Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs

Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs

Share

Haayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Hirshabelle

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 23/10/2025

Shalay waxaa magaaladda Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey aqoon isweydaarsi heerkiisu sareeyo oo lagu kobcinaayey karaanka iyo wacyiga sharci yaqaanada dowladda iyo Hay’addaha samafalka kaasoo socday muddo saddex cisho ah oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Urur Goboleedka IGAD.

Mudadii uu socday aqoon isweydaarsigan waxaa diiradda lagu saaray:
• Siyaasadda Qaran ee Aqoonsiga Danabaysan.
• Siyaasadda Qaran ee Maareynta Musiibooyinka.
• Siyaasadda Qaran ee ilaalinta Bulshada.
• Istiraatiijiyadda Qaran ee Biyaha.

Sidoo kale sharciyaqaanada iyo siyaasad sameeyeyaasha dalka ayaa ka dooday bandhigii iyo soo jeedintii ay sameeyeen Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah kuwaas oo ka hadlay:
• Tacadiyadaha ay la kulmaan caruurta.
• Xanaanaynta iyo ilaalinta Bulshada Barakaca ah iyo bulshada ay la nool yihiin intaba.
• U helidda xalwaara Qaxootiga iyo Qaxootiga Dalka ku soo laabtay
• Qorshe howleedyada la xiriira sidii is dhexgal bulsho loogu heli lahaa Qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay.
Shirkan oo kulmiyey sharciyaqaano ka socda dowladaha xubnaha ka ah DFS , wasaaradaha kala duwan ee XFS, Hay’adaha Caalamaiga ah sida UNHCR, IOM, DRC, iyo Save the Children ayaa waxaa kaloo looga hadlay is waafajinta shuruucda caalamiga ah, midda gobolka.

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 18/09/2025

iyo

’yadda iyo oo Kaashanaayo iyo ayaa Maanta Deeq Xoolo ah u Qeeybiyay Dad Barakacayaal ah oo Ku Nool Degmada Beledweyne Deeqdaan Xoolaha ah ayaa Gaareeysay ilaa 170 Neef oo Ari ah.

Ujeedada Deeqdaan ayaa ah in dadka Noloshooda ku Hormariyaan Waxsoo saar badan U noqdaan Xoolahaas lasiiyay.

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 20/08/2025

Gudoomiyaha ’adda iyo Marwo Farhan Omar Arte ayaa ka qeeybgashay shir laba maalmood soconaya kaas oo Diirada lagu saarayo Faafinta iyo wacyigilinta Kaararka Aqoonsiga Cusub ee Loo sameeyay qaxootiga iyo Magangelyo Doonka Soomaaliye.

Shirkan waxaa Kasoo qeeybgalayGudoomiya yaasha Haayada Qaxootiga Maamul Goboleedyada, hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Inta lagu guda jiro labada maalmood, waxaa lagu falanqeynayaa horumarka ka socda bixinta iyo aqoonsiga kaararkan.

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 03/08/2025

Iyo Oo Horkaceyso Qiimeen lagu sameeyay Dhawaan Dadkii kasoo barakacay Daagalada Kasocdo Gobolka Hiiraan Qiimeeyntaas ayaa Agaasinka Haayada Qaxootiga iyo Barakacayasha Hirshabelle wuxuu kuso maray Deeganadan
1. Teedan
2. ⁠Bugure
3. ⁠Gadoomo
4. ⁠Inabaal
5. ⁠Muqlamacash
6. ⁠Sulmo
7. ⁠Duduncad.

iyo Markeey u kuurgashay xaladaha kajiro deeganaadaas iyo waliba Dadka qaar ee usoo barakacay magaalda beledweyne waxey kaso saartay Qiimeentaas in Dadka eeysan Haaysan


kufilan


Dhamaan Haayadana Kahowlgla deganada Hirshabelle waxaa lafarayaa in Dadkaas si dhaqsa ah u gaaraan.

Qiimeentan waxaa ku wehliyo iyo , , iyo iyo kan .

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 14/05/2025

Muqdisho, Talado, 13 Maajo 2025:

iyo Ayaa ka qeeyb Gashay Kulanka Kooxda Farsamada ee Xalka Waara ( )


Waxaa kulanka ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socday dowladda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, hay’adaha qaramada midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn, ganacasatada iyo bulshada rayidka ah.

Kulanka ayaa lagu gorfeeye arrimaha hoos ku xusan:

✅ Khariidaynta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo deeqaha xalka waara (infrastructure, service and resource mapping). Waxaa la soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay tijaabadii khariidaynta ee dhawaan laga sameeyay degmooyinka Xudur iyo Berdaale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Qorshaha waxuu yahay in laga sameeyo khariidaynta 33 degmo ee laga fulinaayo Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara.

✅Howlaha lagu fulin doono wejiga koowaad Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara.

✅Nidaam digitaal ah oo lagu uruurin xogaha mashaariicda xalka waara ee dalka ka socda. Nidaamkan waxuu muujin doonaa guulaha laga gaaray mashariicdaas iyo meelaha gaabis ka jiro oo u baahan in la dardargeliyo hirgelinta qorshaha howleedyada mashaariicda xalka waara.

Shirka ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is-faham iyada oo ka soo baxeen talooyin wax ku ool ah.

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 10/02/2025

iyo ayaa Kormeer ku sameeysay Goobaha Eey kusoo barakeceen Dadka uu saameeyay Dagaalada kasocdo Gobolka Hiiraan Goobaha Hayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Hirshabelle Booqatay si eey ulasocoto xaalada dadka kasoo barakacay Guryahoodi waxa kamid ah , , town, , iyo Deeganadan waxaa kajiro Xaalado Nololeed oo Adag waxaa ugu baaqeynaa dhamaan Haayada kahowlgala Gobolka eey Si dag dag ah u gaaraan Goobahaas si dadka kasoo barakacay Dagaalada wax loogu qabto.

