15/07/2026
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda, Mudane Abdikani Abdul Yusuf, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan hoggaankiisa, ayaa ka qayb galay barnaamij cilmiyeed uu soo qabanqaabiyey Heritage Institute, oo ah madal caan ku ah cilmi-baarista, falanqaynta siyaasadaha, iyo doodaha aqooneed.
Kulankan ayaa ahaa mid ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana kasoo qayb galay siyaasiyiin, aqoonyahanno, dhaqaatiir, cilmi-baarayaal, dhallinyaro, iyo marti sharaf kale oo tiro badan. Intii uu socday barnaamijku waxaa lagu falanqeeyey arrimo muhiim u ah horumarka dalka, doorka aqoonta iyo cilmi-baarista, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa hayβadaha tacliinta sare, xarumaha cilmi-baarista, iyo bulshada inteeda kale.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda, Mudane Abdikani Abdul Yusuf, ayaa sheegay in ka qaybgalka munaasabadaha noocan oo kale ahi uu muhiim u yahay kobcinta aqoonta ardayda, dhiirrigelinta fikirka hal-abuurka leh, iyo kordhinta ka qaybqaadashadooda arrimaha bulshada iyo horumarinta dalka. Sidoo kale wuxuu bogaadiyey dadaalka Heritage Institute ee ku aaddan qabanqaabinta madallo aqooneed oo fursad u abuura isdhaafsiga fikradaha iyo soo bandhigista xalal ku salaysan cilmi-baaris.
Ugu dambayn, ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay joogtaynta kulamada noocan oo kale ah, si loo helo doodo wax-ku-ool ah oo gacan ka geysta horumarka bulshada, loona xoojiyo xiriirka ka dhexeeya aqoonyahannada, ardayda, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.
20/12/2025
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma, Mudane Xasan Ibraahim Maxamed, ayaa hambalyo u diray dhammaan guddoomiyeyaasha cusub ee kulliyadaha, kuwaas oo ku soo baxay doorashooyinkii socday maalmihii la soo dhaafay, isla markaana ku qabsoomay qaab online ah.
Guddoomiyuhu wuxuu kula dardaarmay guddoomiyeyaasha cusub inay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda, una adeegaan ardayda ay hoggaanka u yihiin.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Guddoomiyuhu wuxuu Alle uga baryay inuu u fududeeyo masβuuliyadda culus ee loo igmaday kana dhigo kuwo ku guuleysta howsha loo dhiibay.
21/11/2025
ππππππππ ππππππππ πππππππππ ππππππππππππ β ππ ππ ππππππππ ππππ
Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma (PUSU), oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Midowga Ardayda Mudane Hassan Ibraahim Mohamed, ayaa diray Hambalyo ku Aadan malinka Macalinka Soomaaliyeed
waxa hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Macallimiinta Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha weyn ee 51 sano guuradii kasoo wareegtay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
Macallinka Soomaaliyeed waa tiirka iftiinka bulshada, waa hoggaan iyo hal-beeg aqooneed. Wuxuu door muuqda ku leeyahay hagidda jiilka cusub, waxaana lagu xusuustaa dadaalkiisa, dulqaadkiisa iyo geesinimadiisa uu ugu adeegayo ardayda Soomaaliyeed, xilli ay jireen duruufo adag oo uusan marnaba ka daalin gudashada waajibaadkiisa aqooneed.
Gudomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma (PUSU) wuxu si gaar ah ugu mahadceliyay Macallimiinta Jaamacadda Plasma oo muujiyay karti, xirfad iyo juhdi aan kala goβ lahayn, kuna tababaray ardayda aqoon tayo leh oo loogu talagalay inay noqdaan hoggaamiyeyaasha berri.
Waxaan idin leenahay:
Abaal weyn ayaad nagu leedihiin.
Mahadsanidiin Macalin
#21/nov/2025
26/08/2025
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma iyo Ku-xigeenkiisa ayaa hambalyo u diray dhammaan Qalinjabiyayaasha Dufcadda 23-aad ee Jaamacadda Plasma, kuwaas oo ka baxay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda. Waxayna udiren dhiirrakalin ku Adan in ay aqoontooda u adeegsadaan horumarinta mustaqbalkooda, ilaalinta sumcadda Jaamacadda, iyo ka qaybqaadashada koboca bulshada Soomaaliyeed.
14/08/2025
Xubnaha Midowga Ardayda oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma, qeybna uu ka yahay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Ardayda, ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Cilmi-baaristii 5-aad ee Jaamacadda Plasma, oo ay soo jeediyeen khubaro ku xeel dheer cilmi-baarista ay sameeyeen. Taas oo loka Hadlayay qar ka mid Qebaha kala Duwan cafimadka Dalka ka jira.
13/06/2025
Waxaa si rasmi ah looga daahfuray garoonka Isbitaalka Madiina tartanka kubadda cagta ee u dhexeeya ardayda dhigata kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Plasma.
Tartanka ayaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Plasma, Mudane Maxamed Faarax Nuur. Waxa sidoo kale ka qayb galay furitaanka tartanka Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Plasma, Mudane Xasan Ibraahim Maxamed, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka iyo midowga ardayda.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda ayaa sheegay in tartanka ciyaaraha uu door weyn ka ciyaaro isdhexgalka bulshada gaar ahaan ardayda, maadaama ay qayb muhiim ah ka yihiin bulshada inteeda kale. Wuxuu intaas ku daray in ciyaaruhu ay kobciyaan isfahamka, isdhexgalka iyo caafimaadka ardayda.
Guddoomiyaha Ardayda ayaa uga mahadceliyey madaxda kala duwan ee Jaamacadda sida ay uga goβan tahay taageeridda tartamada noocan oo kale ah, kuwaas oo ardayda u leh faaβiidooyin dhinacyo badan leh β gaar ahaan caafimaadka, firfircoonida, iyo xoojinta xiriirka ardayda kulliyadaha kala duwan.
β½β½β½
06/06/2025
HAMBALYADA MUNAASABADA EIDUL ADHA
Waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan umadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed,qasatan Xugumada Ardayda, iyo Gud ahan Ardayda jamacada plasma munaasabadda Ciidda Carafo (Eidul Adha).
Ilaahay hana gaarsiiyo ciiddan ciideeda kale caafimaad qab, bash-bash, amni iyo xasillooni.
Eidul Adha Mubarak.