19/06/2026
𝐈𝐌𝐓𝐈𝐗𝐀𝐀𝐍𝐊𝐈𝐈 𝐅𝐀𝐒𝐀𝐋𝐊𝐀 𝟏𝟐𝐚𝐚𝐝 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐔𝐅𝐂𝐀𝐃𝐈𝐈 𝟔𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝(𝐄𝐱-𝐖𝐚𝐛𝐞𝐫𝐢)
Date:19/06/2026 Jimco
Xarunta 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝(𝐄𝐱-𝐖𝐚𝐛𝐞𝐫𝐢) waxaa Maalinta Barri ah(Tr: 20/06/2026 Sabti) Ka furmi Doono imtixaankii Qaran ee 𝐅𝐀𝐒𝐀𝐋𝐊𝐀 𝟏𝟐𝐚𝐚𝐝 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔. Allah SWT Waxaan U weydiinayaa dhamaan ardayda U fadhiisaneyso Ee Soomaaliyeed iney Guuleystaan oo eey Helaan Natiijo wanaagsan.
𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝(𝐄𝐱-𝐖𝐚𝐛𝐞𝐫𝐢) Waxaa u fadhiisan doonto 𝐃𝐔𝐅𝐂𝐀𝐃𝐈𝐈 𝟔𝐚𝐚𝐝 Arday gaareyso 42 Oo isugu Jiro(Wiilal: 30 Gabdho:12) oo muddo dheer Qaarkood Dugsiga wax ka baranayay. ALLAH SWT waxaan u weydiineynaa inuu guuleeyo,oo Mirihii Waqtiga dheeraa eey sugayeen eey Gurtaan.
....................................................................................
Waxaan kusoo Gabagabeynayaa Hadalkeyga;
👇🏼
وَمَا تَوْفِيقِي إِلَّا بِاللَّهِ ۚ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيبُ
اللهُمَّ لا سَهْلَ إلا مَا جَعَلتَهُ سَهْلا وَ أنتَ تَجْعَلُ الحزْنَ إذا شِئْتَ
سَهْلا
Alllah Swt Ha u sahlo Asagaa Sahlo waxkastee🤲🏼
18/06/2026
𝐖𝐚𝐫-𝐆𝐚𝐥𝐢n 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡
(𝗠𝗮𝗮𝗹𝗺𝗼 𝗙𝗮𝘀𝗮𝘅 𝗮𝗵)
Waxaa lagu wargalinayaa Dhamaan Macalimiinta,Ardayda Iyo Waalidiinta Dugsiga 𝙎𝙝𝙚𝙞𝙠𝙝 𝙈𝙤𝙝𝙖𝙢𝙪𝙙 𝙈. 𝙉𝙤𝙤𝙧(𝙀𝙭 𝙒𝙖𝙗𝙚𝙧𝙞) in Dugsiga 1 Asbuuc oo fasax dheeri ah lagu daray.(20-25/6/2026).
𝗦𝗮𝗯𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗙𝗮𝘀𝗮𝘅𝗮:Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa u Asteeysay inuu noqda Xarunta Imtixaaanka Fasalka 12aad 2025-2026 Ee Degmada Beletxaawo.
Haduu Allah SWT Ogolaado waxaanu isku-soo Noqon Doonaa 27𝙙𝙖-𝙅𝙪𝙪𝙣- 2026 𝙎𝙖𝙗𝙩𝙞.
𝙎𝙤𝙧𝙧𝙮 𝙛𝙤𝙧 𝙖𝙣𝙮 𝙞𝙣𝙘𝙤𝙣𝙫𝙚𝙣𝙞𝙚𝙣𝙘𝙚𝙨 🙏
10/06/2026
𝗫𝗔𝗙𝗟𝗔𝗗 𝗦𝗔𝗚𝗢𝗢𝗧𝗜𝗡(𝗳𝗮𝗿𝗲𝘄𝗲𝗹𝗹 𝗽𝗮𝗿𝘁𝘆) 𝗟𝗢𝗢 𝗤𝗔𝗕𝗧𝗔𝗬 𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗞𝗔 𝟭𝟮𝗮𝗮𝗱 𝗘𝗲 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝗦𝗵𝗲𝗶𝗸𝗵 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝘂𝗱 𝗠. 𝗡𝗼𝗼𝗿(𝗘𝘅-𝗪𝗮𝗯𝗲𝗿𝗶) sanad Dugsiyeedka 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔
Assalamualaikum Warahmatullahi Wabarakatuh
اَلسَلامُ عَلَيْكُم وَرَحْمَةُ اَللهِ وَبَرَكاتُه)
: بِسْمِ ٱللَّٰهِ ٱلرَّحْمَٰنِٱلرَّحِيمِ. .
