15/07/2026
15/7/2026
Qaar kamid ah ardayda Jaamacadda Salaam, oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Salaam, Mudane Ahmed Abdi Yusuf Daacad, ayaa maanta ka qeyb galay maalintii labaad ee Madasha 3-aad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF2026).
Madasha waxaa ka soo qeyb galay wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno, dhallinyaro, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo lagu falanqeeyay arrimo muhiim u ah horumarinta dalka iyo xoojinta wada-hadalka qaran.
Madasha ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray Madaxweynihii h**e ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sharif Sheikh Ahmed.
14/07/2026
Qaar kamid ah ardayda Jaamacadda Salaam, oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Salaam, Mudane Ahmed Abdi Yusuf Daacad, ayaa si sharaf leh uga qeyb galay maalintii koowaad ee Madasha 3-aad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF2026).
Madashan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda (HIPS) iyo City University of Mogadishu, ayaa kulmisay aqoonyahanno, siyaasiyiin, cilmi-baarayaal, iyo dhallinyaro si ay uga wada hadlaan arrimaha mudnaanta u leh horumarinta Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadalka qaran.
Maalintii koowaad ee madasha ayaa si rasmi ah u soo gebagabowday, iyadoo laga soo jeediyay doodo iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka iyo doorka dhallinyarada ee horumarka Soomaaliya.
01/07/2026
🇸🇴 Xuska 1-da Luulyo – Sanad-guuradii 66-aad ee Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya 🇸🇴
Madaxweynaha Ardayda Jaamacadda Salaam, Mudane Ahmed Abdi Yusuf Daacad, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha midowga ardayda jaamacada salaam ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu xusay 1-da Luulyo – Sanad-guuradii 66-aad ee Xorriyadda iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ey soo agaasimeen Midowga Guddoomiyeyaasha Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir (MGAJGB).
Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu muujiyay qiimaha ay leedahay waddaniyadda, midnimada iyo ilaalinta taariikhda dalka, iyadoo lagu dhiirrigeliyay doorka dhallinyarada iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta qaranka iyo adkeynta midnimada ummadda.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyneynaa munaasabaddan qiimaha badan, annagoo Alle ka baryeyna inuu dalkeenna siiyo nabad, horumar iyo barwaaqo.
Hambalyo 1-da Luulyo – Sanad-guuradii 66-aad. 🇸🇴
Soomaaliyeed
30/06/2026
Hambalyo! Hambalyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed! 🇸🇴
Maanta oo ay tahay 1-da Luulyo, waa maalin taariikhi ah oo xasuus mudan — maalinta xorriyadda iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Ilaahay ha inagu gaarsiiyo sanad walba iyadoo Soomaaliya ay ku sugantahay nabad, midnimo, iyo barwaaqo. Aamiin 🇸🇴
26/05/2026
Hambalyo Ciidul Adxaa
Midowga ardayda jaamacada salaam waxay munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed, u diraysaa hambalyo dhammaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan Allaah ka baryeynaa in uu naga aqbalo acmaasheena suuban, dambiyadeenna sanadkii tagay iyo midka soo socdana dhaafo.
Waxaan sidoo kale Alle ka baryeynaa nabad, xasilooni iyo horumar waara in dalkeennu gaaro.
Ciid wanaagsan ku ciida.
كل عام وأنتم بخير.
25/05/2026
Barnaamijka HAGE ee Jaamacadda Salaam ayaa maanta si guul leh uga qabsoomay Jaamacadda Salaam, isagoo ah barnaamij sanadle ah oo loogu talagalay hagista iyo diyaarinta ardayda fasalka 12aad ee dugsiyada sare.
Abaabulka iyo hirgelinta barnaamijka waxaa qeyb weyn ka qaatay Midowga Ardayda Jaamacadda Salaam, kuwaas oo door muuqda ka qaatay taageeridda iyo dhiirrigelinta ardayda.
Munaasabadda waxaa ardayda kula hadlay Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Salaam, Mudane Ahmed Abdi Yusuf Daacad, oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo imtixaanka shahaadiga ah, kuna dhiirrigeliyay inay hiigsadaan heerar sare oo waxbarasho iyo mustaqbal ifaya.
16/05/2026
Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Salaam, MD Ahmed Abdi Yusuf Daacad, ayaa ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen qaar kamid ah guddoomiyeyaasha ardayda jaamacadaha gobolka Banaadir, kaas oo ay soo qabanqaabisay Somali Digital Library.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo xoojinta cilmi-baarista, kobcinta akhriska iyo aqoonta, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa jawi dhiirrigeliya hal-abuurka iyo wax soo saarka aqooneed.
Sidoo kale, shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Somali Digital Library, Dr. Mohamed Moalim Abdirahman, oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalgelinta aqoonta, horumarinta cilmi-baarista, iyo doorka maktabadaha dijitaalka ah ee sare u qaadidda waxbarashada dalka.
15/05/2026
Dhaman ardayda jaamacada salaam oo uu ugu h**eeyo madaxweynaha midowga waxey Hambalyo qiimo badan u dirayaan dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo halyeeyadii Somali Youth League SYL ee horseeday xorriyadda, midnimada, iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
Dhalinyaradu waa rajada dalka, waana iftiinka mustaqbalka. Ha sii jirto waddaniyadda, isku duubnida, iyo horumarka Soomaaliyeed.
Guul iyo gobannimo Soomaaliyeed ❤️🇸🇴
09/04/2026
Golaha Fulinta ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda Salaam (SUSA) ayaa qabtay kulankoodii billaha ahaa, kaas oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Xukuumadda, Mudane Ahmed Abdi Yusuf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobbada muhiimka ah ee soo socda:
1. Qorshe-howleedka bisha Abril
2. Qabsoomidda tartanka SUSA CUP
3. Diyaarinta bandhigga sanadlaha ah ee “Students Skills Showcase and Award Ceremony”
Shirka ayaa ku soo dhammaaday jawi deggan oo miro-dhal ah, iyadoo xubnaha Golaha Fulinta loogu baaqay in ay dardargeliyaan fulinta go’aannadii lagu heshiiyay si loo xaqiijiyo guul iyo horumar muuqda.
DHAMMAAD
SUSA OFFICE