31/05/2026
Burburka bulsheed ee ummada k**a bilowdo dhaqaale xumadda, amni darrada, musuqmaasuq, iwm balse waxa uu ka bilowdaa luminta dareenka shacabka iyo iska indha tirka waxa ka socda ummada dhexdeeda, taa badalkeeda lagu mashquulo waxa uu nidaamka rabo, iyo horjoohooda waliba sida kursiga loo sii heysan lahaa iyadoo aan laga fikireynin wax burbur iyo mooraal xumo ka dhex socota ummada dhexdeeda, taasi waxay horseed iyo gogol xaar u noqoneysaa kalsoonida shacabka oo lunta gaartana xaalad quus iyo walbahaar u muuqato.
Dhinaca kale shilinka Soomaaliga oo ahaa waxa ummadu ku faanto oo muujiyo cududeeda dhaqaale, waxay u muuqataa inay gabi ahaan suuqa ka baxday noqoteyna waxa aan jirin maanta haddaad u baahan tahay inaad iibsato caddey(Rumay) , xabad qalin ah , kabo caseyn(baalash) iwm waxaad ku qasban tahay inaad Toban senti bixiso , ma jirto maddax iyo maamul kale oo u istaagay inay xaaladaan maareeyan, bulshaddana u sharraxaan waxa badali doonto lacagtii shilinka Soomaaliga, yeelkaddeedi waxaad moodaa hayadaha maalinyadda dalka inay ku mashquulsan yihiin dakhli soo aruurin xad dhaaf , oo aysan jirin wax xisaab celin maaliyadeed oo lasocoto arrintaas.
Waxaa burburay nidaanka dowladnimadda ( hayadaha dowladda) markaan saas dhahaayo bururka macnaheedu ma ahan inay jirin ee waa in kalsoonidii lagu qabay iyo hufnaantii ay meesha ka baxday, waliba dowladda qeybihii ugu muhiimsanaa , ee kala ah garsoorka , booliska , baarlamaanka , iyo guud ahaan wasaaraddaha qaar oo noqday xarun Coffee -ga lagu cabo loona sheeko doonto intaas waxay dhiiragalineysaa jiho cusub oo hubanti la'aan ah wadanku galay.
Ka daroo dibi dhal intaas waxaa barbar socdo, fowdo iyo dhiig daadin loo horseedayo qaar kamid ah maamulka ka jira Soomaaliya , qaar kamid taasoo magaalooyinka shacabka gacantooda ku dhisteen si is xilqaan ah iyagoo aan taageero ka heleyn maamulka gobolka iyo dowlada dhexe ee jirta , taasi waxay soo dadaji kartaa xaalad maalgashiga iyo hormarku uu ugu guuro wadankeenna, loona weeciyo dowladaha dariska ilaa Afrika dhexe waana arrin ka fiirsigeeda mudan inta uusan dhicin barakac ama nabaadguur ganacsi.
Xukunta dalkeenna waxaa kusoo batay siyaadi macmal ah , taasoo macno ahaan noqon karta , siyaasi isu badalayo sida dabaysha hadba meesha uu jiro muufeyga u weecanayo iyagoo tusaale iyo cashir dadban siinaayo inta ka danbeysa kuwaasoo rajo kaleh hoggaanka iyo awoodaha wadanka inay hoggaamiyaan, halkii larabay inay ku ilaalayadan fidrada Saliimka ah ee larabo in ummmadda lagu hoggaamiyo.
Ugu danbeyntii ku fara adeegga xukun jeclida waxay horseed u noqoneysaa in nolosha bulshadda baab'do iyagadoo laga hornarinaayo mudnaanta shakhsiga, waxay abuuri kartaa bulsho aan rajo laheyn , bulsho aamusan dabci ahaan , laakiin qalbigoda uu ku jiro burkaayooyin ciil iyo caloolyow ah , intaasi markey mareyso waxaa habboon...? Nidaanku inuu muujiyo dabacsanaan , tanaasulid , kafikir umadeed iyo masiirkooda , lasocoshadda isbadalada ka socda gobolka , isu soo dhaweynta ummada , ka sikashada boobka hantida , gacmo qabashada kuwa ka faa'ideysta marxaladda kala guurka , iyo waxkasta oo ummadan dan adduun iyo mid aakhiro wax u taraya.