Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU

Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU This page is attended to display our activity and creativity issue in our University SIU

Aqoontu waa jidka, shahaadaduna waa tallaabada, FECT-na waa albaabka fursadaha. ๐ŸŽ“Welcome to FECT โ€” halka aqoontu ku dhal...
25/08/2026

Aqoontu waa jidka, shahaadaduna waa tallaabada, FECT-na waa albaabka fursadaha. ๐ŸŽ“
Welcome to FECT โ€” halka aqoontu ku dhaliso xirfad, xirfadduna ku dhisto mustaqbal.
Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU
Somali International University - SIU

๐’๐ฎ๐›๐š๐ฑ ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐๐š๐ซ ๐ค๐ž๐ž๐›๐š๐š ๐›๐š๐๐š๐ง?

Subax noolba noloshu waxay ku bartaa sadarro cusub, sahan ayuuna reer ku guuraa.

๐’๐ˆ๐” ๐ฆ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›?

Sannadkan Jaamacadda SIU waxay soo kordhisay maaddooyin cusub oo lajaanqaadaya farsamada casriga ah ee dunidu ay maanta adeegsaneyso kuwaas oo kala ah:

๐Ÿ. ๐๐š๐œ๐ก๐ž๐ฅ๐จ๐ซ ๐จ๐Ÿ ๐‚๐ฒ๐›๐ž๐ซ ๐’๐ž๐œ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐ฒ ๐š๐ง๐ ๐ƒ๐ข๐ ๐ข๐ญ๐š๐ฅ ๐…๐จ๐ซ๐ž๐ง๐ฌ๐ข๐œ๐ฌ
๐Ÿ. ๐๐š๐œ๐ก๐ž๐ฅ๐จ๐ซ ๐จ๐Ÿ ๐€๐ซ๐ญ๐ข๐Ÿ๐ข๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐ž๐ง๐œ๐ž ๐š๐ง๐ ๐ƒ๐š๐ญ๐š ๐’๐œ๐ข๐ž๐ง๐œ๐ž.

๐ƒ๐ข๐ฐ๐ฐ๐š๐ง๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ฎ ๐ก๐š๐๐๐š ๐ฐ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ.

21/08/2026

SIU ENGINEERING DAY 2026๐Ÿ”ฅ

SIU Engineering Day 2026 ๐ŸŽ“โš™๏ธGalabta waxaan martigelinaynaa dood ay ka qeybgalayaan qalinjebiyayaal ka tirsan Waaxda Civi...
19/08/2026

SIU Engineering Day 2026 ๐ŸŽ“โš™๏ธ

Galabta waxaan martigelinaynaa dood ay ka qeybgalayaan qalinjebiyayaal ka tirsan Waaxda Civil Engineering, kuwaas oo la wadaagi doona ardayda khibradahooda shaqo iyo safarkooda guusha.

Ku soo biir dood faaโ€™iido leh oo isku xiraysa fasalka iyo nolosha shaqada.


Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU

๐’๐ˆ๐” ๐„๐ง๐ ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ง๐  ๐ƒ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Barnaamijka galabta waxaa qayb ka ah dood u dhexeysa qaybo ka mid ah qalinjebiyayaasha Jaamacadda SIU oo ka doodi doona laga soo billaabo fasalka ardaynimada illaa goobta shaqada sida uu xaalku yahay Waaxda Dhismaha Madaniga (๐‚๐ข๐ฏ๐ข๐ฅ ๐„๐ง๐ ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ง๐  ๐ƒ๐ž๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฆ๐ž๐ง๐ญ).

18/08/2026

*Bandhigga SIU Engineering Day 2026*

Bandhiggan waa Madal ay Ardayda Kuliyadda Injineeriyadda Jaamacadda SU ee ku soo bandhigi doonaan Mashaariic kala duwan ee kuwaaso ka tarjumeysa Aqoonta ee soo barteen iyo Hal-Abuur ay u beddelaan xalal wax ku ool ah.

Munaasabadaan waa Bandhig weyn Waxeyna Fursad u tahay Ardayda inay ku soo bandhigaan Mashaariicdooda, Kartidooda Aqooneed iyo Fikradahooda Hal Abuurnimada leh ee ku aaddan Mustaqbalka Injineernimada.

๐Ÿ“… 19-Aug 2026
๐Ÿ•’ 03:00 PM
๐Ÿ“ Muuse Galaal Campus โ€“ SIU



16/07/2026

๐ŸŽ“๐ŸŒŸ Hambalyo FECT Class of 2026 ๐ŸŒŸ๐ŸŽ“


๐ŸŽ“๐ŸŒŸ Hambalyo FECT Class of 2026 ๐ŸŒŸ๐ŸŽ“Maanta waxay ahayd maalin gaar ah oo farxad iyo sharaf weyn noo leh. Waxaan si kal iyo ...
16/07/2026

๐ŸŽ“๐ŸŒŸ Hambalyo FECT Class of 2026 ๐ŸŒŸ๐ŸŽ“

Maanta waxay ahayd maalin gaar ah oo farxad iyo sharaf weyn noo leh. Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ardayda Faculty of Engineering and Computer Technology (FECT) โ€“ Class of 2026 kuwaas oo si guul leh u soo bandhigay una difaacay mashaariicdoodii qalin-jabinta.

Waxaan ku faaneynaa dadaalkii, adkeysigii, iyo aqoontii aad muujiseen intii lagu jiray safarkiinna waxbarasho. Guusha maanta ma aha oo kaliya difaac mashruuc, balse waa miro ka dhashay sannado badan oo dadaal, dulqaad, iyo himilo sare leh.

