24/08/2022
Aayadda Saddexadaad ee Suuradda Faatixadu waa:
"الرحمن الرحيم"
“Allahaas oo ah ka ku tilmaaman Naxariista guud, ee uu Gaalo iyo Muslimiinba ugu naxariisto Ifka iyo Adduunyda, Allahaas oo ku tilmaaman Naxariista Gaarka ah ee u naxariisto Mu’miniinta Aakhiro.
Waxa kale oo Labadan Magac lagu fasiray:
“Allahaas oo ku tilmaaman Tilmaanta ah “Naxariista” oo Tilmaantaasi ay ka mid tahay Daatadiisa korraynta badan Tilmaamaha ay mar walba ku tilmaaman tahay, Allahaas oo gaadhsiinaya naxariistiisa Ciddii uu doonno oo Makhluuqaatkiisa ka mid ah”
Markaa
"الرحمن الرحيم"
Waa Laba Magac oo Magacyada wanaagga badan ee Allaah u sugnaadday ka mid ah, Allaahna waxa u sugnaaday Magacyo Wanaag badan, siduu Allaahba yidhi:
"ولله الأسماء الحسنى فادعوه بها"
“Allaah oo kaliya ayay u sugnaatay Magacyo Wanaag badan, oo Yoolkii ugu dambeeyay ka joogga Wanaagga, ee Allaah Magacyadaa Wanaagga badan leh ku barya, oo waxa aad tidhaahdaan bilmatal:
“Ka Naxariista badan lehoow! Ii naxariiso” “Ka dambi-dhaafista badan leheew! Ii dambi-dhaaf” “Ka asturidda badan lehoow! I astur oo ha I kashifin”IWM.
Magacyada Allaah-na way ka badan yihiin 99-Magac, sida Nabiguba uu yidhi:
"اللهمّ إنّي عبدك وابن عبد وابن أمتك، ناصيتي بيدك ماضٍ فيّ حكمُك، عدلٌ فيّ قضاؤُك، أسألك اللهمّ بكلّ اسمٍ هو لك سمّيت به نفسك أو أنزلته في كتابك أو علّمْتَه أحدًا من خلقك أو استأثرت به في علم الغيب عندك" الحديث.
Xadiiskani waxa uu u qaybiyay Magacyadii Allaah Saddex qaybood:
1️⃣ Magacyo uu isku magacaabay, Kitaabkiisana ku sheeggay.
2️⃣ Magacyo uu baray Cid ka mid ah Makhluuqaatkiisa.
3️⃣ Magacyo uu la gaar noqdo, oo aanu Axadba barin.
Ammaa Xadiiska sheegaya
"إنّ لله تسعة وتسعين اسمًا، مائة إلا واحدا من أحصاها دخل الجنّة"
“Allaah waxa u sugnaadday 99-Magac, Boqol Midh ka dhiman yahay, ku kasta oo koobaa Jannada ayuu galayaa”
Xadiiskani laga qaadan mayo in Allaah uu leeyahay 99-Magac uun, ee waxa loo jeeddaa: “Allaah waxa uu leeyahay 99-Magac oo Arrinkoodu yahay, ama la gaar ah; Qofkii kooba in uu Jannada galayo.
Labadan Maga cee kala ah
الرحمن، الرحيم
Waxa xeeldheer (Ar-raxmaan) Saddex sababoodba:
1️⃣ Allaah ayu uku gaar yahay, halka (Ar-raxiim) Cid kale lagu sheeggi karo.
2️⃣ Adduun iyo Aakhiraba waa koobaya, Halka (Ar-raxiim) uu Aakhiro ku gaar yahay iyo Muslimiinta.
3️⃣ Miisaanka u uku yimi (Ar-raxmaan) wuu ka xeeldheer yahay kuu ku yimi (Ar-raxiim)