29/12/2021
SAHA medical training center
educational institutions
29/12/2021
05/06/2021
Bismillah
ASC WW
Caabuqa ku dhaca dhegta dibedda/qeynta h**e ee dhegta
Dhegtu waa xubin ka mid ah jirka ka qeyb qadata isku dheelitirka maqalka.
Dhegtu waxa ay leedahay saddex qaybood -
dhegta dibedda,
dhegta dhexe iyo
dhegta gudaha.
Caabuqa ku dhaca dhegta dibedda waxaa sababa:-
bakteeriya
Fangaska
wax aan infection ahayn iyo
walxaha dibedda ka yimada sida kabridka iwm
Caabuqa inta badan waxa sababa bakteriya halka sababayasha kale ay ku yaryihiin.
Calaamaha ugu caansan ee lagu garto waxa ka mid ah:-
Dhegti oo Gaduudata
Dhagti oo Bararta
Xanuun daran
Qandho
Madax xanuun
Rabitaanka cuntada oo luma
Dheg xanuunka waxa u nugul dadka hoos ku xusan:-
Biyo isdaba joog ah (tusaale, dabaasha iyo timo dhaqe joogta ah)
Deegaanno qoyan
burooyinka dhagaha
Cambaarta dhegaha ama cudurka psoriasis
Dhaawac(tusaale, qalabka gargaarka maqalka ama isticmaalka xad-dhaafka ah ee burooyinkeeda)
Daweynta caabuqa ku dhaca dhegta dibedda
waa nidaam loo adeegsado in lagu nadiifiyo maqalka dibedda ee dhegta si loga safari wasaqda, dheecaan iyo qashin kujira dhegta.
Sii daawoyin qalajiyayaal/ sida gentamycin ciprofloxacin eardrop iwm
Sidoo kale uraaci daawoyinka xanuunka baa biya sida paracetamol ibuprofen iwm
23/05/2021
A 42-year-old man is brought to the emergency room after a sudden onset of severe retrosternal chest pain that began an hour ago while he was at home mowing the lawn.
He describes the pain as sharp, constant, and unrelated to movement.
It was not relieved by three doses of sublingual nitroglycerin administered by the paramedics while en route to the hospital.
He has never had symptoms like this before.
He is a basketball coach at a local high school, and is usually physically very active.
PMH 👉 Hypertension
D.H 👉 Enalapril
F.H 👉 negative
H.H 👉 no smoking/no alcohol consumption
Ph/E:
General appearance 👉 He is a tall man with long arms and legs who appears uncomfortable and diaph**etic; he is lying on the stretcher with his eyes closed
Head and neck 👉 unremarkable
Chest 👉 clear to auscultation bilaterally/ incidental note is made of pectus excavatum
Heart 👉 Tachycardia/soft early diastolic murmur at the right sternal border
Abdomen 👉 normal
neurologic 👉 nonfocal
Vital signs:
BP = 156/104 mmHg in the right arm and 188/94 mmHg in the left arm
PR = 121/min
T = 36.8°c
Chest X-ray 👉 widened mediastinum
âž–âž–âž–âž–âž–âž–âž–âž–âž–âž–
Differential diagnosis?
Next step
Management?
24/04/2021
Waa geed daaweed faa'ido leh oo dalkeena laga helo, waa Filfisha.
Filfishu waa miraha geedka loo yaqaano "Black pepper", cunanda ayaa lagu darsadaa, daawo ahaane waa loo isticmaalaa.
Asal ahaan waxay ka soo jeedaa dalka India, weliba gobolalda konfureed.
Filfisha waxyaabo badan ayaa loo adeegsadaa, sida in cunanda lagu xifdiyo maadaama jeermiska cunanda ku dhasho ay dhisho, waxaa kaloo lagu carfiyaa cunnada, dhadhanne loogu yeelaa, waxaa ku jiro waxyaabo nafaqo leh sida maadooyinka Manganese, Vitamin K, Birta iyo Macdanta Bootaasiyamta, Waxay kaloo yaraysaa hurka "Inflammation"-ka ku dhaco jirka.
