Somali Digital Knowledge Center

Somali Digital Knowledge Center

Share

Somali Digital Knowledge Center is a hub for digital education and library services across Somalia.

23/07/2026

Waxaan hamblyo udireynaa Prof.Dr.Maxamuud Axmed Jimcaale oo loo magacaabay ( Guddoomiyaha Golaha Tacliinta Sare Ee Qaranka ) waxaan allh uwaydiineynaa inuu ufudeedeyo mas'uuliyadd loo igmaday.

01/07/2026

malin weyn oo tariikhda soomaaliyeed ku xusan
hambalyo 1da luulyo dhamaan ummadda soomaaliyeed

"Maanta waxaa ina saaran masuuliyadda inaan sii wadno dadaalkooda, annagoo ka shaqaynayna horumarinta dalkeenna iyo kobcinta aqoonta."

"Somali Digital Library (SOMDL) waxay qayb ka qaadaneysaa horumarka iyadoo bulshada Soomaaliyeed u fududeynaysa helitaanka aqoon iyo agab waxbarasho oo dijitaal ah."

"Aqoontu waa furaha mustaqbalka. Hanbalyo 1-da Luulyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed."

26/06/2026

Hambalyo 26-ka june dhamaan ummadda somaaliyeed

Maalin qiimo weyn u leh taariikhdeenna, kuna asteysan midnimo, gobannimo, iyo sharaf.

Allah ha dhowro Soomaaliya.

Photos from Somali Digital Knowledge Center's post 24/06/2026

Waxaa sharaf wayn ino eheed inaa ka qayb qaadanay xafladda caleema saarka Gudoomiye ‘’Amal Abdullahi Mohamed’’ oo shalay ka qabsoontay jamacadda caalamiga ee Daha

21/06/2026

Arbaco 17/062026 Waxaa si heer sare ah inoogu qabsoomay tababarkii cilmi-baarista ee cinwaankiisu ahaa “A Step-by-Step Guide to Conducting Academic Research”, kaas oo ay iska kaashadeen Somali Digital Knowledge Center iyo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir.

Tababarka waxaa si hufan u soo jeediyay Ustaad Daahir Mohamed Ahmed, isagoo ka qaybgalayaasha la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan habraacyada cilmi-baarista, qorista thesis-ka, iyo qaabka fudud ee references tayo leh looga heli karo websit_keena somdl.com.

Ugu dambeen: seminaarka ayaa jawi qurux badan kuso dhamaaday.

Photos from Somali Digital Knowledge Center's post 20/06/2026

Arbaco 17/06/2026 Waxaa si heer sare ah inoogu qabsoomay tababarkii cilmi-baarista ee cinwaankiisu ahaa “A Step-by-Step Guide to Conducting Academic Research”,

kaas oo ay iska kaashadeen Somali Digital Knowledge Center iyo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir.

Tababarka waxaa si hufan u soo jeediyay
Ustaad Daahir Mohamed Ahmed, isagoo ka qaybgalayaasha la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan habraacyada cilmi-baarista, qorista thesis-ka, iyo qaabka fudud ee references tayo leh looga heli karo websit_keena somdl.com.

Ugu dambeen: seminaarka ayaa jawi qurux badan kuso dhamaaday.

20/06/2026

📚 Aqoon Aan Xad Lahayn Gacantaada Ayey Ku Jirtaa!

Ka faa’iidayso dalabka gaarka ah ee Somali Digital Library

✅ Hel kumannaan buug, cilmi-baaris iyo qoraallo aqooneed
✅ Soo dejiso PDF-yo aan xad lahayn
✅ Baro wakhti kasta iyo meel kasta

💰 Personal Promo – Kaliya $3 muddo 2 bilood ah!

