10/09/2026
Malinta Tiladadi eheed waxa Qabsoomay Xaflda xarig jarka Dismada cusub ee Dugsiga IQra degmada beledxaawo.
Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo, Xasan Sumac Maxamed, maamulka degmada, bahda waxbarashada iyo hay’adda Human Appeal ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee dugsi IQra oo laga hirgeliyay Degmada Beled Xaawo.
Iqar School ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada degmada, iyadoo bulshada deegaanka ay u baahan tahay goobo waxbarasho oo tayo leh.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada, bahda waxbarashada iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda Human Appeal, kuwaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalgelinta waxbarashada iyo sidii carruurta deegaanka loo siin lahaa fursado waxbarasho oo wanaagsan.
Iqar School ayaa la filayaa inuu wax ka tari doono baahida waxbarasho ee ka jirta Degmada Beled Xaawo, isla markaana uu fursado cusub u abuuro ardayda deegaanka.