Beesha Cabdalle Waraasiile

Beesha Cabdalle Waraasiile

Share

WAA BOGGA RASMIGA AH EE BEELWEYNTA CABDALLE WARAASIILE HARIIN

12/08/2026

TACSI

Midowga Dhallinyarada Beesha Cabdalle, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Maxamed Macalin Cali ( Maxamed Gaabow) oo ka mid ah dhalinyarada Beesha Hariin, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid aabihiis marxuum Macalin Cali Ibraahim Cabdi oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Allah u naxariisto marxuumka, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allah ka siiyo.....Aamiiiiin

29/07/2026

UJEEDDO: BEENIN IYO CADDEYN RASMI AH OO KU SAABSAN BEESHA DULKUFURE

Ku: Dhammaan Maamullada, Odayaasha Dhaqanka, iyo Bulshada Beelaha Walaalaha ah

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Hoggaanka rasmiga ah ee Midowga Dhallinyarada Beesha Cabdalle wuxuu halkaan bayaan cad iyo beenin rasmi ah ka soo saarayaa eedeymaha iyo warqadaha dhowaan soo baxay ee lagu xusay magaca maamul dhalinyaro oo ay leedahay saddexda beelood ee Dulkufure (Cabdalle, Negaay iyo Iidow).
Waxaan halkaan ku caddaynaynaa qodobbada soo socda:
1. Beeninta Jiritaanka Maamulka: Maamulka dhallinyarada Beesha Cabdalle wuxuu halkan ku caddaynayaa inaysan jirin wax Midow ah ama maamul dhexdeeda ah oo hadda si sharci ah ugu midayysan yihiin dhalinyarada Beesha Dulkufure, warqad kasta oo lagu soo saaray magacaasna ay tahay mid aan sal iyo baar lahayn.

2. Dhicitaanka Mudada Hogaankii H**e: Waxaan bulshada iyo beelaha walaalaha ahba la wadaagaynaa in hoggaankii h**e ee sheegan jiray magaca dhalinyarada saddexda Beelood ee Dulkufure uu si rasmi ah uga dhammaaday muddo xileedkiisii, sidaas darteedna aysan haysan muddo sharciyadeed oo ay ku metelaan ama ku soo saari karaan go'aanno maamul.

3. Diidmada Eedeymaha Faragelinta: Beesha Cabdalle waxay si weyn u diiddan tahay eedeymaha raqiiska ah ee lagu kala dhantaalayo midnimada dhalinyarada beesha Hariin. Waxaan caddaynaynaa inaan la aqbali karin in magaca beelaha saddex Dulkafure loo isticmaalo olole iyo falal carqalad ku ah midnimada iyo is-xushmaynta bulshada.

Hoggaanka rasmiga ah ee dhallinyarada Beesha Cabdalle wuxuu mar walba u taagan yahay ilaalinta sharciga, nidaamka suuban, iyo xoojinta xiriirka walaalnimo ee beelaha deriska ah.

Wabilaahi towfiiq.

24/07/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN DHALASHO🌟

Midowga dhalinyarada Beesha Cabdalle waxa ay halkan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin uga dirayaan mid ka mid ah Nabaddoonada iyo Tiiraraka ugu muhiimsan Beesha Cabdalle, Xasan Maxamed Ibraahim, oo taariikhdu marka ay ahayd 16 July 2026 ay gabadhi ugu dhalatay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaan leenahay Nabaddoon, Illaahey ha ka dhigo tii dalka, dadka iyo diintaba anfaca. Illaahey ha barakeeyo oo ha ka dhigo ubadkii khayrka qaba ee lagu baraaro, waalidiinteedana indhahooda ha ku qaboojiyo. 🤲✨

Ugu dambayn, dhammaan maamulka iyo xubnaha Midowga dhalinyarada Beesha Cabdalle waxay leeyihiin: Boqol sano oo khayr leh ku soo kor, gabadha yar ee reer Nabaddoon! 🎉❤️

20/07/2026

HOGHAYAHA AWDIINLE MUDANE ISMAACIIL CALI CABDI IYO ISTAAFKIISA OO DHEX MUSHAAXAYA DEGMADA AWDIINLE

19/07/2026

GUDOOMIYAHA DHALINYARADA BEESHA CABDALLE OO KA QAYB-GALAY KULANKA SANADLAHA EE BEESHA

Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Cabdalle, Mudane Jamal Abdi, ayaa maanta si rasmi ah uga qayb-galay Kulanka Sanadlaha ah ee Wada-tashiga Beesha Cabdalle oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Mudane Jamal Abdi oo madasha ka hadlay ayaa madaxda iyo waxgaradka beesha u soo bandhigay qorshayaasha horumarineed ee u degsan maamulka dhalinyarada, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay midnimada.

Odayaasha iyo waxgaradkii kulanka ka qayb-galay ayaa si weyn u bogaadiyey doorka firfircoon ee uu Gudoomiye Jamal ka qaadanayo isku-xirka beesha, waxayna u xaqiijiyeen garab-istaag buuxa si loo gaaro guul iyo horumar waara.