🌐 Booqo: https://somdl.com/

Photos from Somali Digital Knowledge Center's post 18/06/2026

Talaado 16/06/2026 Waxaa si guul ah usoo dhamaaday seminaar ay si wada jir ah usoo qabanqaabiyeen Somali Digital Knowledge Center iyo Somali Medical Students Association - SOMSA

Agaasimaha xarunta Somali Digital Knowledge Center, Mudane Omar Abdullahi Mohamed, ayaa ardayda ku dhiirrigeliyey inay xooga saaraan cilmi-baarista iyo kobcinta aqoontooda, isaga oo tilmaamay in cilmi-baaristu tahay saldhigga horumarka iyo hal-abuurka ummad kasta.

Sidoo kale, Mudanuhu wuxuu ka warbixiyey horumarka iyo tayada waxbarasho ee dalka ka jirta, isaga oo la wadaagay ka qaybgalayaasha doorka muuqda ee Somali Digital Library ka qaadatay kor u qaadista helitaanka aqoonta, kobcinta dhaqanka akhriska, iyo taageeridda horumarka waxbarashada Soomaaliyeed.

15/06/2026

📚 Waxaan qeyb ka nahay tababar ay qabaneyso Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir.

TABABAR: A Step-by-Step Guide to Conducting Academic Research

Aqoonta la wadaago waa iftiin, cilmi-baaristuna waa jidka lagu gaaro xaqiiqooyinka iyo horumarka.

TABABAR: A Step-by-Step Guide to Conducting Academic Research

Ma tahay arday diyaarinaya Research, Thesis, ama Buugga Difaacashada? Mise waxaad rabtaa inaad barato habka saxda ah ee cilmi-baarista? Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir, oo kaashanaya Somali Digital Library, waxay idiin qabanayaan tababar muhiim ah oo uu soo jeedinayo Ustaad Daahir Mohamed Ahmed (Researcher & Lecturer, MED Uganda).

Tababarku wuxuu diiradda saari doonaa xulashada mowduuca cilmi-baarista, qorista proposal-ka, ururinta iyo falanqaynta xogta, qorista thesis-ka, iyo diyaarinta difaacashada. Waxaa si gaar ah uga faa’iidaysan doona ardayda semester 6 iyo wixii ka sarreeya, kuwa diyaarinaya buugga difaacashada, iyo dhammaan dadka xiisaynaya cilmi-baarista.

Maktabadda Dadweynaha Muqdisho
17-06-2026 | 3:40 PM
+252 613 272503

"Unlock Your Research Potential" – Dhammaan waa lagu soo dhaweynayaa.

Photos from Somali Medical Students Association - SOMSA's post 13/06/2026

🎗️ SEMINAR: Cancer Diagnosis in Somalia – From Challenges to Solutions

Somali Medical Students Association (SOMSA) iyo Somali Digital Library waxay idinku martiqaadayaan seminar muhiim ah oo diiradda lagu saarayo caqabadaha iyo xalalka ogaanshaha kansarka ee Soomaaliya.

🩺 Topic:
Cancer Diagnosis in Somalia: From Challenges to Solutions—Clinical Perspectives and Case Studies on Esophageal Cancer

🎤 Speakers:
Dr. Sagal Omar Salad
Pathologist at Sagal Pathology Center.
Dr Kassim Hagi Hussain, MPH EPIDEMIOLOGY, MD Pathology.
Head of the pathology department, Nova Diagnostic and Research Center
📍 Location: Nova Hall
📅 Date: 16 June 2026
⏰ Time: 4:00 PM

Seminarkani wuxuu bixin doonaa faham qoto dheer oo ku saabsan ogaanshaha kansarka hunguriga (Esophageal Cancer), caqabadaha jira, iyo xalalka lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka ee dalka.

Fursad gaar ah oo loogu talagalay ardayda caafimaadka, dhakhaatiirta, xirfadlayaasha caafimaadka, iyo dhammaan dadka danaynaya cilmi-baarista iyo horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

📌 Ha moogaan fursaddan aqooneed ee qiimaha badan!

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address

Km 3
Mogadishu