Amaana Academy

Amaana Academy

Share

“A Strong Mind Starts Here”

28/08/2025

Saddexda Tiir ee Go’aamiya Qaabka Fekerka Qofka. Cashar muhiim ah | Ustaad Ayub Qalinle

23/08/2025

Cashar muhiim ah oo ku saabsan Furayaasha Guusha I
ustaad Ayub Qalinle

Photos from Amaana Academy's post 08/08/2025

SHAACINTA RASMIGA AH – Al Ridaa Media.

● Ku saabsan Al Ridaa Media

Al Ridaa Media waa shirkad warbaahineed oo casri ah oo ka howlgesha Soomaaliya, kana shaqeysa soo saarista, duubista, iyo baahinta muuqaalada iyo codadka tayo sare leh. Shirkaddu waxay xoogga saartaa waxbarashada, ganacsiga, iyo keydinta xusuusta bulshada iyadoo adeegyo warbaahineed u fidineysa macmiil kala duwan – laga bilaabo qoysaska ilaa hay’adaha iyo ganacsatada.

● Qeybaha Shirkadda iyo Shaqadooda

1. Al Ridaa Documentaries

Waaxdan waxay ku takhasustay soo saarista taxanayaal dukumeenti ah oo tayo sare leh, kuwaas oo diiradda saaraya:

Taariikhda, dhaqanka, iyo hidaha bulshada Soomaaliyeed

Sheekooyinka guusha ganacsatada iyo hal-abuurayaasha

Warbixino aqooneed oo bulshada iftiiminaya

Kaydinta dhacdooyinka taariikheed ee muhiimka ah

Waxaan adeegsanaa farsamooyin casri ah iyo muuqaal-qaadis heer caalami ah si sheekada loo gudbiyo si qoto dheer, macluumaad leh, oo soo jiidata daawadayaasha.

2. Al Ridaa Risaala

Al Ridaa Risaala waa qeybta diiradda saarta barnaamijyada aqooneed iyo Podcasts-ka. Waxay soo saartaa:

Podcasts tayo sare leh oo ku saabsan dhaqaalaha, ganacsiga, iyo horumarka bulshada

Barnaamijyo aqooneed oo lagu dhiirrigeliyo fikirka iyo waxbarashada

Waraysiyo lala yeesho aqoonyahanno, ganacsato, iyo hal-abuurayaal

Gudbinta sheekooyin dhiirrigelin leh oo bulshada ku reeba saamayn togan kuwaas oo qeyb ay ka qaadan doonaan Culimada dalka.

Waxaan u jeedkeenu yahay in Risaaladu noqoto madal laga helo aqoon, aragti cusub, iyo dhiirigelin joogto ah.

3. Al Ridaa Academy

Al Ridaa Academy waa xarun tababar oo bixisa koorsooyin xirfadeed iyo casharro ku saleysan khibrad dhab ah, gaar ahaan:

Muuqaal sameynta iyo tafatirka muuqaalada (Video Production & Editing)

Photography iyo farsamooyinka kaamirada

Suuqgeynta dhijitaalka ah (Digital Marketing)

Tababarro ganacsi iyo xirfado shaqo

Koorsooyin lagu horumarinayo xirfadaha shaqsiga iyo aqoonta bulshada.

Hoggaaminta iyo Maamulka (Leadership and Management)

Xirfada shaqada iyo shaqaalaha (HRM) iyo qaar kale oo badan.

Academy-gu wuxuu isku daraa aragti iyo ficil, isagoo ardayda ku qalabeeya xirfado ay isla maalintaas shaqada ku bilaabi karaan.

● Hadafka Shirkadda

Hadafkeennu waa inaan noqono hormuudka warbaahinta aqoonta leh ee Soomaaliya, annagoo:

Kobcinayna waxbarashada iyo wacyiga bulshada

Taageerayna ganacsiga iyo hal-abuurka

Soo saarno muuqaal iyo cod tayo caalami ah leh

Ilaalinna xusuusta bulshada iyo dhacdooyinkooda muhiimka ah

● Waxa Aan Kaga Duwanahay Shirkadaha Kale

Xirfad iyo tayo sare – Shaqada oo loo sameeyo si heer caalami ah, iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah.

Diirad aqooneed – Ma aha oo kaliya muuqaal qurux badan, balse nuxur leh oo waxbarasho iyo wacyi ah.

Koox xirfadleyaal ah – Ku takhasusay maamulka, muuqaal sameynta, iyo suuqgeynta dhijitaalka ah.

Adeeg macmiil gaar ah – Waxaan shaqada u habeeynaa si ay ula jaanqaado baahida macmiilka.

📍 Cinwaanka Xafiiska: Isgoyska Baar Ubar
📞 Tel: 0618259845
📧 Email: [email protected]

💡 Halku Dhigeenna:
"Al Ridaa Media – Halka Lagu Rumeeyo Riyadaada ganacsi iyo waxabarasho.

23/06/2025

🟢 OGAYSIIS MUHIIM AH

Ku socota: Ardayda, waalidiinta, iyo dhammaan bulshada wax la wadaagtay Winners Institute.

Waxaa sharaf noo ah in aan si rasmi ah idinla wadaagno in magaca machadkeennii h**e, Winners Institute, hadda loo beddelay magaca cusub ee Al Ridaa Academy .

Beddelka magaca waxa uu qeyb ka yahay horumarka aan ku talaabsaneyno, si aan ula jaanqaadno baahiyaha iyo isbeddelka dunida waxbarashada. Waxaan ogaanay in magaca machadkii h**e ay adeegsadeen hay’ado kale oo tiro badan oo dunida ka hawl gala, taasoo u baahneyd in la helo magac gaar u ah machadkeenna.

