Al-Huda Primary 1

Al-Huda Primary 1

Share

Al-huda Primary, Intermediate & KG School is welcoming every one with glad face and open hands.๐Ÿ™Œ

Aqoontu waa furaha nolosha.๐Ÿ“š

Photos from Al-Huda Primary 1's post 28/04/2026

Dhammaad wanaagsan.๐ŸŒŸ

Waxa si habsami leh u soo gebogaboobay maanta oo ay taariikhdu tahay 28-04-2026, imtixaankii fasallada Siddeedaad ee dalladda Al-Huda, oo ka qaybagalayeen dugsiyada dalladdu.

Imtixaankan oo socday muddo 4 maalmood ah, ayaa ujeedkiisu ahaa in ardayda loo sii carbiyo imtixaanka Qaranka ee ku soo food leh.

Guul waarta ayannu u rajaynaynaa dhammaan ardayda dugsiga iyo guud ahaanba ardayda gashay.

Photos from Al-Huda Primary 1's post 22/04/2026

Munaasibad qaayo sare leh, oo lagu soo bandhigayay buugga "Dunida Dedaal baa Dad Isdhaafshay", oo ay qortay Nimco Abshir Jibriil, oo ka tirsan ardayda dugsiga ayaa lagu qabtay madasha daabuurka ee dugsiga.

Munaasibadda buuggan ayaa ahayd mid dhiirrigelin iyo marxabbayn loogu muujinayay ardayaddan dedaashay; ardayda kale ee dhiggeeda ahna u noqonaysa hirasho iyo hiigsi ay ku daydaan.

Dugsigu waxa ui mar walba garab taaganyahay ardayda dedaalka ku suntan ee hal-abuurka leh.

21/04/2026

๐Ÿ“šBandhig Buug.

Waxa dugsiga ka dhici doonta maalinta berri ahโ€”Alle idankiiโ€” munaasibad aad u muhiim ah oo lagu soo bandhigi doono buugga la magac baxay "Dunida Dedaalbaa Dad Isdhaafshay", oo ay qortay ardayad ka mid ah ardayda dugsiga; waa Nimco Abshir Jibriil e.

Waxa uu bandhiggani noqonayaa madal lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo curinta ardayaddan iyo guud ahaanba ardayda dhiggeeda ah, si ay ugu dhiirradaan waxsoosaar loo aayo

๐Ÿ“ŒBarxadda Dugsiga
๐Ÿ“…22-04-2026 โ€“ Arbaca
โฐ๏ธ4:00 Galabnimo.

.

19/03/2026

Eid Mubarak

To the Al-Huda Community,

May Allah accept your good deeds, forgive your sins, and grant you and your families a joyful and blessed Eid filled with peace, happiness, and prosperity.

06/03/2026

๐Ÿ“š ๐„๐ฑ๐š๐ฆ ๐€๐ง๐ง๐จ๐ฎ๐ง๐œ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ โ€“ ๐€๐ฅ-๐‡๐ฎ๐๐š ๐๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ซ๐ฒ ๐’๐œ๐ก๐จ๐จ๐ฅ-๐Ÿ

The first day of the monthly examination will begin on Saturday, 7 March 2026.
๐“๐ก๐ž ๐Ÿ๐ข๐ซ๐ฌ๐ญ ๐ฌ๐ฎ๐›๐ฃ๐ž๐œ๐ญ ๐ข๐ฌ ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐œ ๐’๐ญ๐ฎ๐๐ข๐ž๐ฌ

We wish all our students the best of luck and success in their exams.
Prepare well, stay confident, and do your best.

๐‘ฎ๐’๐’๐’… ๐’๐’–๐’„๐’Œ ๐’•๐’ ๐’†๐’—๐’†๐’“๐’š๐’๐’๐’†! ๐ŸŒŸ

Photos from Al-Huda Primary 1's post 23/02/2026

Buugga Noloshaa Sidaas ah, oo uu turjumay macallin Cabdiraxmaan Xaashi iyo bahweynta dugsiga.

21/02/2026

OGAYSIIS FASAX
maalinta beri 22/2/2026 axad dugsigu waa Fasax saalaada roobdoonta ee dalka ka dhici doonta awgeed

Photos from Al-Huda Primary 1's post 17/02/2026

Muxaarada baraarujinta fadliga bisha Ramadaan ayaa ka qabsoontay dugsiga.

Muxaadaradan waxa soo jeedinayay Sheekh Cabdiqani Good, oo ardayda u faa'iideeyay taloohin iyo tabo ku saabsan sida looga faraqabsan karo bisha Ramadaan ee innagu soo fool leh.

16/02/2026

Waxa maanta gelinka danbe dugsiga ka qabsoomi doonta muxaadaro ku saabsan fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan iyo ka faa'idaysigeeda.

Waxa muxaadaradan soo jeedin doona Sheekh Cabdiqani Good.

๐Ÿ“Goobta: Barxadda Dugsiga
๐Ÿ“…Taariikhda: 16-02-2026
โฐ๏ธAmminta: 4:00 Galabnimo.

Photos from Al-Huda Primary 1's post 15/02/2026

Xasuus h**e: 2021 iyo ardaydii iyo bareyaashii dugsiga Al-Huda 1 Primary ee xilligaas.

Yaad ka aqoonsatay ardaydan iyo macallimiintan.

Kaydka(Archive): Ustaad Eng-Maxamed Daahir Yuusuf.

11/02/2026

Muuna Axmed Maxamuud iyo marxaladihii ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa soo koobid qurux badan oo ay ku ladhantahay kacaan muwaadinnimo oo kaalingal leh.

Photos from Al-Huda Primary 1's post 28/01/2026

Xafladda kalka koowaad ee sannad-dugsiyeedka 2025-2026 ayaa saaka ka qabsoontay dugsiga.

Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen waalidiin iyo martisharaf fara badan ayaa waxa lagu abaalmariyay ardaydii ugu sarraysay imtixaankii kalka koowaad.

Ardayda la abaalmariyay ayaa ah kuwii ku suntanaa dedaal iyo nafhur ay muujiyeen.

Guul iyo gobannimo.

Want your school to be the top-listed School/college?

Telephone

Website

Opening Hours

Monday 06:00 - 18:00
Tuesday 06:00 - 18:00
Wednesday 06:00 - 18:00
Thursday 07:00 - 12:00
Saturday 06:00 - 18:00
Sunday 06:00 - 18:00