Maanta oo Tariiqdu tahay(10-06-2025 𝘼𝙧𝙗𝙖𝙘𝙤) waxaa Dugsiga Sare Sheikh Mohamud M. Noor Primary and Secondary school nooga Qabsoomtay 𝗫𝗔𝗙𝗟𝗔𝗗 𝗦𝗔𝗚𝗢𝗢𝗧𝗜𝗡(𝗳𝗮𝗿𝗲𝘄𝗲𝗹𝗹 𝗽𝗮𝗿𝘁𝘆) 𝗟𝗢𝗢 𝗤𝗔𝗕𝗧𝗔𝗬 𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗞𝗔 𝟭𝟮𝗮𝗮𝗱 𝗘𝗲 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝗦𝗵𝗲𝗶𝗸𝗵 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝘂𝗱 𝗠. 𝗡𝗼𝗼𝗿(𝗘𝘅-𝗪𝗮𝗯𝗲𝗿𝗶) sanad Dugsiyeedka 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔.
Xafladdan oo aheyd mid si wanaagsan Ardayda Usoo Agaasimeen ayaaa waxaa ka soo Qayb-Galay Marti Sharaf kala Duwan sida; 𝘚𝘩𝘪𝘳𝘬𝘢𝘥𝘥𝘢 𝘏𝘰𝘳𝘮𝘶𝘶𝘥, 𝘞𝘢𝘢𝘭𝘪𝘥𝘪𝘪𝘯, 𝘚𝘩𝘢𝘲𝘢𝘢𝘭𝘦, 𝘊𝘶𝘭𝘶𝘮𝘰 𝘪𝘺𝘰 𝘋𝘢𝘥 𝘮𝘢𝘲𝘢𝘢𝘮 𝘬𝘶𝘭𝘦𝘩 𝘋𝘦𝘦𝘨𝘢𝘢𝘯𝘬𝘢 𝘉𝘦𝘭𝘦𝘵𝘹𝘢𝘸𝘰.
Qaybtii h**e ee Xafladda waxaa Daadihinayay Ardayda Ayagoo soo bandhiga 𝗞𝗵𝘂𝘁𝗯𝗮𝗱𝗼(𝗲𝗻𝗴𝗹𝗶𝘀𝗵 & 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶), 𝗚𝗮𝗯𝗮𝘆𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗾𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 oo si fican loogu gudbinayay muhiimadda eey laheyd xafladdii maanta.
Kadibna waxaa lagu wareejiyay marti-Sharaftii kasoo Qayb-gashay oo ayaguna Si wanaagsan u dhiiragaliyay ardayda lana dardaarmay madama Imtixaankoodii uu dhaw yahay. 𝗞𝗵𝘂𝘁𝗯𝗮𝗱aha waxay kaloo Taabanayeen muhiimadda eey leedhaya In Waxbarashada La sii wado ilaa Heerka ugu wanaagsan qofku gaaro oo aan Dugsiga Sare Lagu Hakkin.
Waxaa Sidoo kale Hadyaddo goobta lagu gudoonsiiyay Macalimiinta Dugsiga H/dhexe Iyo sare dhamaantood oo loo muujiyay Abaal-celin iyo mahadnaq gooni ah madama eey Qayb ka Qaateen sooyaalka waxbarasho ee ardayda Sanadkan iyo kuwa kalaba. Marti- Sharaftii noo timid sidoo kale waxaay si gooni gooni ah hadyado ogu keenaan Ardayda qaarkoood oo isla goobta lagu gudoonsiiyay.