Maalmo iyo habeenno badan oo aan ku sahminno magac cusub oo machadkeenna u gaar ah kaas oo ka turjumaya sumcadeenna, qiyamkeena iyo tayadeena gaar ka ah, waxaanu doorannay magaca Al Ridaa.

🔰 Wax isbadalay majiraan:

✅ Kaliya magaca ayaa is beddelay.

✅ Qiyamka, tayada, himilada, iyo dadaalkii aad naga barateen waa sidoodii.

✅ Dhammaan shahaadoyinkii h**e waa sharci oo si buuxda u ansax ah.

🚀 Waa maxay waxa cusub hadda?

Waxaan si weyn u ballaarin doonaa koorsooyinka iyo fursadaha waxbarasho ee aan bixin doono.
Barnaamijyo cusub ayaan dhawaan shaacin doonnaa oo ay ka mid yihiin:

Horumarinta ganacsiga

Aqoonta shaqo raadinta

Xirfadaha shaqo (soft & technical skills)

Barashada luqadaha, tiknoolajiyada, iyo waxyaabo kale oo waxtar leh.

Koorsooyin ka iyo fursadaha wax barashada ee dhawaan aan shaacin doonno waxay horumarin iyo ogaal ifsi u noqon doonaan bulshadeena gaar ahaan dhalinyaradeenna.

🫱🏼‍🫲🏽 Mahadcelin

Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ardaydii ka faa’iideysay machadka muddadii la soo dhaafay. Idinkoo ah tiirarka taariikhda iyo sumcadda machadka, waxaan mar kale idinku wargelineynaa in shahaadooyinkiinnii ay weli yihiin kuwa sax ah oo la aqoonsan yahay.

🎯 Al Ridaa Academy > “A Strong Mind Starts Here”

Baro maanta, Hogaami berri.

13/05/2025
26/04/2025

KA FAAIIDEYSO FURSADAAN.

Inagoo eegeyna baahida ardaydeena ku gadaaman, waxaan markaan fursad siineynaa ardayda aan awoodin inay iska bixiyaan qidmooyin ka koorsooyin ka lagu barto, waxaan ugu bishaareyneynaa in aan qaadan doonno bishaan 100 oo arday oo aan si free ah ku siineyso koorsooyin ka kala ah:

1:Leadership Course.
2:principle Management Course.
3:Human Resource Management Course (HRM).

Koorsooyin ku waxa ay socon doonaan muddo u dhexeysa 3 ilaa 5 bilood.
F.G: Arday walba is diiwaangalin ayaa lga doonayaa oo kaliya, arday badana ayaa is diiwaangaliyey, fadlan yaan lagaa buuxin fursadaan.

Si aad uga faaiideysatid fursadaan kaliya iska diiwaangali whatsappka hoose:
0618259845

Photos from Amaana Academy's post 23/02/2025

FURSADAHA BISHA RAMADAAN!

Bisha barakaysan ee Ramadaan waa fursad weyn oo aad naftaada ku horumarin karto, aqoon kororsi samayn karto, iyo xirfado cusub baran karto. Waxaan kuu haynaa laba fursadood oo qiimo badan:

Fursada Koowaad: Koorsooyin Xirfadeed

Waxaan kuu diyaarinay 3 koorso oo muhiim ah, kuwaas oo kaa caawin doona inaad horumariso xirfadahaaga shaqo iyo maamul.

✔ Koorsada Hoggaaminta
✔ Koorsada Maamulka
✔ Koorsada Shaqada & Shaqaalaha

🔹 Muddada: 3 bilood
🔹 Lacagta: Kaliya $10 (waxay iskugu jirtaa diiwaangelin, shahaado, iyo lacagta 3-da bilood)
🔹 Qaabka Casharrada: Online
🔹 Shahaado: Diploma

Haddii aad rabto inaad horumariso xirfadahaaga oo aad hesho shahaado rasmi ah, ha moogaan fursaddan!

Nagala soo xidhiidh whatsApp Nomber: 0618259845

Fursada Labaad: Aqoon Kororsi

Haddii aad rabto inaad kobciso aqoontaada inta lagu jiro bisha Ramadaan, waxaan kuu haynaa Buugmaal Podcast, Hantimaal Podcast & Daalib Podcast, kuwaas oo si qoto dheer u falanqeeya buugaag qiimo leh, fikrado ganacsi, iyo horumarka nolosha.

📚 Buugmaal Podcast – Soo koobista buugaag qiimo leh
🎙 Hantimaal Podcast – Aragtida maalgashiga & horumarinta dhaqaalaha
📖 Daalib Podcast – Aqoon iyo cilmi wax ku ool ah

Waa fursad qaali ah oo aad ku kobcin karto maskaxdaada! Hadda waxaa ku xiran dad kor u dhaafaya 8000 oo Qof {Sideed kun oo qof}.

Si aan u hesho taxanayaasha bisha Ramadaan kusoo biir kanaaladeena link-yada hoose.

Kanaalka koowaad: https://youtube.com/?si=b3Tleon9vkY-Mx-v

Kanaalka labaad: https://youtube.com/?si=yNMvBDHqSy6xlD6x

👉 Ka faa’iidayso fursadahaas!


Hambalyo ayaan sidoo kale leenahay dufcada baratay xirfadaha kala duwan..
Winner's institute Xarunta aqoonta iyo Hal-Abuurka

30/01/2025
Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Mogadishu