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 31/12/2024

iyo Oo eey wehliyaaan UN OCHA, UNHCR, Haayadah Kahowlgala Deeganada Hirshabelle ayaa si wada Jir ah u Daah furay Xaruun Adeeg Bulsha ah oo dhismaheeda lasoo gabagabeeyay.

Xaruuntaan ayaa Loogu talagalay in lagu qabto shiraraka Tababarada iyo wax walbo oo Arimaha Bulshada ku saabsan.

iyo iyo ayaa Ku wareejiyay Xaruuntan Dadka Barakacayasha ah ee ku Nool Magaalada Beledweyne

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 17/10/2024

Haayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Hirshabelle oo eey wehliyaan Haayadaha ka howlahada Deegaanada Hirshabelle, UN OCHA, UNHCR iyo Marwo Ayaa Maanta si wadajir ah U Dhagax dhigay Xaruun Adeeg Bulsho ah ( Center) oo Laga Hirgilinaayo Magalada jaale.

Dhishamaha Xaruuntaan Cusub ayaa waxaa iska Kaa shahaday Haayada iyo iyo .

Xaruuntaan ayaa Noqon Doonto Meel loogu adeego Bulshada Ku dhaqan magalda beledweyne.

Ugu dambeyn waxaa aad ugu Mahad celinayaa Maayaarka magaalda Beledweyne oo waqtigeeda Nasiisay si eey noogu dhagax Dhigto Xaruunta Adeega Bulshada.

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 07/09/2024

Guddoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Hirshabelle Marwo Farhan Omar Arte iyo Guddoomiye Ku xigenka 1-aad Gudiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Abdullahi Aden Abdi ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray Wadashiga Istaraatiijiyada illaalinta Taakuleynta iyo Xalka-waara ee Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool Dalka.

Kulankan wadatashiga ah oo ay goobjoog ka ahaayeen Gudomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaadada Degmada beledweyne, Masuuliyiin ka socotay Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Bulshada Rayidka, iyo qaar ka mid ah Barakacayaasha iyo Dadka Soo Guryanoqday ee Magaalada BELEDWEYNE ayaa ugu horeyn waxaa ka hadashay Guddoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Hirshabele (HCRI) Marwo Farxaan Cumar Carte waxaana ay kaga mahadcelisay Wafdiga ka socday Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) doorkooda muhuumka ah ee xal u raadinta Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool dhammaan Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Hay'adda NCRI Mudane Abdullahi Adan Abdi oo gabagabadii ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in Wadatashiyadani ay yihiin kuwo ay Hay'addu ku aruurineyso arragtiyada iyo talooyinka Madaxka iyo Bulshada ku nool dhammaan Dowladd Goboleedyada, waxaana uu carrabka ku dhuftay in ay kaalin muhiim ah oo lataaban karo qaadanayaan sidii loo helilahaa Xal-ka waara ee Barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliya ku nool.

06/09/2024
Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 06/09/2024

Gudoomiayaha Haayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Hirshabelle Iyo Maamulka Degmada Beledweyne Ayaa Wufuud kasocoto Haayada Qaxootiga Qaranka kusoo dhaweyey Magaalada Beledweyne Ayagoo Booqday Dhulalka Loogu talagalay In Laga Hirgiliyo Mashaariicda Xalka waara.

Gudoomiye Ku xigeenka Haayada qaxootiga qaranka Ayaa Soo jeediyay in Hirshabelle Commission kala shaqeyn doonaan Sida Dadka barakacayaasha ah u Heli lahaayeen xalka waara.

Gudoomiyaha Degmeda Beledweyne ayaa sheegay in Ka maamul ahaan Garab taaganyihiin Haayada Qaxootiga Hirshabelle iyo Gudomiye Marwo Farhan Omar Arte.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Haayada qaxootiga ayaa Soo Jeedisay dhamaan Haayada ka howlgala Gubolka Iyo UNka ineey kala Shaqeeyaan sida Dhulalkaas Loogu dhisi lahaa Dadka Barakayaasha ah Loona Yareen lahaa Barakaca Gudaha dalka iyo Deegaana Hirshabelle.

Photos from Hirshabelle Commission for Refugees and IDPs's post 06/09/2024

Gudoomiyaha Haayada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Hirshabelle marwo Farhan Omar Arte Ayaa ka qeeyb Gashay Munaasabada Daahfurka Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara.

Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir, xubno ka socday Qaramada Midoobay, deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, wakiillada bulshada rayidka ah, hay’adaha gargaarka iyo horumarinta, ganacsatada, bahda waxbarashada, iyo wakiillo matalayay barakacayaasha laftooda. Munaasabaddan ayaa muujisay sida ay Soomaaliya iyo beesha caalamku uga go’an tahay in xal waara loo helo arrimaha barakaca.

Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara waxa uu ujeedkiisu yahay in xal waara loo helo bulshooyinka uu saameeyay barakaca, iyadoo la siinayo adeegyo aasaasi ah sida hoy, fursado shaqo, caafimaad, waxbarasho, iyo daryeel bulsho. Qorshahan waxa kale oo uu xoogga saarayaa sidii bulshada loo taageeri lahaa si ay ugu adkeystaan barakaca soo noqnoqda, iyada oo la siinayo nolol joogta ah oo ku salaysan horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Qorshahan ayaa la jaanqaadaya Istaraatiijiyada Qaran ee Xalka Waara iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9).

Gudoomiso Omar arte waxaa ka Goan in Xal waara loo Helo Dadka Barakacayash ah.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Mogadishu