Waxaad maanta caddeyseen in aad tihiin jiil leh karti, hal-abuur, iyo awood uu ku hoggaamin karo horumarka tiknoolajiyadda iyo injineernimada ee dalkeenna. Waxaan hubaa in aqoonta iyo xirfadaha aad halkan ka barateen ay idin horseedi doonaan guulo waaweyn oo mustaqbalka ah.

Mahad gaar ah waxaan u jeedinaynaa macallimiinta, waalidiinta, iyo dhammaan intii garab istaagtay ardayda si ay u gaaraan heerkan muhiimka ah.

Ardaydeenna qaaliga ah, albaab cusub ayaa maanta idiin furmay. H**e u socda, ku dadaala himilooyinkiinna, una adeegga bulshadiinna iyo dalkiinna aqoonta aad kasbateen.

Waxaana idiin rajeynaynaa mustaqbal ifaya, guul joogto ah, iyo nolol ay ku dheehan tahay horumar iyo barwaaqo.

๐ŸŽ‰ Hambalyo FECT Class of 2026!
๐ŸŽ“ The Future Engineers and Technology Leaders of Tomorrow.

+



Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU
Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU Somali International University - SIU

๐ŸŽ‰ Hambalyo Maalinta Caalamiga ah ee International Women in Engineering Day! ๐Ÿ‘ทโ€โ™€๏ธ๐ŸŒKuliyadda Engineering and Computer Tech...
23/06/2026

๐ŸŽ‰ Hambalyo Maalinta Caalamiga ah ee International Women in Engineering Day! ๐Ÿ‘ทโ€โ™€๏ธ๐ŸŒ

Kuliyadda Engineering and Computer Technology waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan haweenka Engineerrada ah iyo ardayda gabdhaha ah ee ku jira safarka aqoonta iyo hal-abuurka.

Maalintani waxay xus u tahay doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin horumarinta engineering-ka, teknoolojiyadda, iyo dhismaha mustaqbal waara. Waxaan ku faaneynaa dadaalkooda, kartidooda, iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada iyo xirfaddooda.

Waxaan sii xoojinaynaa taageerada aan u hayno kobcinta aqoonta, hal-abuurka, iyo hoggaaminta haweenka si ay u noqdaan jiilka hoggaaminaya isbeddelka iyo horumarka.

Hambalyo dhammaan haweenka Engineerrada ah iyo kuwa mustaqbalka noqon doona Engineerro. Mustaqbalku wuxuu u baahan yahay hal-abuurkiinna iyo hoggaamintiinna.

KULAN QADO SHARAF IYO DALXIISMaamulka Kuliyadda Engineering and Computer Technology ee Jaamacadda SIU ayaa soo agaasimay...
19/06/2026

KULAN QADO SHARAF IYO DALXIIS

Maamulka Kuliyadda Engineering and Computer Technology ee Jaamacadda SIU ayaa soo agaasimay kulan isugu jiray qado sharaf iyo dalxiis, kaas oo lagu maamuusay laguna dhiirrigeliyay ardayda kuliyadda ee ku guuleystay koobka tartanka ciyaaraha kuliyadaha Jaamacadda SIU.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu muujinayay qiimaha guusha, dadaalka, iyo kartida ay muujiyeen ardayda matalayay kuliyadda, kuwaas oo sharaf iyo magac u soo hooyay Kuliyadda Engineering and Computer Technology. Sidoo kale, munaasabaddu waxay ahayd fursad lagu bogaadiyo ruuxa wadajirka, anshaxa, iyo tartanka wanaagsan ee horseeday guushan qiimaha badan.

Maamulka kuliyadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ciyaartoyda, tababarayaasha, iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay guushaas, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalka iyo hormarka dhinacyada waxbarashada iyo ciyaaraha labadaba.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa maamulka Kuliyadda Engineering and Computer Technology dadaalka ay geliyeen qabsoomidda munaasabaddan, taas oo ka tarjumaysa sida ay uga go'an tahay taageeridda iyo dhiirrigelinta ardayda guulaha kala duwan ka soo hoya kuliyadda.

Hambalyo kooxda Engineering and Computer Technology ee ku guuleysatay koobka kuliyadaha Jaamacadda SIU. Guushiinnu waa guusha kuliyadda oo dhan.

Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU


05/06/2026

๐Ÿ†๐Ÿ…

QAABKA AY UDHACDE CAYAARTI FINALKA AHAYD EE CUPKA KULIYADAHA JAMACADDA SIU
OO SANAD WALPO AY MARTI GELISO Midowga Ardayda Jaamacadda SIU
SANADKANI KUKIYADA ENGINEERIYADA IYO CULUUMTA TECHNOLOGYADA AYAA NOQOTE CHAMPIONS KA SIU





Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU

QEYB KAMID AH DABAAL DAGYADII GUUSHII AY GAAREEN  XULKA KUBADA CAGTA KULIYADDA FECT IYO TAAGEERAYASHII ISAGU JIRE MAAMUL...
04/06/2026

QEYB KAMID AH DABAAL DAGYADII GUUSHII AY GAAREEN XULKA KUBADA CAGTA KULIYADDA FECT IYO TAAGEERAYASHII ISAGU JIRE MAAMUL, MACALIN, ARDAY, IYO NAADIGA ARDAYDA KULIYADA ENGINEERING AND COMPUTER TECHNOLOGY STUDENTS UNION-ECSU OO HORKACAYE GUDOOMIYAHA KULIYADA ENG MOHAMED ADAN AHMED IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKA KULIYADA MARWO FARTUUN ALI ABDULLAHI
IYO QEYB KAMID AH XUBNAHA XUKUUMADA KULIYADA FACT

HAMPLYO HAMPLYO KULIYADA FACT CHAMPIONS OF SIU 2026


Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU
Somali International University - SIU
Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU

Address

Wadada Warshadaha
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU:

Shortcuts

Share