25/03/2023
Qiimeynta qataraha ka dhasha fatahaadda waxa ay ka caawisaa bulshadu in ay ogaadaan faham dheeri ahna u yeeshaan saamaynta taagan iyo tan mustaqbal ee ka dhalan kara musiibadaas.
"Sophisticated flood modelling." Waa hab casri ah oo ku salaysan hydrodynamics analysis sheegaya xogta roobabka da' itaalkooda , marinada biyaha ,marmarka qaarna waxaaba lagu ogaada xogta dhulka hoose la xiriirta ee geo-hydrological ah. Nidaamkaas waxaa aad looga adeegsada magaalada New York .
24/03/2023
Baardheere musiibadii weyneed ee fatahaadda ayaa xalay si xoogan ugu dhufatay weliba xadigii ugu darnaa.
Ilaahay ha u gargaaro bulshada halkaas ku nool waxa ay u baahanyihiin gargaar degdeg ah oo loo fidiya.
15/03/2023
Ceelalbiyoodyada soomaaliya ku yaal waa kuwa aad muhiim ugu ah nolosha dadka weliba gaar ahaan gobolada aanan lahayn wabiyada. Balse Xogtaan ay FAO soo saartay ayaa ah mid dhalineysa walwal iyo walaac hor leh iyo abaaro is daba jooga oo aan hakad lahayn kuwaa oo saamayn daranna ku yeelan kara nolol maalmeedka iyo dhaqandhaqalaha bulshada xoolo dhaqatada u badan!
26/02/2023
KAP(Knowledge, Attitude and Practice) ay IOM sameysay 2012-2013 waxa ay ku ogaadeen tayada biyaha soomaaliya in ay aad u hooseeyaan waxa ayna soo saareen warbixino fajac leh , hoostana waxa ay ka xariiqeen qataraha ugu badan ee laga dhaxla nadiif la'aanta biyaha soomaaliya.
Qatarahaas waxaa kamid ah maadada flourideska oo aad ugu badan biyaha qaarkooda. Badanaa xitaa soomaalida maadaaan wax ay ku sababtaa in ilkahooda ay yeeshaan wax loo yaqaan ilko dabar.
23/02/2023
"Biyaha iyo dhulka waa ilaha ugu muhiimsan ay ku tiirsanyihiin dhaqaalaha iyo hab nololeedka dadka soomaaliyeed. Ilahani waa kuwa beylah u ah musiibooyinka dabiiciga ah iyo doorsoonka cimilada. Si loo kordhiyo helitaanka biyaha waa in sidoo kalena la hormariyo kaabayashaasha dhaqaale weliba loo maraa hab waari kara iyada oo lagu saleynaya qorshayaal iyo warbixino a isku haleyn kara."
~Mr Garrido Ruiz,Midowga Yurub .
20/02/2023
Saddexdii qof ee dunida ku nool qof kamid ah ayaanan heysan biyo nadiif ah uu isitcmaalo taas oo ka dhigan in ku dhawaad 2.2 billion oo qofood aysan heysan biyo ku filan oo ay cabaan amaba isticmaalaan!
19/02/2023
Roob la'aanta daran ee jirta, abaaraha soo noqnoqda ee joogtada ah , xaalufinta iyo jaridda dhirta, aqoon la'aanta iyo wacyi yarida ka jirta hormarinta iyo hagaajinta ilaha biyaha waa dhibaatooyinka ugu halista badan ee keenaya biyo la'aan aanan laga soo waaqsan karin.
18/02/2023
"Capacity-building is essential to influence outcomes for sustainable water resources managements and supplies. Throughout capacity-building approaches it is essential for people to understand: the water cycle and its implications for drinking water supply; the role of natural infrastructure; and the need for collaboration amongst different interest groups to achieve common objectives."
17/02/2023
"Biyuhu waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka bulshada ; wax ay laf dhabar u yihiin badqabka iyo caafimaadka bulshada , dallag beerashada ,sidoo kale waxa ay leeyihiin tamar nadiif ah oo la isku halayn kara, lagana dhalinkara danab koronteed awood leh. Biyuhu waxa ay taageeraan hab-nololeedyada dabiiciga ah sida kaymaha ama dhulka qoyan, waxa ay abuuraan fursadaha shaqooyinka, waxa ayna taabtaan dhinac kasta oo horumarka ah, iyaga oo xiriir toos ah la leh hiigsiga hormarada waarra ee SDGs."
16/02/2023
"Lake Chad, once one of the world’s largest water bodies, is disappearing due to climate change and population pressures, resulting in a humanitarian disaster in central Africa and also causing in a shortage of animal feed, livestock and biodiversity."
15/02/2023
"Somalia is one of the most vulnerable countries in the world, experiencing two major climatic extremes of droughts and floods with short period of time."