Silsilad Caqiida ah.
Kitaabka 1-aad: Al-Qawaacidul arbac.
Darsiga 3-aad ee ugu dambeeya.
Axmed Khayr
Waa Page Dacawi ah oo lagu soo tebiyo Arrimaha Diinta, Hadba waxa ay tabanayso Bulashadu.
Silsilad Caqiida ah.
Kitaabka 1-aad: Al-Qawaacidul Arbac.
Darsiga: 2-aad
Silsilad Caqiida ah.
Kitaabka 1-aad: Al-Qawaacidul Arbac.
Darsiga: 1-aad
07/04/2024
23/03/2024
Maash allaah, Ilaahayoow barakee, Ninka yari waa mid yar oo cajiib ah.
Xukunka isqarxinta┇Sh. Cabdulkariim Xasan Xoosh.
24/08/2022
Aayadda Saddexadaad ee Suuradda Faatixadu waa:
"الرحمن الرحيم"
“Allahaas oo ah ka ku tilmaaman Naxariista guud, ee uu Gaalo iyo Muslimiinba ugu naxariisto Ifka iyo Adduunyda, Allahaas oo ku tilmaaman Naxariista Gaarka ah ee u naxariisto Mu’miniinta Aakhiro.
Waxa kale oo Labadan Magac lagu fasiray:
“Allahaas oo ku tilmaaman Tilmaanta ah “Naxariista” oo Tilmaantaasi ay ka mid tahay Daatadiisa korraynta badan Tilmaamaha ay mar walba ku tilmaaman tahay, Allahaas oo gaadhsiinaya naxariistiisa Ciddii uu doonno oo Makhluuqaatkiisa ka mid ah”
Markaa
"الرحمن الرحيم"
Waa Laba Magac oo Magacyada wanaagga badan ee Allaah u sugnaadday ka mid ah, Allaahna waxa u sugnaaday Magacyo Wanaag badan, siduu Allaahba yidhi:
"ولله الأسماء الحسنى فادعوه بها"
“Allaah oo kaliya ayay u sugnaatay Magacyo Wanaag badan, oo Yoolkii ugu dambeeyay ka joogga Wanaagga, ee Allaah Magacyadaa Wanaagga badan leh ku barya, oo waxa aad tidhaahdaan bilmatal:
“Ka Naxariista badan lehoow! Ii naxariiso” “Ka dambi-dhaafista badan leheew! Ii dambi-dhaaf” “Ka asturidda badan lehoow! I astur oo ha I kashifin”IWM.
Magacyada Allaah-na way ka badan yihiin 99-Magac, sida Nabiguba uu yidhi:
"اللهمّ إنّي عبدك وابن عبد وابن أمتك، ناصيتي بيدك ماضٍ فيّ حكمُك، عدلٌ فيّ قضاؤُك، أسألك اللهمّ بكلّ اسمٍ هو لك سمّيت به نفسك أو أنزلته في كتابك أو علّمْتَه أحدًا من خلقك أو استأثرت به في علم الغيب عندك" الحديث.
Xadiiskani waxa uu u qaybiyay Magacyadii Allaah Saddex qaybood:
1️⃣ Magacyo uu isku magacaabay, Kitaabkiisana ku sheeggay.
2️⃣ Magacyo uu baray Cid ka mid ah Makhluuqaatkiisa.
3️⃣ Magacyo uu la gaar noqdo, oo aanu Axadba barin.
Ammaa Xadiiska sheegaya
"إنّ لله تسعة وتسعين اسمًا، مائة إلا واحدا من أحصاها دخل الجنّة"
“Allaah waxa u sugnaadday 99-Magac, Boqol Midh ka dhiman yahay, ku kasta oo koobaa Jannada ayuu galayaa”
Xadiiskani laga qaadan mayo in Allaah uu leeyahay 99-Magac uun, ee waxa loo jeeddaa: “Allaah waxa uu leeyahay 99-Magac oo Arrinkoodu yahay, ama la gaar ah; Qofkii kooba in uu Jannada galayo.
Labadan Maga cee kala ah
الرحمن، الرحيم
Waxa xeeldheer (Ar-raxmaan) Saddex sababoodba:
1️⃣ Allaah ayu uku gaar yahay, halka (Ar-raxiim) Cid kale lagu sheeggi karo.
2️⃣ Adduun iyo Aakhiraba waa koobaya, Halka (Ar-raxiim) uu Aakhiro ku gaar yahay iyo Muslimiinta.