𝑀𝒶𝒽𝒶𝒹𝒸𝑒𝓁𝒾𝓃:
Waxaan si 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝘂𝗴 𝗹𝗲𝗵 ogu mahadcelineynaa Shirkadda 𝕳𝖔𝖗𝖒𝖚𝖚𝖉 𝕿𝖊𝖑𝖐𝖔𝖒 si qaas ah Qeybta 𝗜𝗜𝗕𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝘂𝘂𝗾𝗴𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 ee Degmada Beletxawo oo maanta Ardayda qaarkood dhiiragalin u sameeysay, 𝕳𝖔𝖗𝖒𝖚𝖚𝖉 𝕿𝖊𝖑𝖐𝖔𝖒 waad mahadsantihiin🙏.
𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐮𝐝: waxaa ugu danbeyn maamulka ayaguna si sharaf iyo milgo leh loo gudoonsiiyay hadyaddo qaali ah Oo runtii farxad gooni ah galisay. Waxaana 𝗫𝗔𝗙𝗟𝗔𝗗 𝗦𝗔𝗚𝗢𝗢𝗧𝗜𝗡(𝗳𝗮𝗿𝗲𝘄𝗲𝗹𝗹 𝗽𝗮𝗿𝘁𝘆) 𝗟𝗢𝗢 𝗤𝗔𝗕𝗧𝗔𝗬 𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗞𝗔 𝟭𝟮𝗮𝗮𝗱 𝗘𝗲 𝗗𝘂𝗴𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝗦𝗵𝗲𝗶𝗸𝗵 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝘂𝗱 𝗠. 𝗡𝗼𝗼𝗿(𝗘𝘅-𝗪𝗮𝗯𝗲𝗿𝗶) sanad Dugsiyeedka 𝟮𝟬𝟮5-𝟮𝟬𝟮6 soo xiray Maamulaha dugsiga oo la dardaarmay ardayda in Magaca Dugsiga kor u qaadaan oo kaalin fican usoo hooyaaan sanad dugsiyeedkan 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔.
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Waxaa xafladii lagu soo gabagabeeyay Duco guud oo noogu duceeyay Sheikhena 𝙎𝙝𝙚𝙞𝙠𝙝 𝘼𝙙𝙖𝙣 𝙤𝙢𝙖𝙧 𝘼𝙙𝙖𝙣
𝓕𝓲𝓲𝓻𝓸 𝓰𝓪𝓪𝓻 𝓪𝓱!
Sanad-Dugsiyeedkan 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔 waxaa 𝓭𝓾𝓯𝓬𝓪𝓭𝓲𝓲 6𝓪𝓪𝓭 ka baxeyso ardayd gaareyso ilaa 42 arday. (12 gabdhood iyo 30 wiil ah).
Allah SWT waxaan oga baryeynaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee imtixaanka u fadhiisan doono Tr: 20/6/2025 sabtiga inuu ku guuleyo qaasatan ardaydeena waxaan u rajeynayaa guul iyo kaalin wanagsan in eey Deegaankooda usoo hooyaan. Amiiin!! amiin!! amiin!!
وَإِن يُرِيدُوٓاْ أَن يَخۡدَعُوكَ فَإِنَّ حَسۡبَكَ ٱللَّهُۚ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَيَّدَكَ بِنَصۡرِهِۦ وَبِٱلۡمُؤۡمِنِينَ
𝓓𝓱𝓪𝓶𝓪𝓪𝓭
09/06/2026
FORM FOUR 𝐅𝐀𝐑𝐄𝐖𝐄𝐋𝐋 𝐏𝐀𝐑𝐓𝐘
Xafladda Sagootinta F12aad 2025-2026
𝐂𝐥𝐚𝐬𝐬 𝐨𝐟 𝟐𝟎𝟐5/𝟐𝟎𝟐6
𝐖𝐞𝐝𝐞𝐧𝐞𝐬𝐝𝐚𝐲: 10𝐭𝐡 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐6
𝐕𝐞𝐧𝐮𝐞: 𝐒𝐞𝐜𝐨𝐧𝐝𝐚𝐫𝐲 𝐀𝐬𝐬𝐞𝐦𝐛𝐥𝐲
𝐓𝐢𝐦𝐞: 𝟖:𝟎𝟎 𝐚𝐦-𝟏𝟎:𝟎𝟎 𝐚𝐦
Dear 𝙁𝙤𝙧𝙢 𝙛𝙤𝙪𝙧s(4s)
Don't dismayed at goodbyes. A farewell is necessary before you can meet again. And meeting again, after moments or lifetimes, is certain for those who are friends.”
