Midowga Ardayda Kulliyada Culuumta Caafimaad ISHU

Midowga Ardayda Kulliyada Culuumta Caafimaad ISHU

Share

Midowga ardayda kuliyada Culuumta Caafimaad ISHU waxaa ku mideysan dhamaan ardayda Kulliyada Culuumta Caafimaadka Jaamacadda Al-imaam Al-Shaafici.

Photos from Midowga Ardayda Kulliyada Culuumta Caafimaad ISHU's post 03/08/2022

Ardayda kuliyada Culuumta Caafimaadka, gaar ahaan Qeybta Nursing ee qalin jabinaaya sanadkaan 2022 ayaa Munaasabad Mahadcelin iyo sagootin ah usameeyay Maamulka iyo Macalliintii wax soo bartay ee Jaamacadda.

30/07/2022

كل عام وأنتم بخير
MIDOWGA ARDAYDA KULLIYADA CULUUMTA CAAFIMAADKA ISHU
Gudoomiyaha Midowga ardayda kulliyada culuumta caafimaadka Jaamacadda Al-imaam Al-Shaaici mudane Abdirahman Abdullahi Hassan ayaa ugu hambalyeeyay Dhamaaan umadda islaamka iyo Shacabka soomaaliyeed Gaar ahaan Ardayda kulliyada,Macalimiinta,Madaxda kulliyada iyo shaqaalaheeda bilashada sanadka cusub ee Hijriga 1444.
Waxa uuna u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale horumar , nabad iyo Guul aduun iyo mid aaqiraba uu ilahay inoogu dhameeyo kii h**ena Gafafkii naga dhacay naga cafiyo acmaashii wanaagsaneedna Alle inaga aqbalo.

#كل عام وأنتم بخير

26/07/2022

Waxaa maanta kulan isbarasho iyo isxogwareysi isagu jira qaatay Gudoomiyaha Cusub ee kuliyada Culuumta Caafimaadka ISHU Abdirahman Abdullahi Hassan Abdirahman leyloon iyo kaaba galaasyada Fasalada kala duwan ee Kulliyada kulankan oo uu qeyb ka ahaa Madaxa Kulliyada Ustaad Mohamed Hassan Osman Tumeey ayaa Shir gudoomiyay kulanka waxaana looga hadlay Xaaladaha guud ee Kulliyada iyo hawlaha iyo Qorshayaasha Hogaanka cusub ee ku aadan Horumarinta Kulliyada Lana rabo in la xaqiijo sidookale Madaxa Kulliyada ayaa baraarujiyay sonadhaweeyay hogaanka cusub iyo Qorshayaashiisa kaga aadan Horumarinta Kulliyada
Ugu danbeyn Gudoomiyaha cusub ee Kulliyada Abdirahman Abdullahi Hassan Abdirahman leyloon ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta kana codsaday in si wadajir ah ay ugawada shaqeeyaan Sidii magaca iyo mansabka kulliyada meel sare loo gaarsiin lahaa .

25/07/2022

Beri oo talaado ah 26 july waxaa jira kulanka Kulliyada.
Ujeedada kulanka waa isxog wareysi guud iyo ka tashiga hormarka aayaha Kulliyada Culuumta Caafimaadka jaamacadda sidaas darteed kaaba galaasyada Fasalada kala duwan ee Kulliyada waxaa Lagu wargelinayaa inay kaso qeyb galaan kulanka.
Kulanka kuliyada waxaa qeyb ka ahaan doono Madaxada Kulliyada Ustaad Mohamed Hassan Osman Tumeey
Goobta kulanka uu ka dhicidoono waa Xarunta Jaamacadda Al-Imaam Al-Shaafici ee taleex
Waqtigana waa - 10:00 subaxnimo

14/07/2022

BISMILLAHI
Marka h**e Alle SWT ayaa mahad iskaleh Marka xigta Guud ahaan Maamulka , madaxda Xafiisyadda kala duwan ,Macalimiinta , Golaha Fulinta Midowga Ardayda Jaamacadda, dhamaan ardayda Kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Si gaar ah ardayda Kulliyada Culuumta Caafimaadka ISHU Waxaan si qalbi furan idiinkugu so dhawaynaynaa page ka Midowga ardayda Kulliyada Culuumta Caafimaadka ISHU oo ay ku mideysnaan doonaan dhamaan ardayda kulliyada Hduu alle idmo Markale soo dhawaada .

Hoyga Farxada iyo Faa'iidada.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Mogadishu