09/07/2026
๐จ WAR CUSUB | Xiisadda Bariga Dhexe oo Mar Kale Sii Kacsan.
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa mar kale cirka isku shareertay, kadib markii Mareykanka uu qaaday weerarro cusub oo ka dhan ah Iran, isagoo sheegay inay jawaab u yihiin weerarro lagu bartilmaameedsaday maraakiib ganacsi oo marayay marin-biyoodka Hormuz.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiskii ku-meel-gaarka ahaa ee xabbad-joojinta uu hadda soo afjarmay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Iran ay cambaareysay weerarradaas, iyadoo ku eedeysay Mareykanka inuu jebiyey heshiisyadii h**e, taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo in dagaalku mar kale si buuxda u qarxo.
๐ Qodobada muhiimka ah: ๐น Weerarro cusub oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran. ๐น Heshiiskii xabbad-joojinta oo burburay. ๐น Xiisad ka taagan marin-biyoodka Hormuz. ๐น Qiimaha shidaalka iyo suuqyada caalamka oo saameyn laga dareemayo. ๐น Beesha caalamka oo ku baaqaysa in colaadda la dejiyo.
Galinsoor Global: waxay idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay iyo wixii kusoo kordha xaaladda Bariga Dhexe.