Hilaal Primary and Secondary School

Hilaal Primary and Secondary School all students

๐Ÿ†โšฝ HAMBALYO!Hambalyo Form Four oo noqday horyaalka kubadda cagta ee sanad dugsiyeedka 2025โ€“2026. ๐ŸŽ‰๐Ÿ†Waxaan sidoo kale ham...
19/08/2026

๐Ÿ†โšฝ HAMBALYO!

Hambalyo Form Four oo noqday horyaalka kubadda cagta ee sanad dugsiyeedka 2025โ€“2026. ๐ŸŽ‰๐Ÿ†

Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Form Two A oo si wanaagsan uga qayb qaatay soona bandhigay cayaar qurxoon inta uu socday tartanka.

Guushu waa dadaal, wadajir iyo adkaysi. Hambalyo labada fasal! ๐Ÿ‘โšฝ

Hambalyo iyo Bogaadin ๐ŸŽ‰Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ustaad Abdulqadir Mohamed Hassan, oo mar kale loo doortay ...
18/08/2026

Hambalyo iyo Bogaadin ๐ŸŽ‰
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ustaad Abdulqadir Mohamed Hassan, oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, iyo Ustaad Magan, oo loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga.
Waxaan Alle uga baryayaa in uu xilka u fududeeyo, una noqdo mid ay ku horumariyaan waxbarashada iyo Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir . Hambalyo iyo guul ayaan idiin rajaynayaa! ๐Ÿ‘๐ŸŽ“

Maamulka, Macallimiinta, Howlwadeenada iyo dhammaan ardeyda Al Hilal School, qeybaha Howlwaadag & Garasbaaley waxay hamb...
10/08/2026

Maamulka, Macallimiinta, Howlwadeenada iyo dhammaan ardeyda Al Hilal School, qeybaha Howlwaadag & Garasbaaley waxay hambalyo u dirayaan ardeyda shahaadiga ah ee fasalka 8-aad oo ku guuleystay Imtixaanka Agaasinka Waxbarashada.

Sidoo kale, hambalyo ayaan u dirayaa waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka, kuwaas oo door weyn ka qaatay guusha iyo horumarka ardayda.

๐—ช๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—กMaamulka dugsiyadda Hilal qeybihiisa kala duwan wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ardayda, waalidiinta iyo guud aha...
04/08/2026

๐—ช๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก

Maamulka dugsiyadda Hilal qeybihiisa kala duwan wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ardayda, waalidiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada in maalinta Axadda, oo ku beegan 09 Agoosto 2026, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir shaacin doono natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2025/26.

Waxaan idiin rajaynaynaa inaad heshaan natiijo qalbigiinna farxad gelisa iyo guulo ka weyn kuwa aad filaysaan.





๐Ÿ“ข Xoojinta Hababka Waxbaridda ee MacallimiintaMu'asasadda Al Hilal waxay ku wargeliso dhammaan macallimiinta ka howlgala...
04/08/2026

๐Ÿ“ข Xoojinta Hababka Waxbaridda ee Macallimiinta

Mu'asasadda Al Hilal waxay ku wargeliso dhammaan macallimiinta ka howlgala qaybaha kala duwan ee Mu'asasadda inay kasoo qaybgalaan Tababar lagu Horumarinayo Aqoonta iyo Xirfadaha Macallimiinta.

Tababarkan wuxuu diiradda saari doonaa:

โœ… Horumarinta hababka waxbaridda.
โœ… Maareynta fasalka si hufan.
โœ… Fahamka cilmi-nafsiga ardayda.
โœ… Adeegsiga hababka waxbarasho ee hal-abuurka leh.
โœ… Kobcinta xirfadaha iyo horumarka mihnadeed ee macallimiinta.

๐ŸŽ“ Tababarka waxaa bixin doona:
Dr. Ibrahim Sheikh Abdulwahid, oo leh in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo ah oo dhinacyada barbaarinta, waxbaridda, iyo maamulka waxbarashada.

๐Ÿ“… Taariikh: Arbaco, 5 Agoosto 2026
๐Ÿ“ Goobta: Al Hilal University
๐Ÿ•˜ Waqtiga: 9:00 Subaxnimo

Tababarkani wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa horumarinta aqoonta, tayada waxbaridda, iyo kobcinta xirfadaha mihnadeed ee macallimiinta.

"Macallin aqoon iyo xirfad leh wuxuu dhisaa arday guuleysta iyo bulsho horumarta."






Kulanka Soo Xiritaanka Sanad Dugsiyeedka 2025โ€“2026Maamulka dugsiga iyo dhammaan macallimiinta ayaa yeeshay kulan lagu so...
09/07/2026

Kulanka Soo Xiritaanka Sanad Dugsiyeedka 2025โ€“2026
Maamulka dugsiga iyo dhammaan macallimiinta ayaa yeeshay kulan lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka 2025โ€“2026. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi, is-qiimeyn iyo is-xilqaan, iyadoo dib loo eegay guulihii la gaaray, caqabadihii la soo maray, iyo sidii loo sii xoojin lahaa tayada waxbarashada sannadaha soo socda.
Sidoo kale, kulanku wuxuu ahaa fursad lagu isugu hambalyeeyo dhammaadka sanad dugsiyeedka, laguna adkeeyo wadajirka, iskaashiga iyo dadaalka ay macallimiintu muujiyeen intii uu socday sanadkan.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan macallimiinta iyo shaqaalaha dugsiga dadaalkooda, waxaana Alle ka baryeynaa inuu inagu gaarsiiyo sanad dugsiyeed cusub oo guul, horumar iyo barwaaqo leh.

๐Ÿฎ๐Ÿฒ-๐—ธ๐—ฎ ๐—๐˜‚๐˜‚๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎMaanta oo ku beegan 26-ka Juun, waa maalin ku suntan halgan, geesinimo iyo midnimo qaran, ...
26/06/2026

๐Ÿฎ๐Ÿฒ-๐—ธ๐—ฎ ๐—๐˜‚๐˜‚๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ

Maanta oo ku beegan 26-ka Juun, waa maalin ku suntan halgan, geesinimo iyo midnimo qaran, waana xusuus qaali ah oo ku weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryeynaa dalkeenna nabad, horumar iyo barwaaqo waarta.



Hambalyo dhammaan ardayda fasalka 12-aad ee maanta u soo idlaaday Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare.Waxaad muujis...
25/06/2026

Hambalyo dhammaan ardayda fasalka 12-aad ee maanta u soo idlaaday Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare.

Waxaad muujiseen dadaal, dulqaad iyo adkaysi mudan in lagu ammaano. Waxaan idinku bogaadinaynaa juhdigii aad geliseen sannadihii waxbarashada iyo gaar ahaan muddadii diyaar-garowga imtixaanka. Maanta waa maalin xusuus mudan oo astaan u ah tallaabo weyn oo aad h**e u qaadayn.

Waxaan Alle idiinka baryeynaa inuu idiin wada siiyo natiijooyin wanaagsan oo qalbiyadiinna farxad geliya, kuna guuleysataan himilooyinka iyo riyooyinka aad hiigsanaysaan.



11/06/2026

Adeeg bulsho

07/06/2026

Fariin Wacyigelin fasalka 8aad

Address

Cellka Jeceelka
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252618557055

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hilaal Primary and Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Hilaal Primary and Secondary School:

Shortcuts

Share

Category