19/07/2026

🤝 KULANKA SANADLAHA EE WADA-TASHIGA BEESHA CABDALLE OO SI GUUL AH UGA QABSOOMAY MUQDISHO 🤝

Waxaa magaalada Muqdisho si heer sare ah uga qabsoomay Kulanka Sanadlaha ah ee Wada-tashiga Beesha Cabdalle, kaasi oo ay si guud isugu yimaadeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Cabdalle.

Kulankan oo qabsoomay marka ay taariikhdu ahayd 17-ka Luulyo 2026, ayaa diiradda lagu saaray doorashada wakiilka cabdalle, midaynta sanduuqa hormarinta Cabdalle iyo xoojinta iskaashiga, xiriirka bulshada beesha Cabdalle iyo dardargelinta qorshayaasha horumarinta bulshada.

Ugu dambayn, dhammaan waxgaradkii iyo bulshadii guud ee kulanka ka qayb-gashay ayaa si wadajir ah u bogaadiyey dadaalka hufan ee uu muujiyey maamulka dhalinyarada, iyagoo isku raacay in si wadajir ah loogu istaago garab-istaagga, midnimada, iyo horumarinta guud ee Beesha Cabdalle.

17/07/2026

ODAYAASHA BEESHA CABDALLE EE GOBOLKA BAY IYO BANAADIR OO WADAHADAL TELEFOON YEESHAY

Waxaa khadka taleefonka si guul ah ugu qabsoomay wadahadal taariikhi ah oo dhex maray odayaasha, waxgaradka, iyo cuqaasha Beesha Cabdalle ee ku sugan Gobolka Bay iyo Gobolka Banaadir.

Wadahadalkan oo xal u raadinaya arrimaha midaynta codka, xoojinta iskaashiga deegaannada, iyo dardargelinta qorshayaasha horumarinta beesha, waxaa soo qabanqaabiyey soona agaasimay Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Cabdalle, Mudane Jamal Abdi Ahmed.

Muddadii uu wadahadalku socday, waxgaradka labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in hal jiho loo wada jeesto, si loo sugo matalaad dhab ah iyo mustaqbal ifaya oo ay dhalinyaradu hormuud u tahay. Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bay iyo Banaadir ayaa si wadajir ah u bogaadiyey dadaalka hufan iyo doorka dhex-dhexaadinta ah ee uu muujiyey Gudoomiye Jamal Abdi Ahmed, iyagoo xaqiijiyey inay si buuxda u garab taagan yihiin hoggaankiisa furfuran.

Ugu dambayn, wadahadalkan ayaa gogol-xaar adag u noqonaya habsami u socodka doorashooyinka ergada iyo mashaariicda bulsho ee dhowaan la filayo in laga hirgeliyo caasimadda Muqdisho iyo deegaannada Gobolka Bay.

16/07/2026

🚨 OGEYSIIS IYO WAR-CELIN MUHIIM AH: XIL-WAREEJINTA MAALIYADDA 🚨

Ku: Dhammaan dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka Beesha Cabdalle.

Waxaan halkaan idinku la wadaagayaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 16-ka Luulyo 2026, ay si rasmi ah u qabsoontay munaasabadda xil-wareejinta ee hoggaanka maaliyadda iyo kormeerka ee dhalinyarada Beesha Cabdalle.

Xilalka iyo agabka rasmiga ah ee maamulka waxaa si hufan ula wareegay mas'uuliyiinta cusub ee dhowaan la magacaabay:

1. Khasnajiga Guud: Mudane Maxamed Isaaq Cusmaan
2. Hanti-dhowraha Guud: Mudane Cabdiraxmaan Nuur Cali

Munaasabaddan ayaa tallaabo weyn u ah dhanka horumarka, maamul suuban, iyo xaqiijinta hufnaan maaliyadeed oo dhammaystiran, iyadoo xubnihii h**e ay si sharaf leh u wareejiyeen dhammaan xogta iyo koontooyinka rasmiga ah.

Waxaan labada mas'uul ee cusub u rajaynaynaa guul iyo inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee ay la wareegeen si ay ugu adeegaan danta dhalinyarada Beesha Cabdalle. 🤝✨

11/07/2026

🎉 HAMBALYO IYO BOGAADIN: MAGACAABIS HANTI-DHOWR 🎉

Waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin ugU diraynaa Mudane Cabdiraxmaan Nuur Cali, oo si rasmi ah loogu magacaabay Hanti-dhowraha Guud ee Dhalinyarada Beesha Cabdalle.

Xilkan iyo kalsoonida weyn ee laguu igmaday waxaan kuu rajaynaynaa inuu Eebbe kuugu kaalmeeyo, si aad u xaqiijiso hufnaan, isla-xisaabtan dhab ah, iyo ilaalinta hantida dhalinyarada.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Garasbaaley
Mogadishu