15/07/2026
15/7/2026
Qaar kamid ah ardayda Jaamacadda Salaam, oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Salaam, Mudane Ahmed Abdi Yusuf Daacad, ayaa maanta ka qeyb galay maalintii labaad ee Madasha 3-aad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF2026).
Madasha waxaa ka soo qeyb galay wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno, dhallinyaro, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo lagu falanqeeyay arrimo muhiim u ah horumarinta dalka iyo xoojinta wada-hadalka qaran.
Madasha ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray Madaxweynihii h**e ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sharif Sheikh Ahmed.