Al-Tibyan Primary School

Call Website Contact the school

Al-Tibyan Primary School Al-Tibyan Primary School Faraca Luuq hoyga waxbarasho tayeysan

Guddoonsiinta abaal-marinnada ardayda Dugsiga hoose
16/09/2026

Guddoonsiinta abaal-marinnada ardayda Dugsiga hoose

Guddoonsiinta abaal-marinnada ardayda kaalmaha h**e galay ee dugsiga dhexe.
16/09/2026

Guddoonsiinta abaal-marinnada ardayda kaalmaha h**e galay ee dugsiga dhexe.

XALFLADDA SHAACINTA NATIIJADA.Waxaa xaflad heer sare ah lagu qabtay dugsiga Hoose-Dhexe ee Al-tibyaan, xafladdaasi oo la...
16/09/2026

XALFLADDA SHAACINTA NATIIJADA.
Waxaa xaflad heer sare ah lagu qabtay dugsiga Hoose-Dhexe ee Al-tibyaan, xafladdaasi oo lagu shaacinayay natiijada Imtixaankii ay ardaydu kaga soo gudbeen sannad-dugsiyeedkii 2025-2026.
Waxa ay xafladdu ka koobnayd shaacinta natiijada, dhiirre-gelinta ardayda iyo abaal-marinta ardayda kaalmaha h**e ka soo galay Imtixaanka.

Waxaa saaka Dugsiga Al-tibyaan soo booqatay Maktabadda Degmada luuq. Iayagoo ardayda u soo bandhigay muhiimadda ay u lee...
13/09/2026

Waxaa saaka Dugsiga Al-tibyaan soo booqatay Maktabadda Degmada luuq. Iayagoo ardayda u soo bandhigay muhiimadda ay u leedahay maktabadda iyo sida ay uga qayb qaadan karaan ballaarinta iyo hurumarinta maktabadda..

Bismillahi, πŸ† BISHAARO IYO HAMBALYOAlxamdulillaah!Maamulka, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bahda Dugsiga Hoose/Dhex...
28/08/2026

Bismillahi,

πŸ† BISHAARO IYO HAMBALYO
Alxamdulillaah!
Maamulka, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bahda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Al-Tibyan waxay bogaadinayaan guushan taariikhiga ah taas oo ah in dugsiga uu kasoo muuqdey kaalinta 9aad guud ahaan dugsiyada ufariistay imtixanka shahaadiga fasalka 8 aad ee Jubbaland isago dugsiga helay dhibca gaaraya 76.80:

Guushan ma ahayn mid ku timid nasiib, balse waa miro ka dhashay dadaal, dulqaad, wada-shaqayn iyo dadaalka joogtada ah ee macallimiinteenna u dhabar-adaygay waxbarashada iyo tarbiyadda ardayda.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa macallimiinta, waalidiinta, maamulka, ardayda iyo qof kasta oo qayb ka qaatay horumarka iyo guusha Al-Tibyan. πŸ€πŸ‘

Hambalyo dhammaan bahda Al-Tibyan! Guushan waa guul wadajir ah, waana tallaabo aan ku sii gaareyno guulo ka waaweyn. πŸŒŸπŸ†

Al-Tibyan β€” Hoyga Aqoonta iyo Tarbiyadda. πŸ“šβ€οΈ

Bismillah, Mahadcelin iyo Hambalyo!...Alxamdulillaah, Alxamdulillaah, Alxamdulillaah! 🀲Maamulka Dugsiga Hoose/Dhexe Al-T...
27/08/2026

Bismillah,
Mahadcelin iyo Hambalyo!...

Alxamdulillaah, Alxamdulillaah, Alxamdulillaah! 🀲

Maamulka Dugsiga Hoose/Dhexe Al-Tibyan wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda shahaadiga ee Jubbaland, gaar ahaan ardayda dugsiga Al-Tibyan oo ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga fasalka 8aad ee Jubbaland, sannad dugsiyeedka 2025–2026.

πŸŽ“ 10-ka arday ee Dugsiga Al-Tibyan u fariisatay imtixaanka dhammaantood way gudbeen, iyagoo keenay natiijooyin aad u wanaagsan.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa macallimiinta Dugsiga Al-Tibyan dadaalkooda, dulqaadkooda iyo doorkooda ku aaddan guusha ardayda.

Hambalyo dhammaan ardayda!

Al-Tibyan, hoyga aqoonta iyo Tarbiyadda!

Bismillaah OGAYSIIS Bulshada ku dhaqan degmada Luuq iyo hareeraheeda waxaan ogaysiinaynaa in dib loo furayo is-diwaageil...
25/08/2026

Bismillaah
OGAYSIIS
Bulshada ku dhaqan degmada Luuq iyo hareeraheeda waxaan ogaysiinaynaa in dib loo furayo is-diwaageilnta ardayda ee sannad-dugsiyeedka 2026 - 2027.
Hadafkeennu waa horumarinta bulshada iyo tarbiyada da' yarta.

Imtixaankii dugsiga Hoose.
01/07/2026

Imtixaankii dugsiga Hoose.

Maalinkii 4aad ee Imtixaanka
29/06/2026

Maalinkii 4aad ee Imtixaanka

Bismillaah, Waxaan dhiirrigelin iyo duco u diraynaa dhammaan ardayda maalinta Sabtida oo ay taariikhdu tahay 13-06-2026 ...
11/06/2026

Bismillaah,

Waxaan dhiirrigelin iyo duco u diraynaa dhammaan ardayda maalinta Sabtida oo ay taariikhdu tahay 13-06-2026 u fariisan doonta Imtixaanka Shahaadiga ah Fasalka 8-aad ee Jubbaland.

Ardaydani waa Dufcaddii 4-aad oo xariir ah oo uu soo saaray Dugsiga Hoose/Dhexe ee Al-Tibyan, kuwaas oo muddo dheer dadaal, samir iyo juhdi geliyey waxbarashadooda.

Waxaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Dugsiga Al-Tibyan, u rajaynaynaa guul, horumar iyo natiijo lagu wada farxo. Ilaahay ha u fududeeyo imtixaanka, hana ka dhigo kuwo gaadha himilooyinkooda iyo riyooyinkooda.

Guul taariikhi ah iyo natiijo sharaf leh Insha Allaah!

Allaha idinla garab galo.

Address

Wadada Garoonka Diyaarada
Luuq

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:40
Tuesday 07:00 - 17:40
Wednesday 07:00 - 17:40
Thursday 07:00 - 17:40
Friday 07:00 - 17:40
Saturday 07:00 - 17:40
Sunday 07:00 - 17:40

Telephone

+252613005355

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-Tibyan Primary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Al-Tibyan Primary School:

Shortcuts

Share

Category