19/01/2026
Bahda iskuulka oo isku duuban waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ustad Eng Cabdi Idirs Cumar oo loo magacaabay Hormuudka Kuliyada waxbarashada ee jaamacada Almas.
waxaan ku leenahay Allah ha kuu fududeeyo masuuliyada culus ee laguu igmaday i.a
23/12/2025
waxaan hambalyo leenahay ardayadeena Yasmin Xasan iyo seygeeda oo meherkooda ka dhacay magaalada muqdisho.
yasmiin waxa ay ka mid aheyd ardada dufcadii 2aad ee dugsiga Rajo.
13/12/2025
maanta waxaa inoo bilowday imtixaanka bilaha 1aad.
dhamaan ardada waxaan u rajeyneynaa natiijo wanaagsan i.a
09/12/2025
waa sawirada Tartan kooban oo dhexmaray ardada F4 ee dugsiga.
29/10/2025
waxaa si habsami leh u socda daraasaadka maadooyinka scientificga.
wali isdiiwaan gelinta waaa ay socotaa naga soo wac.
0618541891 ama 0612635669 ama 0618998163
30/09/2025
Bishaaro Bishaaro Bishaaro
waxaan bulshada ku nool magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda ugu bishaareyneynaa in iskuulka Rajo oo aad horey uga barateen waxbarasho tayeysan uu bilaabi doono koorsooyin cusub oo maadada physics ah (heerarka sare) maalmaha jimcaha iyo qamiista)
waxaana bixin doona Eng Cabdi Idirs Cumar oo batch iyo masterba ka wata maadada mudooyin badanah soo dhigayey.
wixii faahfaahin ah kala xiriir 0618998163
19/09/2025
Waxaan hambalyo leenahay
Mohamed Ibrahim Adan Dhayow
oo ay usoo idlaatay waxbarashada heerka 1aad ee jaamacada.
mohamed waxa uu ka mid ahaa ardadii dufcadii 2aad ee iskuulka ka aflaxday, waxaana kuu rajeyneynaa horumar balaaran i.a