15/06/2026
📚 Waxaan qeyb ka nahay tababar ay qabaneyso Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir.
TABABAR: A Step-by-Step Guide to Conducting Academic Research
Aqoonta la wadaago waa iftiin, cilmi-baaristuna waa jidka lagu gaaro xaqiiqooyinka iyo horumarka.
TABABAR: A Step-by-Step Guide to Conducting Academic Research
Ma tahay arday diyaarinaya Research, Thesis, ama Buugga Difaacashada? Mise waxaad rabtaa inaad barato habka saxda ah ee cilmi-baarista? Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir, oo kaashanaya Somali Digital Library, waxay idiin qabanayaan tababar muhiim ah oo uu soo jeedinayo Ustaad Daahir Mohamed Ahmed (Researcher & Lecturer, MED Uganda).
Tababarku wuxuu diiradda saari doonaa xulashada mowduuca cilmi-baarista, qorista proposal-ka, ururinta iyo falanqaynta xogta, qorista thesis-ka, iyo diyaarinta difaacashada. Waxaa si gaar ah uga faa’iidaysan doona ardayda semester 6 iyo wixii ka sarreeya, kuwa diyaarinaya buugga difaacashada, iyo dhammaan dadka xiisaynaya cilmi-baarista.
Maktabadda Dadweynaha Muqdisho
17-06-2026 | 3:40 PM
+252 613 272503
"Unlock Your Research Potential" – Dhammaan waa lagu soo dhaweynayaa.