'idooyinka Caafimaad ee Filfisha:
-Dheefshiidka: Filfishu waxay kordhisaa dheecaanka aash*tada caloosha ee loo yaqaano "Hydrochloric Acid" kaasoo muhiim u ah shiidista cunnada, waxaa kaloo lagula tacaalaa shubanka iyo calool fadhiga, wuxuu yareeyaa hawada caloosha ku samaysanto iyo dibbirada, wuxuu kaloo siyaadiyaa kaadida iyo dhidika kuwaasoo muhiim u ah qashin saarka jirka.
ogow haddii aad leedahay boogta caloosha ee gaaska, filfisha waxay kugu siyaadin kartaa xanuunka maadaama aash*tada caloosha ay badiso, laakiin haddii aad leedahay dibbiro, daaco badan iyo cunnada oo dhakhso kaa bixi la ama ku dacwoshiirto, filfishu way ku anfacaysaa.
-Miisaanka: Filfisha waxay burburisaa unugyada dufanka sameeya, waana si dabiici ah oo miisaanka lagu yarayn karo.
-Maqaarka: Waxaa la aamisan yahay in Filfishu ay daawo u tahay cudurka Baraska sida ay sheegeen cilmibaarayaal u dhashay dalka ingiriiska, waxay sare u qaaddaa unugyada jirka u sameeyo midabka ee loo yaqaano "Melanin", waxay kaloo yaraysaa halista kansarka maqaarka ee laga qaado shucaaca loo yaqaano "Ultraviolet"
-Hawo-mareenka: Filfisha waxay aad ugu fiican tahay Hargabka, Ifilada, Riiraxyada, Sanboorka iyo Caabuqa sanqada, sababtuna waaa maado ku jirto filfisha oo xabka iyo duufka soo saarto "Expectorant" xabkaan iyo duufkaan oo keeno qufaca iyo hindhisada siyaadada ah. Dadka hergabka qabo badanaa waxay maraqa ku darsadaan filfisha, maraqu wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka, filfishuna waa qufac joojiye iyo xab soo saare, waa laba shay oo fiican in la isku darsado sida dadka qaarba ay u isticmaalaan.
-Jeermis Dile: Filfisha wuxuu alle ku abuuray awood jeermis dile, arrintaan oo ay fahmeen hindidii h**e iyagoo cunanda ku keydsan jiray meelaha filfisha lagu aruuriyo ama cunnada ku darsan jiray, waxay ka hortagtaa bakteeriyada ku dhalato cunnda, waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano "Kolestarole-ka" oo sabab u noqon karo xanuuno badan oo ku dhaca bini'aadanka sida wadne qabadka, faaliga iyo kuwa kalaba.
-Sun saarista: Filfisha waxay basbaaska iyo barbarooniga kala mid tahay awoodda sun saarista jirka, suntaas oo haddii jirka ay ku aruurto dhaawac u geysan karto beerka, wadnaha iyo ganaca. waxaa intaa sii dheer in filfisha ay yarayso laalaabka maqaarka oo tilmaan u ah da'da iyo duqnimada.
-Caawinta mindhicirrada: Filfisha waxay cunanda kale ku caawisaa in jirka uu safiican u nuugo, khaasatan khudradda, cunnada laga helo maadada jirkaaga ku yar ee dhakhtarka kugula taliyay waxaa fiican in aad filifl ku darsatid si faa'idada cunnadaas ay u kororto.
Xasuusta: Filfisha waxaa ku jirto maado loo yaqaano "Piperine" oo sare u qaaddo xasuusta iyo awoodda maskaxda qofka, diraasad lagu sameeyay arintaan waxaa la ogaaday xanuunada xasuusta lumiyo in filifshu u roon tahay.
-Faa'idooyin kale oo weli cilmibaaris lagu xaqiijin ayaa jira oo sheegaya in filfisha loo isticmaalo qaniinyada cayayaanka oo inta la tumo la saaro meesha cayayaanka uu qofka ka qaniino, waxay kaloo u roon tahay ilka xanuunka, suuska iyo dhago xanuunka, waxaa kaloo loo adeegsadaa cillada xabeebta.
dheh like saar PAGE ka Mahadsanid
Somali.doc.
24/02/2021
Test your knowledge
👇👇👇👇👇👇👇👇
What is a ?
When is a Escharotomy used?
indication of escharotomy?
Click here to claim your Sponsored Listing.
13/03/2021