05/12/2025
[Taariikh: 03/DEC/2025 – 04/DEC/2025]
Guddoomiyaha Hay’adda Maxaliga ah ee Tusmo Foundation, Mudane Maxamed Ciise Maxamed (Mr. Dii), ayaa ka mid ahaa ka-qaybgalayaasha muhiimka ah ee ka soo muuqday tababar socday muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu qabtay Green Paradise Hotel oo ku yaalla Degmada Wadajir, agagaarka Airport-ka Magaalada Muqdisho.
Tababarkan oo cinwaankiisu ahaa “YOUTH WORKSHOP ON POST COP 30” ayaa waxaa soo agaasimay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), iyada oo kaashanaysa Somalia Joint Fund iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Tababarku wuxuu diiradda saaray doorka dhallinyarada ee la-qabsiga isbeddelka cimilada, sidii looga faa’iideysan lahaa go’aamada ka soo baxa shirarka caalamiga ah ee COP-ka, iyo sida ay dhallinyaradu uga qayb qaadan karaan xallinta caqabadaha deegaanka ee saameeya bulshadooda.
Mudane Maxamed Ciise (Mr. Dii) ayaa madasha ka jeediyay talooyin wax ku ool ah oo dhiirrigeliyay ka-qaybgalayaasha, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta, wacyigelinta iyo in dhallinyarada lagu qalabeeyo aqoon iyo xirfad u suurtagelinaysa in ay kaalin muuqata ka qaataan arrimaha deegaanka iyo horumarka bulshada.
Tababarkan ayaa kusoo dhammaaday jawi guul iyo niyad-sami leh, iyadoo ka-qaybgalayaashu muujiyeen rabitaan xooggan oo ku aaddan in ay ficil wax ku ool ah ku beddelaan aqoonta ay heleen.
[Date: 03/DEC/2025 – 04/DEC/2025]
The Chairperson of the Local Organization, Tusmo Foundation, Mr. Mohamed Issa Mohamed (Mr. Dii), was among the key participants in a two-day workshop held at Green Paradise Hotel, located in Wadajir District near the Airport in Mogadishu.
The training, titled “YOUTH WORKSHOP ON POST COP 30”, was organized by the United Nations Development Programme (UNDP), in collaboration with the Somalia Joint Fund and the Ministry of Environment and Climate Change.
The workshop focused on the role of youth in climate adaptation, how to benefit from outcomes of global climate conferences such as COP, and how young people can actively contribute to addressing environmental challenges affecting their communities.
Mr. Mohamed Issa (Mr. Dii) delivered practical and inspiring remarks, emphasizing the importance of collaboration, awareness-raising, and equipping young people with the knowledge and skills needed to play a meaningful role in environmental protection and sustainable community development.
The workshop concluded successfully in a positive and motivating atmosphere, with participants expressing strong commitment to applying the knowledge gained and taking concrete actions on climate and environmental issues within their respective communities.
Tusmo Foundation
Ismail Mohamed Omar
Nuur Xuseen Xasan Afrax
Ahmed Mohamed Abdulle
Zakariye Osman Omar
Durdur Media Group