسان الاساسية والثانوية Waxaa Maanta Ku Tartarmay Fasalada Kala Ah 𝐅4A 𝐕𝐬 F2B .
𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐊𝐮 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐒𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐜𝐨𝐭𝐚:
-) F4A : 16 Dhibcood
-) F2B: 16 Dhibcood
-2026
11/02/2026
Bismillah.
Marka h**e, waxaan u mahadcelinaynaa Allah SWT oo nagu galladaystay in si nabad ah oo guul leh inoogu bilowdo Tartan Aqooneedka sannad dugsiyeedka 2025–2026.
Tartanka maanta waxaa lagu furfuray fasalada subax F-3A vs F-1A.
Maanta fasalladii tartamay waxay muujiyeen dadaal, karti iyo dhabar-adeeg mudan bogaadin. Tartanku wuxuu ahaa mid xamaasad iyo wanaag ku dhisan.
:
Form Three A 🆚 Form One A
Labada fasalba waxay heleen 16 dhibcood .
Form Three A – 16
Form One A – 16
:
Grade 7A 🆚 Grade 4
Waxay guusha raacday fasalka 4aad, waxanu lenahay hampalyo Hampalyo Hampalyo.
.
Grade 7A – 10
Grade 4 – 12
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardayda iyo macallimiinta dadaalka muujiyey.
Waxaan rajaynaynaa in Allah SWT nagu garab galo sii socodka tartanka, isla markaana uu ka dhigo mid miro dhal ah insha Allah.
12/01/2026
1𝟎 𝐉𝐀𝐍 𝟐𝟎𝟐𝟔 , waxaa si rasmi ah u bilaabmaya 𝐢𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐈𝐃𝐓𝐄𝐑𝐌-𝐊𝐀 𝐞𝐞 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝-𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓–𝟐𝟎𝟐𝟔.
Maamulka Iyo Maclimiinta dugsigu Waxayy u rajaynayaan dhammaan ardayda guul.
Guulaysta Ardeydeena.
25/11/2025
! Hambalyo. Hambalyo
Maanta waxaa si heer sare ah loo qabtay munaasabadda Maalinta Macalinka Soomaaliyeed 21 November, taas oo lagu sharfayay maamulka, macalimiinta iyo ardayda iskuulka Al-ixsaan.
Waxaan si gaar ah ugu amaanaynaa ardayda, kuwaas oo xafladda si qurux badan u soo agaasimay una muujiyay kartidooda, kalsoonidooda iyo ixtiraamkooda macallimiintooda.
Macalimiinta waa laf dhabarka iyo halka lagu hirto
Waxaan leenahay macalimiinteena dadaalkiinna, samirkiinna iyo hagitaankiinna ma ahan kuwo la ilaabi karo.
Mahadsanidiin dhammaantiin! 🎉📚✨
22/11/2025
Ogeysiis Fasax — Iskuulka Al- ixsaan
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiintaba in maalinta berri oo Axad ah taariikhda ay ku beegan tahay 23-ka November 2025 ay ardaydu fasax yihiin.
Fasaxan wuxuu ku saleysan yahay maamuuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
21/11/2025
Hampalyo. Hampalyo. Hampalyo.
Malinta macalimiinta soomaaliyeed