Xasuusin: waxaan soo wada joognay waqti isugu jiro waqtiyo adag iyo kuwa fudud lakiin Barri beynu ismacsalameyn doonnaa inshlh, Waxaanu ahaan doonaa kuwa Qalbiyada iskuhayo oo is xasuusto.
Waxaa kaliye hadda Idin rajeyneyno waa Guul iyo Horumar dhamaantiiin.
𝐆𝐨𝐨𝐝𝐛𝐲𝐞.🌈™
25/05/2026
𝐅𝐚𝐬𝐚𝐥𝐤𝐚 𝟕𝐚𝐚𝐝 𝐎𝐨 𝐤𝐮 𝐆𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐭𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧-𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟔 𝐞𝐞 𝐭𝐞𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝.
𝘏𝘢𝘮𝘣𝘢𝘭𝘺𝘰!! 𝘏𝘢𝘮𝘣𝘢𝘭𝘺𝘰!💐 𝘏𝘢𝘮𝘣𝘢𝘭𝘺𝘰!! 𝐅𝐚𝐬𝐚𝐥𝐤𝐚 𝟕𝐚𝐚𝐝 oo noqday 𝐆𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐭𝐚ha 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧-𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟔 𝐞𝐞 𝐭𝐞𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝.
𝕽𝖚𝖓𝖓𝖊𝖗𝖘 𝖚𝖕: 𝖋𝖆𝖘𝖆𝖑𝖐𝖆 8𝖆𝖆𝖉 waad dadaaasheen oo Hal dhibic kaliye baad laidinkaga Guuleystay(33/32) marka adinkuna 𝘏𝘢𝘮𝘣𝘢𝘭𝘺𝘰!💐 dadaalka aad soo muujiseen intuu socday 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧-𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤an.
Waxaan u mahadcelinayaa 𝕲𝖚𝖉𝖉𝖎𝖌𝖎𝖎𝖎 tartanka noo daadihinayay muddada dheer iyo dhamaan Howl-wadeenadii xagga farsamada Tartanka 𝕎𝕒𝕒𝕕 𝕞𝕒𝕙𝕒𝕕𝕤𝕒𝕟𝕥𝕚𝕙𝕚𝕚𝕟 🙏 intaa kadib; Xafladda Abaalmarinta 𝐆𝐮𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬𝐭𝐚ha 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧-𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟔 𝐞𝐞 𝐭𝐞𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 waxay Dhici doontaa 𝗔𝗿𝗯𝗮𝗰𝗼 𝟭𝟬/𝟲/𝟮𝟬𝟮𝟱 (𝗦𝘂𝗯𝗮𝘅𝗻𝗶𝗺𝗼) Haduu Allah SWT ogolaado.
𝕱𝖎𝖎𝖗𝖔 𝖌𝖆𝖆𝖗 𝖆𝖍: Ma suurta galin in la helo Qof si sax ah u saadaaliyo 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧-𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 saaka qabsoomay sidaas darteed waxaanu shaacineynaa in lacagtiii 20$ aheyd wali eey jeebkeena baaqi ku tahay😝. Waanu ka xunnahay inaad naga qaadan weydaan.
