15/12/2025
Waxaa sii guul ah noogu qabsoomay Barnaamijkeenii ๐๐ก๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐ oo ay ka faaiideesteen qaar kamid ah ardayda , waxaa kulanka soo agaasimay Gudoomiyaha Naadiga Aqriska iyo Qoraalka Ee midowga ardayda ๐๐ฌ. ๐๐๐ฐ๐จ ๐๐๐ซ๐๐ก๐ข๐ฆ ๐๐ข๐ฆ'๐๐ฅ๐ , waxaana tababarka noo bixiyey ๐๐ฌ๐ญ๐๐ ๐๐๐๐ข ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐๐๐ข oo ah bare kana tirsan bahda akhriska iyo qoraalka ee garaad kobac.
26/11/2025
Barnaamijka Ahmiyadda Akhriska!
Midowga Ardayda Jaamacadda Himilo wuxuu ku faraxsan yahay inuu idinla wadaago barnaamij muhiim ah ee ku saabsan Ahmiyadda Aqriska iyo sida loo gorteeyo buugta.
Waxaa Marti noo ah Ustaad Abdi Yusuf Abdi, oo ah bare kana tirsan bahda akhriska iyo qoraalka ee garaad kobac.
๐
Taariikh: Berri oo Khamiis ah 27-Nov-2025
๐ Goobta:Maktabadada Jaamacadda Himilo
06/10/2025
HIMILO UNIVERSITY
|| ๐๐ฎ๐ฐ๐ต๐ฒ๐น๐ผ๐ฟ ๐ผ๐ณ ๐๐๐๐ถ๐ป๐ฒ๐๐ ๐๐ฑ๐บ๐ถ๐ป๐ถ๐๐๐ฟ๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป ||
โโโโโโโโโโโโโโโโโโโโโ
Kusoo Dhawoow Kuliyadda ๐๐๐น๐๐๐บ๐๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐บ๐๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ต๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ, gaar ahaan waaxda Maamulka iyo Maareynt Ganacsiga.
Jaamacadda wexey diyaar idiinla tahay Manhaj Casriyeysan, Macalimiin Xirfadlayaal ah iyo tababar Joogto ah.
Nagu soo biir oo hel ๐ป๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐ ๐ฟ๐๐๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐.
Waxaa socoto isdiiwaangelinta ardeyda Cusub, fadlan nagu soo booqo xarunta Jaamacadda oo ku taal isgooska tarabuunka, dhanka Kpp, Degmada Hodan, Muqdisho ama naga soo wac taleefanadan
0613699993/ 0613968797/ 0615400533/ 603056
05/06/2025
๐๐ข๐๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ก๐ฑ๐ ๐๐ฎ๐๐๐ซ๐๐ค!
Midowga Ardayda Jaamacadda Himilo wuxuu dhamaan ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan umadda soomaaliyeed uga hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adhxa.
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasheenna wanaagsan, xujeyda Ilaahay xajkooda ha ka aqbalo, dalka iyo dadkana barwaaqo iyo nabad waarta ha siiyo. Aamiin ๐คฒ
๐๐ข๐ข๐ ๐๐๐ง๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง!
04/06/2025
๐ข ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ข๐ฌ ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก
June 4 2025 Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Himilo Mudane ๐๐๐๐ข๐ก๐๐ค๐ข๐ฆ ๐๐๐๐ข๐ฐ๐๐ก๐๐ ayaa si rasmi ah u magacaabay ๐๐๐ฐ๐ ๐๐๐ซ๐๐ก๐ข๐ฆ ๐๐ข๐ฆ'๐๐ฅ๐ inay noqoto Guddoomiyaha Naadiga Aqriska iyo Qoraalka, kaddib markii uu arkay baahida weyn ee ay ardaydu u qabaan madal furan oo lagu dhiirrigeliyo akhriska, hal-abuurka iyo qoraalka.
Naadigani waxa uu noqon doonaa goob ay ardaydu ku horumariyaan xirfadooda qoraal, akhris iyo dood cilmiyeed, iyada oo lagu qaban doono doodo furan, lagu gorfeeyn doono buugaagta, iyo tartammo lagu dhiirigalinaayo aqriska iyo qoraalka.
Midowga Ardayda waxa uu rajaynayaa in magacaabistani ay bilow u noqon doonto kor u qaadidda dhaqanka wax akhriska iyo qorista ee ardayda Insha ALLAH.
29/05/2025
๐๐จ๐ซ๐๐๐ฒ๐ง & ๐๐๐ซ๐๐๐ Dhis
Barnaamijkeennii Gorfeynta Buugta ayaa si guul leh noogu qabsoomay galabta, iyadoo la gorfeynayay Buugga bishaan: "๐๐๐๐๐๐ง ๐๐๐ฆ๐ ๐๐๐ ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ฐ๐ข๐ข ๐๐จ๐ซ๐".
