🌙 Hambalyada Ciidul Adxaa 🌙
Waxaan idiin soo gudbineynaa hambalyo diirran oo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.
Waxaan Allah ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan, idinkana idinku manneysto caafimaad, nabad iyo barwaaqo.
✨ Ciid Mubaarak ✨
Sanad walba kheyr iyo bashbash ayaad ku gaartaan ciiddaan iyo kuwa kale oo badan.
🕋 تَهْنِئَةُ عِيدِ الأَضْحَى المُبَارَك 🕋
يسرّنا أن نتقدّم إليكم بأصدق التهاني وأطيب الأماني بمناسبة حلول عيد الأضحى المبارك، سائلين الله تعالى أن يعيده علينا وعليكم بالخير واليمن والبركات، وأن يتقبّل منّا ومنكم صالح الأعمال والطاعات.
🌸 كل عام وأنتم بخير 🌸
معهد الهداية للعلوم الشرعية واللغات
waxbarashadu waa inoo muhiim
27/05/2026
🌙✨ Hambalyo Ciidul Adxaa ✨🌙
Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Machadka Machadka Al Hidaaya waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed.
🎉 Ciid wanaagsan, caafimaad, farxad iyo barwaaqo Alle hanagu gaarsiiyo sannado badan oo kheyr qaba.
🤲 Allaah ha naga aqbalo acmaasha wanaagsan, udxiyadaha iyo cibaadada.
💙 Waxaan idiin rajeynaynaa maalmo farxad leh oo ay ka buuxaan jacayl, iscafis iyo wadajir.
Ciid Mubaarak 🌙🐑
09/05/2026
الحمد لله تتم الصالحات.
Alx alle ayey mahadi oo dhan u sugnaatay oo si nabad ah noogu soo dhameyey imtixaankii teeramka 1aad kaas oo ka socday machadka al hidaaya ee barashada culuumta shareecada iyo luuqadaha.
Degmada luuq.
Gaar ahaan xaafada sh maxamed.
Waxaan ardayda oo dhan u rajeynaynaa inuu alle ku guuleyo imtixaanka ay galleen.
08/05/2026
WARBIXIN KOOBAN OO KU SAABSAN IMTIXAANKA
Mahad iyo ammaan Allaha awoodda leh kadib, waxaa si habsami leh noogu qabsoomay imtixaankii ardayda ee ka bilowday maalintii Khamiista kuna soo dhammaaday maalintii Jimcaha.
Imtixaanka ayaa ku dhacay jawi deggenaan, nidaam iyo dadaal ay muujiyeen ardayda, macallimiinta iyo maamulka machadka. Intii uu socday imtixaanku, ardaydu waxay muujiyeen diyaar garow wanaagsan, anshax iyo dadaal ay ugu jireen horumarinta waxbarashadooda.
Sidoo kale maamulka iyo macallimiinta machadku waxay si weyn uga shaqeeyeen ilaalinta habsami u socodka imtixaanka, si ardaydu ugu galaan jawi ku habboon aqoon kororsigooda.
Waxaanna dhawaan ku baahin doonnaa bartayada Facebook-ga sawirro iyo muuqaallo la xiriira habsami u socodkii imtixaanka iyo dadaalka ardayda.
Ugu dambeyn, waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda natiijo wanaagsan iyo guul waarta, waxaana ku boorrineynaa inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda waxbarasho.
Guul iyo horumar ayaan dhammaan ardayda u rajeyneynaa.
07/05/2026
Maanta oo ay tariikhdu tahay 7/5/2026 ,waxaa machadka al hidaaya waxaa ka bilaawanaya imtixaankii teeramka 1aad.
Waxaan ardayda dhammaantood Allah u weydiinneynaa inuu u fududeeyo, oo u ka dhigo kuwo guulleysta.
13/04/2026
Marka qofku lacag la’aan yahay, dad badan ma arkaan awooddiisa ama kartidiisa. Waxaa dhici karta in la iska indho tiro, taladiisana aan la dhageysan, ama aan la siin tixgelin. Taasi ma aha in qofkaas qiimo la’aan yahay, balse waxay muujinaysaa sida bulshada qaarkeed ay ugu janjeerto waxyaabaha muuqda sida hantida. Laakiin marka qofku lacag yeesho ama uu noqdo qof guuleysta, isla dadkaas ayaa bilaaba inay arkaan. Waxay bilaabaan inay la hadlaan, ixtiraamaan, ama la saaxiibaan, sababtoo ah waxay arkaan faa’iido ama sumcad ku xiran qofkaas. Arrintani waxay muujinaysaa in mararka qaar ixtiraamka dadka qaarkood uu ku xiran yahay dan iyo hanti. Fariinta ugu weyn ee qoraalku gudbinayo waa in qofku uusan qiimihiisa ku cabbirin sida ay dadka kale ula dhaqmaan marka uu sabool yahay ama hodan yahay. Qiimaha dhabta ah ee qofka wuxuu ku jiraa dabeecaddiisa, daacadnimadiisa, aqoontiisa, iyo sida uu dadka kale ula dhaqmo. Lacagtu waxay beddeli kartaa sida ay dadku kuu arkaan, laakiin ma beddeli karto qofka aad dhab ahaantii tahay. Sidoo kale fariintu waxay qofka ku dhiirrigelinaysaa inuu fahmo in dadka qaarkood ay ku qiimeeyaan waxyaabo ku meel gaar ah, sidaas darteed waa muhiim in qofku yeesho kalsooni naftiisa ah oo uusan ku xirnaan qaddarinta dadka kale oo keliya. 🌱
06/03/2026
Naftaada been u sheeg ama run u sheeg – labadaan waddo midkii aad qaaddo ayaad mirihiisa guranaysaa.