𝗡𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗦𝗮𝗮𝗸𝗮: 𝗦𝘁𝗱 𝟳(𝟯𝟯/𝟰𝟬)
𝗦𝘁𝗱 𝟴(𝟯𝟮/𝟰𝟬)
𝓤𝓰𝓾 𝓓𝓪𝓷𝓫𝓮𝔂𝓷:waxaan Raali galin ka bixineynaa waxkasto oo naga qaldamay inuu tartanka socday iyo Dadweynaha oo mararka qaarkood aanu xogtii la rabay kala daahno ama aanu la wadaagin. Waxaanu xooga saari doonnaa inaanu intaan kasii wanagsanaano, wixii dhacayna aanu saxno Insha Allah.
.......Mahadsanidiiin.....
24/05/2026
𝐊𝐚𝐦𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐛𝐞𝐲𝐬(final day) 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐭𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔(𝘿𝙪𝙜𝙨𝙞𝙜𝙖 𝘿𝙝𝙚𝙭𝙚)
𝚃𝚛: 𝟸4/𝟻/𝟸𝟶𝟸6
Maalinta Bari ah(𝟸5/𝟻/𝟸𝟶𝟸𝟻) waxaa noo qabsoomi doono ciyaartiii/ 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 ugu danbeyay (𝐟𝐢𝐧𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐭𝐜𝐡) 𝐭𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔 ee 𝒌𝒂𝒔𝒐𝒄𝒅𝒂𝒚 𝑫𝒖𝒈𝒔𝒊𝒈𝒂 𝑺𝒉𝒆𝒊𝒌𝒉 𝑴𝒐𝒉𝒂𝒎𝒖𝒅(Ex-Waberi).
𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧-𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤a kama-danbeyska ah(𝐟𝐢𝐧𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐭𝐜𝐡) waxaa isugu yimid labada koox/fasall ee kala ah:
𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 7aad v/s 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟴𝗮𝗮𝗱
Isaraggii h**e waxaa soo badiyay fasalka 7aad(33/40)
Lakiin labadoodaba waxay kasoo gudbeyn isreeb-reebkii fasallada oo markale bey is-arki doonaan maalinta bari Ah. Waxay kusoo baxeen 96 dhibcood kiiba labada fasall. Yaa Ciyaarta barri ah Guuleysan doono oo noqon doono Guuleystaha 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐭𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 𝟐𝟎𝟐𝟓/𝟐𝟎𝟐𝟔 ee 𝘿𝙪𝙜𝙨𝙞𝙜𝙖 𝘿𝙝𝙚𝙭𝙚)
Saaxiibada pageka kuxiran waxaan ogu talagalnay abaalmarin yar lkn qof dhalinyaro ah kufilan ee ka faaideyso hadad tahay qof nasiib wacan. Tijaabi nasiibkaga oo kuguleyso qidmadda hoos kuqoran.
𝗦𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹𝗶 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗲𝘆𝘀𝗼 𝟐𝟎$
(𝗣𝗿𝗲𝗱𝗶𝗰𝘁 𝗮𝗻𝗱 𝘄𝗶𝗻 𝟐𝟎$)
𝙎𝙝𝙖𝙧𝙪𝙪𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙌𝙤𝙛𝙠𝙖 𝙎𝙖𝙙𝙖𝙖𝙡𝙞yaha ah:
Si aad u guuleystao waa in 3 qodob lagaa helaaa!!
𝟏. 𝐅𝐚𝐫𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐝 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞 𝐝𝐡𝐚𝐡𝐝𝐨.
𝟐. 𝐏𝐚𝐠𝐞𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐨𝐥𝐥𝐨𝐰 𝐤𝐮 𝐚𝐡
𝐈𝐲𝐨
𝟑. 𝐒𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐫 𝐚𝐡.
Guuleystaha intaas un baan ka fiirineynAa haduu si sax ah u sadaaliyo.
𝓕𝓲𝓲𝓻𝓸 𝓰𝓪𝓪𝓻 𝓪𝓱!!
Waxaan si fican u fiirin doonaa in sharuudaha sadaalinta la buuxiyo qofkii hal sharuud buuxin waayo oo guuleystay waxaan ku badali doonaa qofka kuxiga ee sharuudaha dhamaan buuuxiyay.
