14/01/2026
waa hay’ad waxbarasho oo u taagan barbaarinta jiil ku dhisan Qur’aan Kariim, akhlaaq suuban iyo aqoon waxtar u leh nolosha.
Waxaan bixinnaa waxbarasho tayo leh oo isku dhafaysa tarbiyo diini ah iyo tacliin casri ah, annagoo diiradda saaraya horumarinta maskaxda, dabeecadda iyo mustaqbalka ardayga.
Mu’asasaddu waxay leedahay macallimiin aqoon iyo khibrad leh, manhaj nidaamsan, iyo jawi ku habboon barashada carruurta.
Ujeedkeenna waa in aan soo saarno arday waxtar u leh diintooda, waalidiintooda iyo bulshadooda.
📍 KM16
📚 Qur’aan • Akhlaaq • Tacliin
12/01/2026
Mujamaca Imaamu Shaafici ee km-16
01/01/2026
musharaxa u taagan xilka gudoomiyaha ardayda Dugsiyada Mu'asasada imaamu shaafici sanad- Dugsiyeedka 2025 - 2026
30/12/2025
musharaxa u taagan xilka gudoomiyaha ardayda Dugsiyada Mu'asasada imaamu shaafici sanad- Dugsiyeedka 2025 - 2026
Horumar & Haybad
20/12/2025
📢WARGELIN
Waxaa dhammaan waalidiinta iyo Ardayda mujammaca dugsiyada imaamu Shaafici km16 lagu wargelinayaa in dugsigu fasax gali doono laga bilaabo berito oo axad ah ilaa inta isbuuca ka dhiman
Iyada oo la fulinayo amarka wasaarada waxbarashada ee ku saabsan doorashada maalinta khamiista 25-Dec-2025
MAHADSANIDIIN
20/11/2025
WARGELIN
Waxaa dhammaan Ardayda Mujammaca dugsiyada imaamu Shaafici ee km16 lagu wargelinayaa in laga noqday fasaxii maalinta sabtida
Dugsigana uu shaqayn doono
Sidaa darteed waxaa la idiin ka codsanayaa inaad u soo xaadirtaan casharada
waxaan idiin kaga cudurdaaranaynaa isbadalkan deg-dega ah ee nagu yimid
MAHADSANIDIIN
28/08/2025
Waxaa dhawaan Bilaaban doona sanad dugsiyeedka cusub ee 2025-2026
Sidaa darteed waxaan halkaan ku soo bandhigaynaa Galinada waxbarasho ee Fasalada dugsiga
06/08/2025
العلم في الصغر كالنقش على الحجر" يعني أن اكتساب المعرفة والمهارات في مرحلة الطفولة يكون أثره دائمًا وأكثر رسوخًا في الذاكرة،
01/08/2025
💍Hambalyo Aroos wacan 💕
ﺑﺎﺭﻙ ﺍﻟﻠﻪ ﻟﻜﻤﺎ ﻭﺑﺎﺭﻙ ﻋﻠﻴﻜﻤﺎ ﻭﺟﻤﻊ ﺑﻴﻨﻜﻤﺎ ﺑﺎﻟﺨﻴﺮ
waxaan hambalyo farxadeed halkan uga diraynaa Ustaad Maxamuud Maxmed Aadan iyo Gaclisadiisa Raxmo Maxamed C/nuur oo maanta meherkoodu & arooskoodu ka dhacay magalada muqdisho.
Guurkiina guur kheyr gurigiina guri nagi ❤️💍💏👑