22/11/2025
HAMBALYO 21 NOVEMBER – BADRUL-CULUUM SCHOOL
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan ardayda Badrul-Culuum School waxay maanta si wadajir ah u xusayaan 21-ka November, maalin xusuus leh oo muujinaysa horumar, midnimo iyo dadaalka joogtada ah ee dugsigu u hayo dhisidda mustaqbalka ardayda.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa:
Macallimiinta dadaalkooda iyo hagistooda hagar la’aanta ah.
Ardayda oo muujiyay karti, akhlaaq iyo dhiirigelin waxbarasho.
Waalidiinta oo kaalin weyn ka qaata taageerada waxbarashada.
Maalintan gaarka ah waxay noo xambaarsan tahay farxad iyo dhiirigelin, waxayna dhiirri gelinaysaa in aan sii xoojino tayada waxbarashada, anshaxa iyo mideynta bulshada Badrul-Culuum.
Hambalyo maalinta 21-ka November!
Badrul-Culuum School – Aqoon, Anshax & Horumar.