17/05/2026
𝗣𝗥𝗘𝗦𝗘𝗡𝗧𝗔𝗧𝗜𝗢𝗡 𝗢𝗡 𝗪𝗘𝗕 𝗗𝗘𝗩𝗘𝗟𝗢𝗣𝗠𝗘𝗡𝗧
(𝘽𝙖𝙣𝙙𝙝𝙞𝙜𝙜𝙖 𝙎𝙞𝙙𝙖 𝙡𝙤𝙤 𝘼𝙗𝙪𝙪𝙧𝙤 𝙒𝙚𝙗𝙨𝙞𝙩𝙚)
Maalinta Barri Ah(Isniin 18/5/2026) waxaa Hallka Shirarka ee Dugsiga Sare Waxay ardayda Dugsiga dhigato Qaarkood kusoo bandhiga Doonaan Habka iyo Qaabka loo abuuro Website(Mareeg) dhameystiran oo ah qayb kamid ah cilmiga Teknoloojiyada ee Lagu Barto Dugsiga Sare.
Maadada Teknoloojiyada Waa qayb kamid ah maadooyinka ka baxo dugsiga ee lagu dhiso Xirfadda ardayga si uu ola jaanqaado Dunida Hadda la joogo ee Casriga ah(The Digital world 🌍).
Sidoo Kale tusaale ahaan waxaa Dugsiga loo Abuuri doonaa labo Mareeg Rasmi ah(Website) oo kala duwan oo ardayda eey ku tusaaleyn doonaan Qaabka ugu wanaagsan ee loo abuuro Website cusub.
Arintaan waxaay dhiiragalin u tahay xirfadda suuqa ee Hadda jirto taas u fududeyneyso ardayga inuu Wax qabsan karo asagoo waxbarashadiisa sii watto.
................................
"𝗫𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗶𝗴𝗶𝘁𝗮𝗹𝗸𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝘀𝘂𝘂𝗾𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝗗𝘂𝗻𝗶𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮.
𝕱𝖎𝖎𝖗𝖔 𝕲𝖆𝖆𝖗 𝖆𝖍!! Waxaa kale oo aan barri shaacin doonaa natiijadii Billaha aheyd ee Imtixaankii April 2026 ee Fasalka 12aad Ee Dugsiga Sare.
𝗥𝗲𝘀𝘂𝗹𝘁𝘀 𝗮𝗻𝗻𝗼𝘂𝗻𝗰𝗲𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗼𝗻 𝗠𝗮𝘆 𝗲𝘅𝗮𝗺 .𝟮𝟬𝟮𝟱-𝟮𝟬𝟮𝟲(𝗙𝗼𝗿𝗺 𝗙𝗼𝘂𝗿)
"Allah SWT Nabad hanagu Gaarsiiyo🤲🏼
12/05/2026
𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟔
𝐖𝐀𝐑𝐄𝐄𝐆𝐈𝐈 𝟏𝐚𝐚𝐝
𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 5aad
Talaado: 13th,May 𝟐𝟎𝟐𝟔
Maalinta Barri ah(Arbaco: 13ka Maajo 𝟐𝟎𝟐𝟔) waxaa noo sii socon doono 𝐖𝐀𝐑𝐄𝐄𝐆𝐈𝐈 𝟏𝐚𝐚𝐝,𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 5aad 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐞𝐫𝐚𝐦𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟔 oo eey kutartami Doonaan fasallada Dugsiga 𝗛/𝗗𝗵𝗲𝘅𝗲 ee Sheikh Mohamud(Waberi).
Waxaa is-arki doono labada fasall ee kala ah 𝗦𝘁𝗱 𝟴 iyo std 5 oo koox/fasallkasto uu doonaayo inuu ka gudbi wareegaan? Waa Tartan adag oo kii soo baxo uu horay usii socon doono haduu Allah SWT yiraahdo.
𝙐𝙟𝙚𝙚𝙙𝙠𝙖 𝙏𝙖𝙧𝙩𝙖𝙣 𝘼𝙦𝙤𝙤𝙣𝙚𝙚𝙙𝙠𝙖:(1)waa kobcinta Iyo Dhisidda arday U diyaarsan inuu muujiyo karti iyo Aqoon (2) Isdhexgal, Kala faideyso iyo Dhiiragalin ardayga kamuuqashada fagaaraha hadalka.