Kulanka waxaa marti noogu ahaa Ustaad ๐๐๐ฒ๐ข๐-๐๐ฅ๐ข ๐๐๐๐ข ๐๐ฎ๐ฌ๐, oo si qoto dheer noogu falanqeeyay nuxurka buugga, kaas oo si gaar ah u xambaarsanaa fariin mug leh oo ku saabsan muhiimadda waqtiga iyo ka faaโiideysigiisa.
Waxaan u mahadcelineynaa Dhammaan ardayda ka soo qayb gashay kulanka iyo ๐๐ฌ๐ญ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐ข๐-๐๐ฅ๐ข, oo nagu deeqay faham dhammaystiran iyo aragti xiiso leh oo ku saabsan buugga.
Waxaa noo ballan ah kulanka xiga ee ๐๐จ๐ซ๐๐๐ฒ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐๐๐ Dhis, Insha ALLAH โ halkaasoo aan sii wadi doonno kobcinta akhriska iyo wadaagga fikirka.
28/05/2025
๐ ๐๐จ๐ซ๐๐๐ฒ๐ง & ๐๐๐ซ๐๐๐ Dhis
Barnaamijka dhiirrigelinta akhriska iyo wadaagga fikirka ee Midowga Ardayda Jaamacadda Himilo.
Berri oo Khamiis ah, waxaa noo dhici doona barnaamijka ๐๐จ๐ซ๐๐๐ฒ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐๐๐ Dhis oo aan ku Gorfeyn doono buugga "๐๐๐๐๐๐ง ๐๐๐ฆ๐ ๐๐๐ ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ฐ๐ข๐ข ๐๐จ๐ซ๐", oo uu gorfeyn doono Ustaad ๐๐๐ฒ๐ข๐-๐๐ฅ๐ข ๐๐๐๐ข ๐๐ฎ๐ฌ๐.
๐
๐๐ ๐๐๐ฒ ๐๐๐๐
๐ ๐:๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ
๐ ๐๐๐ค๐ญ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐จ
28/05/2025
๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐
๐๐ง๐ค๐ ๐
๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ "๐๐ก๐ ๐๐ซ๐ญ ๐จ๐ ๐๐ฎ๐๐ฅ๐ข๐ ๐๐ฉ๐๐๐ค๐ข๐ง๐ "
Maanta waxaa si guul leh noogu qabsoomay tababarkii fagaare ka hadalka ee ay soo qabanqaabiyeen Guddoonka Midowga Ardayda , waxaana ka faaโiidaystay qaar kamid ah ardayda jaamacadda.
Tababarka waxaa diiradda lagu saaray:
โ
Sida si kalsooni leh loogu hadlo dadka hortooda
โ
Habka loo diyaariyo khudbadaha saameynta leh
โ
Sida looga gudbo cabsida iyo walwalka ee hortagga fagaaraha.
Ustad ๐๐๐๐ข๐๐๐ญ๐๐ก ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ, oo ah tababare khibrad u leh fagaare ka hadalka, ayaa si faahfaahsan noogu iftiimiyay arrimo muhiim ah oo aan wax badan ka kororsannay maanta.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Ustad ๐๐๐๐ข๐๐๐ญ๐๐ก ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ dadaalkiisa iyo ardayda ka faaโiidaystay ka qeybgalka iyo ka goโnaanshahooda horumarinta naftooda.
Mahadsanidiin dhammaan!
27/05/2025
Hogaanka Midowga Ardeyda Jaamacadda wexey la wadaagayaan Dhammaan ardeyda Jaamacadda ineey kasoo qeybgalaan Tababar halmaalin ah Cinwaankiisuna yahay Fanka Fagaaro kahadalka kaasoo uu soo jeedin doono Tababare Abdifitah Kasim, berri oo ku beegan 28.05.2025, Xarunta Jaamacadda.
15/05/2025
๐๐๐ฒ, ๐๐, ๐๐๐๐ waxaa si weyn u qabsoomay kullan muhiim ah oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Himilo, Mudane ๐๐๐๐ข๐ก๐๐ค๐ข๐ฆ ๐๐๐๐ข๐ฐ๐๐ก๐๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐.
Kullankan ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta howlaha hortabinta u leh midowga, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo is-dhexgalka ardayda.
Kullankan ayaa ahaa fursad muhiim ah oo ardayda lagu dhiirigelinayo inay ka qayb qaataan hawlaha midowga, si loo gaaro himilooyinka waaweyn ee midwoga .
01/05/2025
Maalinimadii Shalay 30.04,2025 waxaa loo qabtay qaar kamid ah gabdhaha waxkabarta Jaamacadda Muxaadaro qiimo badan cinwaankeeduna ahaa Siraha Xishoodka waxaana bixisay muxaadarada mahadi haka gaartee Daaciyad Dr.Zahra Mohamed Abdi waxaana soo agaasimay muxaadarada Hogaanka Midowga Ardeyda Jaamacadda oo kaashanaayo xafiiska arimaha ardeyda.