💥💯
Caalim Institute Of Language & Mathematics
Caalim guri cilmiyeed
winners don't need motivation, winners need discipline ✅
Aniga oo maalin iska socda wadada ayaa waxay si kadis ah indhaheyga u qabteen dukaan soo dhagsaday boor weyn, boorka waxaan ku qoran " Dukaanka wax walba haaye", gudaha ayaan u galay, meel gees ah ayaa waxaa ku qoran waxaan haynaa: been, run, geesinimo, bakhiilnimo, munaafaqnimo.....Iwm.
Waxaan ka iibsaday hal kiilo oo geesinimo ah waxaana ku liqay hal litar oo biyo ah.
Markii aan banaanka u soo baxay car yaaba ila hadla, nin dariskeena ahaa waan garaacay, islaantii waan ku qeyliyey waana iska tagtay, ciyaalkii waan budeeyey, habeenkii kaligeey ayaa gurigii seexday.
Subaxii xili danbe ayaan hurdada ka soo kacay, markii aan imid goobtii aan ka shaqeynayey waxaa iga hor yimid nin aan shaqo wadaag nahay waxuu igu yiri: maxaad u soo daahday maanta maamulihii ayaa ku raadinayee? Intaan feer kala daalay, dhagna aan goostay ayaan horey iskaga gudbay.
Waxaan galay xafiiskii maamulaha, xagee ku maqneyd maanta ayuu I yiri? Intaan horey ugu booday ayaan laad iyo feer kala daalay, mar danbe ayaa yaa allah yaa fanta la iiga qabtay, wax yar kadib shaqadii waa la iga buriyey.
Meel gooni ah ayaan iska fadhiistay, aniga ayaa isla hadlay, xaas ma leh, ilmo maleh, daris maleh, shaqo maleh maxaa kaa qaldan?
Dukaankii ayaan Dib ugu laabtay waxaan ku iri ninyahow hal kiilo oo munaafaqnimo ah isii? Meeshii ayaan biyo kula laqay.
Maalintii xigtay wax walba waaba ok, xaaskii iyo ilmihii waa ii soo laabteen, shaqo tii ka fiican ayaan helay dadkii oo dhan waaba ila dhacsan yihiin.
Dukaankii ayaan dib ugu laabtay, waxaan ku iri: munaafaqnimo maxaad ka haysaa? Waxuu igu yiri: dhowr jawaan, waan ka iibsaday, waan soo qaaday jawaanadii waxaana ku furay meel suuq ah, dadkii ugu horeeyey ee iga iibsaday hada waa xildhibaano barlamaanka ka tirsan, waxii maalintaas ka dambeeyey kaalay xaalka iska arag.
Sheekadaan waa khiyaali.
23/07/2022
29/06/2022
Halgan iyo dadaal iyo✅
Hoodo iyo nasiib wacan✅
Hanku yuu dib kuu dhigin❎
Yuusan hadafku kaa lumin❎
Himiladaada noloshiyo✅
Halkaad haaba leedahay✅
Dhab u hiigsa goolkaaga✅
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Mogadishu