𝙃𝙖𝙡 𝙠𝙪𝙙𝙝𝙞𝙜𝙖 𝙏𝙖𝙧𝙩𝙖𝙣𝙠𝙖:"Kobcin iyo Kal-kaal Aqoon"
Waa inoo Bari iyo Tartan adag💪🏿
𝗦𝘁𝗱 𝟴 𝘃/𝘀 𝗦𝘁𝗱 5
𝙔𝙖𝙖𝙙 𝙩𝙖𝙖𝙜𝙚𝙚𝙧𝙨𝙖𝙣𝙩𝙖𝙝𝙖𝙮??
~~~~~~~~~~~~~~~~
05/05/2026
𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢-𝐆𝐚𝐥𝐢𝐧:
𝐓𝐮𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐬𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐬𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐫𝐚𝐚?
Haduu Allah SWT yiraahdo waxaa Bari(6th May 2026) Hallka Dugsiga Sare noogu qabsoomi Doono Barnaamij Gaar ah oo ardaydu dhexdooda soo jeedin doonaan. Waxaa barnaamijka oo wacyi-galin ah noo soo jeedin doono arday Fasalka 10aad ah(𝗔𝗯𝗮𝗮𝘀 𝗛𝗮𝘀𝘀𝗮𝗻 𝗢𝘀𝗺𝗮𝗻) oo ah arday firfircoon.
Ujeedku waa in ardayga loo diyaariyo Fagaare ka hadalka iyo Tabinta Wanaagsan.
Waxaa sidoo kale Qayb ka ah barnaamijka macalimiinta Qaarkood oo la fududeyn doono.
Fadlan Aan ka faaideysanno✅
02/05/2026
𝗡𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗠𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗘𝗲 𝗧𝗮𝗿𝘁𝗮𝗻 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗧𝗲𝗲𝗿𝗮𝗺𝗸𝗮 𝟮𝗮𝗮𝗱 𝟮𝟬𝟮𝟱-𝟮𝟬𝟮𝟲
Tr:02/05/2026 (Sabti)
Saaka Subaxnimadii H**e waxaa Ka qabsoomay Barxadda Dugsiga(Assembly) 𝗧𝗮𝗿𝘁𝗮𝗻 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗧𝗲𝗲𝗿𝗮𝗺𝗸𝗮 𝟮𝗮𝗮𝗱 𝟮𝟬𝟮𝟱-𝟮𝟬𝟮𝟲 Wareegii 1aad,Qeybtiisa 4aad ,labada fasall ee kala ah Fasalka 5aad iyo Fasalka 7aad ee Dugsiga Dhexe. Natiijada Rasmiga ahna waxay noqotay sidan;
𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗹𝗸𝗮 7𝗮𝗮𝗱:30 𝗱𝗵𝗶𝗯𝗰𝗼𝗼𝗱/40
𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 5𝗮𝗮𝗱:25 𝗱𝗵𝗶𝗯𝗰𝗼𝗼𝗱/40
Ardaydu waxaa la weydiiyay 4 sual maado kasto, natiijada guudna waxaa la rabay 40 dhibcood( 5 maado min 8dhibcood) waxaana suurta gashay in Guushu raacdo si Eeysan kudhibtoon 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗹𝗸𝗮 7𝗮𝗮d.
𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗹𝗸𝗮 7𝗮𝗮d waa is aragaii 2aad oo eey badiyaan halka Fasalka 5aad eey tahay markii 2aad oo eey guul darreystaan taasna uma fiicna ayaga.
𝗧𝗮𝗿𝘁𝗮𝗻 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 wuxuu sii noqonayaa mid adag fasallada qaaar guul bey usii dhawanayaan
Kuwana tartanka iney isaga haraan. 💐🏆
Isha👀 ku-haay waqtiga xiga.......
*FG* Waxaan ka cudur daaraneynaa tartankan inaanu shaacin inuu dhacayo sababo farsamo owgeed marka raali ahaada inshlh.