معهد التأصيل للعلوم الإسلامية والعربية " الفــــــرع الثــــــانــــــي "

معهد التأصيل للعلوم الإسلامية والعربية " الفــــــرع الثــــــانــــــي "

Share

قسم إعداد الطلبة للمرحلة المتوّسطة.

24/12/2025

السّلام عليكم ورحمة الله وبركاته
WARGELIN.
Waxaa Dhammaan Macalimiinta,Waalidiinta,
Ardayda iyo Shaqaalaha Machadka lagu Wergelinayaa in Machadku Fasax gaaban oo hal Maalin ah Gelidoono
Sidaa Darteed Maalinka berri Ah oo khamiis ah Taariikhduna ku beegan Tahay 25_Dece_2025
Machadku Waa fasax.

Iyadoo la fulinayo Ammarka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Ee ku Saabsan Doorashada Maalinka Khamiista 25 bishan.

Waxaa la Soo laaban doonaa Maalinka Jimcaha Ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 26_Dece_2025.

Mahadsanidiin.

21/12/2025

Dhibcaha Ay kala Marayaan Group_yada.

Photos from ‎معهد التأصيل للعلوم الإسلامية والعربية " الفــــــرع الثــــــانــــــي "‎'s post 21/12/2025

السّلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Waxaa Halkan idin kula Wadaagaynaa Natiijada Tartan Aqooneedka Machadka Al-Ta'sil Faraciisa 2aad Sanad Waxbarasheedka 2025/2026 Semester-kiisa 1aad.
Mahad Oo dhan Allah(SWT) Ayaa iska leh oo ina soo gaarsiiyay Wareegii 3aad ee Tartanka
Waxaa soo dhamaynay Wareega 1aad iyo kan 2aad Waana kan Natiijadiisa iyo Group_yadaba.
Hambalyo dhammaan Ardayda Machadka.
Mahadsanidiin.

07/11/2025

Maamulka Waxbarashada Machadka.

07/11/2025

Video :Ardayda oo u fadhido Imtixaanka Nisfiga 2025

Photos from ‎معهد التأصيل للعلوم الإسلامية والعربية " الفــــــرع الثــــــانــــــي "‎'s post 07/11/2025

السّلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Waxaa Shalay oo ay Taariikhdu Ahayd
15/05/1447H Waafaqsan 06/11/2025M
Ka bilaabmay Xarunta Machadka Al-Ta'sil Faraca 2aad Imtixaankii Nisfiga ee Sanad_Dugsiyeedka 2025/2026.
Ardaydu Waxa ay Aad ugu faraxsan yihiin Nidaamka Machadka,Imtixaanka iyo Waxbarashada.

01/10/2025

Kalimadda Maamulka Waxbarashada Machadka Al-Ta'sil Faraciisa 2aad Ee Xafladda Dufcadda 3aad ee Qaybta Shareecada Dugsiga Sare iyo Dufcadda 2aad ee Qaybta U Diyaarinta Ardayda Dugsiga Dhexe.

31/08/2025

Waxaa Maalinki Jimacaha oo ay Taariikhdu Ahayd 15/08/2025M lagu soo gabagabeeyay xarunta Machadka Al-Ta'sil faraciisa 2aad Imtixaankii Nihaa'iga Sanad-Dugsiyeedka 2024/2025 Semester-kiisa danbe.

Waxaa Maalinkaa lagu soo bandhigay Xarunta Nashaadaad(Activities) lagu gabagabeenayay Sanad-Dugsiyeedka 2024/2025 laguna bixinayay Abaal Marinno Waaweyn oo lacageed.

Ciyaaruhu Waa isdhexgalka Ardayda.

31/08/2025

السّلام عليكم ورحمة الله وبركاته
WERGELIN:
Diiwaangelinta Ardayda Cusub oo ka bilaabatay Machadka Al-Ta'sil gaara Ahaan faraca 2aad.
Waxaa si farxad leh ugu dhawaaqaynaa In ay si rasmi ah uga bilaabatay Diiwaangelinta Ardayda cusub ee Sanad-Dugsiyeedka 2025/2026 dhammaan laamaha Machadka.

Ardayda aan Aqbalayno waa heerka 1aad ee waxbarshada fasallada kala ah:
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad
Iyo Arday kale oo loo diyaariyay fasal tamhiidi ah oo looga dhisayo Aqrinta iyo Qoraalka luqada carabiga,Af-soomaaliga iyo Xisaabta oo billow Ah.

Tirada Ardayda la diiwaan gelinayo waa ay go'an tahay waxa ayna ku egtahay 26/09/2025M fadlan waalid/walaal yaan lagaa buuxin.

Maalmaha waa Khamiis iyo Jimco oo loogu tala galay Ardayda Shanta Maalin Dugsi Qur'aanka dhigata in loogu diyaariyo Iskuullada Gobolka Benaadir iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Ku soo dhawaada Machadka Al-Ta'sil si gaar Ah faraciisa 2aad.

30/08/2025

Warbixin:80 Arday oo ka qalin jabiyay qeybaha kala duwan ee Machadu ta'siil ayaa munaasabad dhiiragalin ah loogu qabtay Muqdisho.
Waxaa ka mid ah Qaybahaas:
Qaybta U Diyaarinta Ardayda Dugsiga dhexe.

29/08/2025

Kulanka Maamulka iyo Macallimiinta.

Macallimiinta Machadka Ayaa galabta Kulan is xog waraysi iyo wadatashi ah ku yeeshay Xarunta Machadka waxaa looga hadlay dardargelinta Arrimaha Waxbarashada iyo sidii loo wajihi lahaay Sanad-Dugsiyeedka Cusub ee 2025/2026.

Sidoo kale Kulanka Ayaa lagu lafa guray Caqabadaha iyo fursadaha ku gadaaman Sanad-Dugsiyeedka cusub iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa howlaha Waxbarasho ee noo yaala.

Waxaa Maamulayay Kulanka Maamulka Machadka Ustaad C/Fitaax Maxamed Cilmi(Jannagale).

29/08/2025

Waxay Hambalyo iyo dhiirrigalin u dirayaan Maamulka iyo Macallimiinta Machadka C/Qaadir Amiin Cusmaan oo Kaalinta 3aad u galay Ardayda fasalka 4aad oo hadda u gudbaya Dugsiga dhexe.
Dadaal Wacan.
Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Xaafada Tawakkal , Agagaarka Masjidka Miyaaradaha
Mogadishu