21/07/2023
Xaflad gaaban oo lagu dhiira-gellinaayey Ardayad: Sumaya Cabdixakiin Maxamed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Sumaya Cabdixakiin ayaa kamid ah ardaydii uu Ururka ku wareejiyey Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Al-anwaar. Waxa ayna Sanad kasta Kaalinta 1aad u geli jirtay Fasalkeeda iyada oo Kalkaan kaalinta 1aad u gashay Guud ahaan Ardayda Iskuulka Al-anwaar.
Sumaya ayaa Sanad-dugsiyeedka soo socda ee 2023/2024 waxa ay noqon doontaa Fasalka 12aad iyada oo Wejihi doonta Imtixaanka Qaran ee 12aad-ka (Form 4).
Waxa aan u rajeynayaa Guul insha Allaah.
Hambalyo... Hambalyo... Hambalyo...
28/06/2023
dhamaan umada muslimiinta gaar ahaan umada soomaaliyeed.
Farxad kuciida🥰
18/04/2023
Bismilaah
Manta oo ay tarikhdu tahay 27-ramadan 1444 waxa noso dhamadey tartan,qur'ank karimka ah bisha barakysan ee ramadanka ee Al Rabwah primary and secondary school qeybtisa taxfidka.
Waxana hadiyado guddonsiyay tartamayashi kaalmaha h**e ka galay tartanka.
Waxan umahadcelinya macalin qali ah
Abdi Fatah Mohamed Alturaabi oo Juhdi ku bixiyay barista quranka karimka ah
Waxan leyahay Hambalyo Hambalyo
12/02/2023
Guushu way dhawdahay allaha rumeeyo aaamiin🎓🎓🎓
28/10/2022
Bismilaah, ka dib maalmo, bilo, iyo sanado adag , waxaa iisoo gabagaboobay heer kamid ah herarka waxbarashada.
Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Alle, oo fursad aan ku dhameysto isiiyay.
Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa waalidinteyda, oo marwlba talo, taageero, iyo duco ila garab taagnaa. Waxaana si gaar ah ugu mahadcelinaya habaryarteyda maamo Abdulahi. oo tan iyo bilaabashadeydii safarkana i garab taagnaa alle haka abalmariyo maamo dadaalkaga .
Waxa sido kale xusid igamudan saxibadii qaaliga aha ee Igarab taagnaa oo aan la,antoda halkan so gaari lahen
Ugu dambeyn, waxaan rajeynayaa in Alle igu anfaco cilmiga, uuna ii noqdo wadadii aan cilmiga ku kasban lahaa, nafteyda iyo dadkeygana wax kutari lahaa.