07/07/2026
🌹 MAHADNAQ IYO QADARIN 🌹
Bismillaahir Rahmaanir Raxiim
Anigoo ku hadlaya magaca CEM ÖZKÖK – Xarunta Waxbarashada iyo Daryeelka Gabdhaha Soomaaliyeed, waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiintii, marti sharaftii, waalidiintii, culimada, bahda waxbarashada iyo bulshada nagu maamuustay ka soo qaybgalka munaasabaddii daahfurka xarunta.
Joogitaankiinna, dhiirrigelintiinna iyo taageeradiinnu waxay muujiyeen sida ay bulshada uga go’an tahay horumarinta waxbarashada iyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha agoonta ah.
Mahad gaar ah waxaan u jeedinaynaa Habitat Foundation iyo Bir Avuç İnsani Yardım Derneği, kuwaas oo si hagar la’aan ah u garab istaagay hirgelinta xaruntan iyo taageerada waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan waalidiinta nagu aamintay waxbarashada iyo tarbiyadda gabdhahooda. Kalsoonidiinna waa dhiirrigelin weyn oo nagu sii xoojinaysa inaan bixino waxbarasho tayo leh, tarbiyo suuban iyo daryeel hufan.
Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu abaalgud khayr leh siiyo qof kasta oo ka qayb qaatay guusha maanta, kana dhigo xaruntan mid soo saarta jiil aqoon leh, akhlaaq leh, kana faa’iideeya diintooda, dalkooda iyo bulshadooda.
Mahadsanidiin dhammaantiin.
Cabdiraxmaan Xaaji Maxamuud Raage
Maamulaha Guud
CEM ÖZKÖK – Xarunta Waxbarashada iyo Daryeelka Gabdhaha Soomaaliyeed