04/09/2026
πππ₯π‘πππ ππππ πͺπππ¬ππππππ‘π§π ππππππ πππππ π ππ¦πππ«ππ ππ¬π’ ππ ππ’π₯π§ππππ π€ππππ§ππ‘ππ π πππ‘ππ’π’π₯ππ¬πππ(community Engagement and Social Responsibility)
Kuliyadda Ganacsiga iyo Maamulka ee Zamzam University of Science & Technology ayaa fududeysay Barnaamijka Wacyigelinta Caafimaadka Maskaxda iyo Ka Hortagga Qabatinka Maandooriyaha, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Somali Diaspora Support (SDS) iyo Naadiga Dhalinyarada Nabadda ee Muqdisho.
Kulanka waxaa aqoon iyo wacyigelin ku saabsan caafimaadka maskaxda, ka hortagga qabatinka maandooriyaha iyo fayo-qabka shakhsiga la wadaagay dhalinyarada. Waxaa barnaamijka soo jeediyay Ustaad Abdullahi Abdulaziz, Dean-ka Faculty of Business & Management, HR Specialist & Mental Wellness Advocate, iyo Drs. Ijabo Abdullahi, Mental Health Activist & Medical Expert.
Barnaamijku wuxuu dhiirrigeliyay ka qaybgalka firfircoon ee dhalinyarada, wada-hadal furan, goβaanno masuuliyad leh iyo in dhalinyaradu door muuqda ka qaataan horumarinta caafimaadka iyo badqabka bulshadooda.
Hindisahan wuxuu ka tarjumayaa sida Faculty of Business & Management ay muhiimad gaar ah u siiso **u adeegidda bulshada iyo masuuliyadda bulshada (Community Engagement & Social Responsibility)**. Faculty-gu wuxuu aaminsan yahay in kaalinta jaamacaddu aysan ku koobnayn waxbarashada fasalka oo keliya, balse ay sidoo kale tahay inay aqoonteeda iyo khibraddeeda uga faaβiideyso bulshada, awood-siiso dhalinyarada, kana qaybqaadato xalinta caqabadaha bulshada.
Waxaan u mahadcelinaynaa SDS, Naadiga Dhalinyarada Nabadda ee Muqdisho, SONSA β Somalia Non-State Actors, iyo dhammaan ka qaybgalayaasha kaalintii ay ka qaateen guusha barnaamijkan.