Al-hikma primary and secondary school

Al-hikma primary and secondary school

Share

warar iyo war bixino hubsan

07/09/2023

Dhamaan ardada aan wali dalban shahaadooyinkooda dugsiga dhexe waxaa la ogeeysiinayaa inay xafiiska imaadaan si loogu dalbo shahaadooyinkoodi:

Sharuudo:

1. Laba sawir oo teesaro ah oo waraaq ah .
2. hal sawir oo taleefanka ku jiro ama ( soft) ah
4. ID Ama roll number ki uu ardayga imtixaanka ku galay.

Fadlan xafiiska keen xogtaas kahor maalinta sabtida ah.

Photos from Al-hikma primary and secondary school's post 03/09/2023

Kulan ay isugu imaadeen qeyb kamid ah waalidiinta , macalimiinta iyo maamulka iskuulka Alxikma ayay ku go' aamiyeen in ardada iskuulka lagu wareejiyo wasaarada waxbarashada galmudug isla markaana ardada looga faa'iideeyo jaaniska iskuulada laqarameeyay kuuwaasoo ay ka heli doonaan waxbarasho bilaash ah.

Wasaarada waxbarashada galmudug ayaa dadaal ugu jirto in ardada reer galmudug ay helaan waxbarasho tayeeysan ayadoo culeeyska laga yareeynayo waalidiinta qarashaadka badan ku bixiyo iskuulada gaarka loo leeyahay taas badalkeedana ay hirgalisay kuwo public ah oo ay ayada gacanta ku heyso.

Mahadsanidiin.

26/07/2023

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Dhamaan bahda reer Alxikma, qaasatan fasalka 8aad oo dhamaantood ku baasay , natiijo wanaagsana ka keenay imtixaanka shahaadiga ah.

06/07/2023

Maamulka macalimiinta iyo ardada iskuulka Al-hikma primary and secondary school waxey tacsi tiiraanyo leh udirayaan dhamaan ehelka ay ka baxday hooyo Asli Xirsi oo kamid aheed waalidiinta ardada iskuulka.

Hooyo Asli Xirsi waxay aheed hooyada dhashay Roowdo Daahir jaamac ( Drs Roodo Dahir ) oo kamid ah ardada iskuulka Alxikma.

Waxaan allaah uga baryeeynaa inuu janadiisa ugu bishaareeyo sabir iyo iimmaanna nagasiiyo dhamaanteen.

Photos from Al-hikma primary and secondary school's post 24/05/2023

Guul dhamaan ardada reer galmudug
Qaasatan kuwa reer Al-hikma primary and secondary school .



.

Photos from Al-hikma primary and secondary school's post 14/05/2023

Sunday: 14/5/2023

End of final exam.

Academic year :2022-2023


18/01/2023

Wasiirka wasaarada waxbarashada galmudug mudane maxamad xaashi dhoore ayaa kormeer ku yimid iskuulka Al-hikma primary and secondary school waxaana halkaas kusoo dhaweeyay maamulka sare ee dugsiga.

Wasiirka ayaana ukuurgalay habsami-usocodka waxbarashada iskuulka asoo wareeystay qeyb kamid ah ardada,macalimiinta iyo maamulka dugsiga.

Photos from Al-hikma primary and secondary school's post 12/10/2022

Xaflada xuska dhalashada Nabi-maxamad (NNKH) ayaa lagu qabtay dugsiga hoose dhexe sare ee Al-hikma primary and secondary school taasoo ay kasoo qeyb galeen culumo waaweyn.
Ayadoo ardaduna aysoo bandhigeen anaashiid iyo qasiidooyin nabi-amaan ah halka culumadana ay ku dheeraadeen ka sheekeynta siirada nabiga (NNKH).

Photos from Al-hikma primary and secondary school's post 21/09/2022

Education is the key to success.
Class: form one
Teacher: Abdifitah hersi ginde

Photos from Al-hikma primary and secondary school's post 18/09/2022

Maamulka iskuulka Alxikma ayaa dhiiragalin usameeyay 5 arday oo kamid ah ardada suugaanleyda ah ee dugsiga, 5 taan arday ayaa si joogta ah bandhiga taabuurka uga soo jeedin jiray suugaan isugu jirta heeso, gabayo, geeraaro iyo baraanburo ay igu hal abuureen.
Maamule ku xigeenka iskuulka ustaad xasan mahdi geedi oo wakiil ka ah maamulaha iskuulka mudane c/fitaax cabdullaahi salaad iyo ustaad cabdi fitaax xirsi giindhe oo afka macalimiinta ku hadlayay ayaa gudoonsiiyay ardada abaalmarin lacageed oo dhan $50.

Magacyada ardada.
1. Aamino C/raxmaan Geelle
2. Raxmo bashiir axmed
3.c/qani c/sade c/qaadir
4.Salmo Maxamuud Cali
5.Ansal C/sade C/qaadir

Photos from Al-hikma primary and secondary school's post 16/09/2022

Kulan uu shirgudoominayay gudoomiyaha ardada iskuulka Al-xikma mudane bashiir siyaad oo ay wehliyaan g.kuxigeenka mudane /qani c/sade iyo afhayeenka gudiga xuseen cartan kaas oo ay ku kulmeen gudiga ardada ayey oga hadleen arimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen
1. Wacyi-galinta ardada
2. Nadaafada iskuulka iyo
3.dardar galinta howla kale oo badan

Ayaa ka dhacay xarunka koowaad ee dugsiga Al-xikma guriceel.

13/09/2022

Maanso: hooyo macaan.

Cabdi-qani Cabdi-sade Cabdulqaadir.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00