14/06/2026
Xamdi Macalin waa gabar yar oo ku nool miyiga Soomaaliyeed, balse leh hami weyn, karti iyo riyooyin ka sarreeya duruufaha ku hareeraysan. Hamigeeda ugu weyn waa inay maalin uun noqoto dhakhtarad u adeegta dadkeeda iyo dalkeeda, si ay uga qeyb qaadato badbaadinta nolosha dadka una noqoto tusaale ay ku daydaan gabdhaha kale.
Nasiib darro, Xamdi waxay la kulantay caqabad weyn oo hortaagan himiladeeda. Waxay sheegtay in deegaanka ay ku nooshahay waxbarashada inta badan loo oggol yahay wiilasha, halka gabdhaha laga reebo fursadda waxbarasho. Inkastoo ay jiraan duruufo adag, haddana Xamdi k**a quusan riyadeeda, waxayna weli qalbigeeda ku siddaa rajada ah inay hesho fursad ay ku gaarto yoolkeeda.
Anagoo ah Madasha Aqoonyahan, Wasaaradda Waxbarashada, waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa masuuliyiinta waxbarashada, bulshada deegaanka iyo dhammaan cid kasta oo awood u leh inay taageerto waxbarashada gabdhaha, in la garab istaago Xamdi Macalin si hamigeeda loo rumoobiyo. Gabar maanta loo furo albaabka waxbarashada waxay berri noqon kartaa dhakhtarad, macallimad ama hoggaamiye bulshada anfaca.
Xamdi ma codsaneyso wax ka badan xuquuqdeeda waxbarasho; waxay codsaneysaa fursad ay ku xaqiijiso riyadeeda. Aynu gacmaha is qabsanno si hamiga gabadhan yar uu u noqdo guul weyn oo ay ku faanto bulshada Soomaaliyeed