15/07/2026
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda, Mudane Abdikani Abdul Yusuf, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan hoggaankiisa, ayaa ka qayb galay barnaamij cilmiyeed uu soo qabanqaabiyey Heritage Institute, oo ah madal caan ku ah cilmi-baarista, falanqaynta siyaasadaha, iyo doodaha aqooneed.
Kulankan ayaa ahaa mid ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana kasoo qayb galay siyaasiyiin, aqoonyahanno, dhaqaatiir, cilmi-baarayaal, dhallinyaro, iyo marti sharaf kale oo tiro badan. Intii uu socday barnaamijku waxaa lagu falanqeeyey arrimo muhiim u ah horumarka dalka, doorka aqoonta iyo cilmi-baarista, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa hayβadaha tacliinta sare, xarumaha cilmi-baarista, iyo bulshada inteeda kale.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda, Mudane Abdikani Abdul Yusuf, ayaa sheegay in ka qaybgalka munaasabadaha noocan oo kale ahi uu muhiim u yahay kobcinta aqoonta ardayda, dhiirrigelinta fikirka hal-abuurka leh, iyo kordhinta ka qaybqaadashadooda arrimaha bulshada iyo horumarinta dalka. Sidoo kale wuxuu bogaadiyey dadaalka Heritage Institute ee ku aaddan qabanqaabinta madallo aqooneed oo fursad u abuura isdhaafsiga fikradaha iyo soo bandhigista xalal ku salaysan cilmi-baaris.
Ugu dambayn, ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay joogtaynta kulamada noocan oo kale ah, si loo helo doodo wax-ku-ool ah oo gacan ka geysta horumarka bulshada, loona xoojiyo xiriirka ka dhexeeya aqoonyahannada, ardayda, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.