3️⃣ Miisaanka u uku yimi (Ar-raxmaan) wuu ka xeeldheer yahay kuu ku yimi (Ar-raxiim)
23/08/2022
(تفسير سورة الفاتحة)
(Tafsiirka Suuradda Faatixada)
Magacyo badan ayay leedahay Suuraddani, waxa ka mid ah magacyadaas:
(الكافية، الشافية، أم الكتاب، السبع المثاني)
Suuraddani waa Suuradda ugu weyn Qur’aanka (yacnii ugu fadli badan)
Fadaa’isha ay leedahay Suuraddu waxa ka mid ah: in aanay Salaaddu asaxayn la’aanteed, Suuradaha kale sidaas maaha.
Suuraddan Faatixada ah, Aayadda ugu horraysa waa Bisinka Tafsiirkiisana waan soo aragnay.
"الحمد لله ربّ العالمين)
“Jinsiga “Mahad” ama Mahadda sii daysan, waxa ay u sugnaatay, ama mutaystay Allaah, Allahaas oo ahaaday Rabbiga Makhluuqaatka oo dhan, yacnii ka barbaarinaya, Umuurtoodana maamulaya.
(العالمين: جمع العالم)
(Caalamiin): waa wadarta (Caalam) ama Jamaceeda, (Caalam)-na waxa la dhahaa wax kasta oo ka soo hadhay Allaah.
Waxa Makhluuqaatka loo yidhi (Caalamiin), Maxaa yeellay waxa ay amaarad iyo Calaamad u yihiin Allaah, waa kii Gabyaaggu lahaa:
وفي كلّ شيء له آية *** تدلّ على أنّه واحد
“wax walba waxa Allaah ugu sugnaadday Calaamad tusinaysa in uu yahay Kalli iyo Waaxid”.
22/08/2022
تفسير البسملة، أي بسم الله الرحمن الرحيم
Tafsiirka Bisinka ama (بسم الله الرحمن الرحيم)
Bisinku waa Aayadda ugu horraysa ee uu Allaah ku bilowday Kitaabkiisa Sharafta badan ee Qur’aanka.
Qur’aanku waxa uu ka kooban yahay 114-Suuraddood, 113 ka mid ah ayaa lagu bilaabay Bisinka, Halka Suuradda kale ee (براءة أو التوبة) aan loogu bilaabin Bisinka.
Markaa waxa ay Aayaddaasi ku soo arooraysaa Qur’aanka 114 jeer, 113 jeer Suuradaha dhexdooda ayay dhacaysaa, Mar kaliyana waxa ay ku soo aroortay Suuradda Namli dhexdeeda
(إنه من سليمان وإنه بسم الله الرحمن الرحيم)
Markaa ay ku soo aroortay Suuradda Namli-na waa la isla oggol yahay in ay tahay Aayad Qur’aanka ka mid ah.
Laqbada Bisinka:
“Waxa aan ku bilaabanayaa Magaca ilaahay, Allahaas oo ku tilmaamam Naxariis ballaadhan oo uu Ifka ugu naxariisanayo Muslimiin iyo Gaalaba, sida oo kale ku tilmaaman Naxariis gaar ah oo uu Muslimiinta oo kaliya ugu naxariisanayo Aakhiro”
Wax kasta oo Wanaagsan waxa habboon in lagu bilowdo Bisinka, Mararka qaar Bisinka oo dhammaystiran
بسم الله الرحمن الرحيم
Sida marka Kutubta, Waraaqaha iyo waxa la midka ah marka la qorayo.
Mararka qaarna waxa sunne ah in aan (الرحمن الرحيم) la raacin ee lagu gaabsado
بسم الله
Sida Cuntada, Cabitaanka, Galmada iyo waxa la midka ah.
Xijaabka iyo asturnaantu marna maaha Caqabad kaa hor taaggan Guusha iyo Horumarka, bal ee Isaga ayaa Horumar ah
رفعة_القحطاني
waa Gabadh Sucuudiyad ah oo Dawladda Sucuudigu ugu dirtay Jaamacadda in ay wax ka barato Jaamacadda Florida ee Dalka Maraykanka.
Heerkii ugu sarreeyay Jaamacadda ee BHD-ga ayay ka gaadhay iyada oo waliba Kaalin sare ku baxday.
waxa Muuqaalkan kaaga Muuqda sida dhammayska tiran ee ay u asturan tahay Tin iyo Cidhib, sida oo kale sida ay ugu dhaqmayso Shareecadii Islaamka ee aanay u gacan qaaddin Xattaa Guddoomiyhii Jaamacadda, Bal ee Gacan qaadka ay ugu gaar yeeshay Dumarka💪🌹🌷💐.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Mogadishu
252
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 09:00 |
| Tuesday | 07:00 - 09:00 |
| Wednesday | 07:00 - 09:00 |
| Thursday | 07:00 - 09:00 |
| Saturday | 07:00 - 09:00 |
| Sunday | 07:00 - 09:00 |