Noloshu waa beero la abuuro, naftuna waa beeraleyda ugu horreysa. Erey kasta oo aad ku qanciso naftaada, fikrad kasta oo aad ku beerato qalbigaaga, iyo go’aan kasta oo aad ku dhisto mustaqbalkaaga—waa abuur aad maalin uun goosan doonto.
1️⃣ Haddii aad naftaada been u sheegto…
Marka aad ku tiraahdo:
“Waqti badan baa ii haray.”
“Qof walba sidan ayuu sameeyaa.”
“Anigu ma awoodo.”
“Waxaani waa dhib badan yihiin.”
Waxaad dhisaysaa nolol ku salaysan marmarsiiyo iyo is-qancin been ah. Beentu marka h**e waa mid fudud, laakiin mar kasta oo aad ku celceliso, waxay noqotaa caado. Caadaduna waxay noqotaa dabeecad. Dabeecadduna waa tiirka noloshaada saameynta ku yeesha,
Beenta nafta lagu yiraahdo ma aha mid dadka kale kugu khasbaan; waa mid aad adigu u ogolaatay. Ugu dambayntiina, miraha aad ka gurato waa:
-Qoomamo- Fursado kaa luma, Kalsooni hoos u dhacda iyo Horumar istaaga, iwm,
2️⃣ Haddii aad naftaada run u sheegto…
Runta nafta loo sheego mararka qaar way qaraar tahay:
“Waan khaldamay.”
“Waxaan u baahanahay inaan isbeddelo.”
“Ma dadaalin laakiin waan dayacay.”
“waxa xumaaday Mas’uuliyadda anigaa iska leh.”
runtaani adag tahay balse waa bilowga xorriyadda. Qofka naftiisa run u sheegaa ma aha mid khaldan, balse waa mid geesi ah. Wuxuu doortaa in uu la xisaabtamo naftiisa ka hor inta aan noloshu la xisaabtamin.
Miraha runta waa:
Deganaansho gudaha ah
Kalsooni dhab ah
Horumar joogto ah
Sharaf iyo qiime nololeed
3️⃣ Doorashada adigaa leh
Ma jiro qof ku qasbaya waddada aad qaaddo. Maalin kasta waxaad samaysaa doorasho yar yar—kuwaas oo isu geyntoodu noqdaan noloshaada oo dhan.
Haddii aad rabto guul waarta, naftaada run u sheeg. Haddii aad rabto horumar dhab ah, naftaada run u sheeg. Haddii aad rabto in aad ka fogaato qoomamo mustaqbalka, naftaada run u sheeg.
Sababtoo ah noloshu ma bixiso waxa aad rabto, waxay bixisaa waxa aad u qalanto. Waxa aad u qalantana waxaa go’aamiya waxa aad naftaada ku qanciso.
Ugu dambayn, xasuusnow:
> Naftaada been ha u sheegin si aad u hesho raaxo nafsi iyo qalbi ah,
Naftaada run u sheeg si aad u hesho guul waarta.
Adigaa maanta beeraya, adigaa berrito goosanaya. 🌿
15/02/2026
Gabaygaan waxaa noo hadiyey imaamu shaafici .
Micnaha Guud
Gabaygu wuxuu ku baraarujinayaa qofka inuu:
Ilaahay ku kalsoonaado (tawakkul), maxaa yeelay rizqiga (nolol-maalmeedka) Ilaahay baa bixiya.
Ha ka baqan faqri, sababtoo ah Ilaahay ayaa quudiya xayawaanka, shimbiraha, iyo kalluunka badaha ku jira.
Noloshu waa mid ku-meelgaar ah, qofna ma hubo berrito ama cimrigiisa.
Geeridu waa lama huraan, da’ yar iyo da’ weynba way wada gaari kartaa.
Tuducyada qaarkood waxay tilmaamayaan in:
Qaar caafimaad qaba ay si lama filaan ah u dhintaan.
Qaar faraxsan oo qoslayay ay ku dambayn karaan murugo ama geeri.
Qaar carruur ah oo mustaqbal dheer la filayay ay h**e u dhintaan.
Qaar aroos ahaa ama faraxsan ay naftooda laga qaado xilli aan la filayn.
Ugu dambayn, gabaygu wuxuu xusuusinayaa in qof kasta oo cimri dheer ama gaaban leh uu mar u socdaayo qabriga.
Waxyaabaha Laga Faa’iidayo
1.Tawakkul: Ilaahay ku kalsoonow, hana u malayn in rizqigu kaliya ku yimaado xoog ama xeelad.
2.Qanaaco: Ha walwalin faqri badan, Ilaahay waa Risaaq (bixiyaha rizqiga).
3.Diyaargarow Aakhiro: Maadaama geeridu lama filaan tahay, camalka wanaagsan badi.
4.Is-hoosaysiin: Farxad, awood, ama cimri dheer midna ma aha wax la hubo.
5.Xusuusta Geerida: Waxay qofka ka caawisaa inuu toosnaado oo uusan ku mashquulin adduun keliya.
.معهد الهداية للعلوم الشرعية واللغات
Muuqaal guud oo xafladii shalay ka mid ah.
13/02/2026
Sawiradii xafladii shalay ka dhacday machadka al hidaaya.
Q 2aad
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Luuq