Al-Tibyan Primary School

Al-Tibyan Primary School

Share

Al-Tibyan Primary School Faraca Luuq hoyga waxbarasho tayeysan

Photos from Al-Tibyan Primary School's post 02/05/2026

Dugsiga Al-tibyaan oo ka qayb qaatay soo dhawaynta wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Cabdirashiid Colow, ahna xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

29/04/2026

Bismillah
Wasaaradda Waxbarashada Hidaha & Tacliinta Sare ee Jubbaland waxa ay shaacisay waqtiga rasmiga ee la qaadaayo imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8aad. Waxa uu na bilaaban doonaa 13/6/2026.

Guul baa u rajeynenaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda dugsiga Al-Tibyan insha Allah.

Nasiib wacan!

Photos from Al-Tibyan Primary School's post 28/04/2026

Bismillah,
Hambalyo Hambalyo 🎉⚽️

Waxaa maanta si rasmi ah u soo dhammaaday Tartankii Kubadda Cagta ee Fasallada Dugsiga Al-Tibyan, kaas oo socday muddo isbuuc ah oo ay ka muuqatay tartan adag, xirfad iyo is-dhexgal qurux badan.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa Fasalka 6aad oo ku guuleystay koobka, iyagoo muujiyay adkaysi iyo go’aan adag kadib markii laba final oo h**e laga qaaday, balse ugu dambeyn noqdeen Champions-ka 2026 🏆🔥

Dhanka kale, Fasalka 8aad iyaguna waxay muujiyeen dadaal iyo ciyaar wanaag, hase yeeshee nasiibka ayaa ka hiiliyey.

Ugu dambeyn, mahadcelin ballaaran ayaan u direynaa guddigii soo qabanqaabiyay tartankan oo si hufan u maareeyay, kana dhigay mid xasuus reeb ah 👏

Natiijada ciyaarta finalka ......

Fasalka 6aad 3 - 2 Fasalka 8aad

M.O.T.M: Abdishukri Hire🥇

Hambalyo dhammaan ka qeybgalayaasha tartanka👏⚽️

27/04/2026

Bismillah ,
Waxaa berri subax la ciyaari doonaa ciyaartii k**a dambaysta ahayd( Finalka) oo la wada sugaaye tartanka kubadda cagta ee fasallada dugsiga Al-Tibyan, waxaa na fooda isdari doona labada fasal ee kala ah,

Fasalka 8aad. VS. Fasalka 6aad.
Kick off: 7:40AM

Xusuusin: Fasalka 8aad ayaa horay ugu soo guuleystay tartan noocaan oo kale ah iyagoo fasalka 7aad ah.
Fasalka 6aad na waxa ay finalka imaadeen saddex jeer oo xiriir ah wali na maysan ku guuleysan, sannadkan ma noqon doonaa sannadkoodii?

Saadaali ciyaartaan xiisaha badan !

Daawasho wacan....

27/04/2026

Tartanka Kubbada cagta ee Fasallada dugsiga hoose/Dhexe ee Al-Tibyan.

Ciyaartii xamaasada badneed..

25/04/2026

Bismillah,
Natiijada ciyaartii maanta oo ahayd Semi-final ee u dhexeysay labada fasal ee kala ah 6aad iyo 3aad waxa ay kusoo idlaatay;

Fasalka 6aad 7 - 2 Fasalka 3aad

M.O.T.M : Abdiqani Ibrahim - fasalka 6aad🎖

Fasalka 6aad ayaa u gudbay wareegga k**a dambaysta (Final) tartanka kubadda cagta markoodii saddexaad oo xiriir ah iyaga oo finalka wajihi doona fasalka 8aad.

Hambalyo fasalka 6aad!

24/04/2026

Bismillah,
Qorituurka saddexda fasal ee isku soo hartay,

Semi-final
Sabti: Fasalka 3aad VS Fasalka 6aad

Final : Fasalka 8aad

Nasiib wanaagsan!

Photos from Al-Tibyan Primary School's post 22/04/2026

Bismillah,
Natiijada ciyaartii maanta oo aadka u xammaasada badneed ee u dhexeysay labada fasal ee kala ah 8aad iyo 7aad waxa ay kusoo idlaatay;

Fasalka 8aad 7 - 5 Fasalka 7aad

M.O.T.M : Abdullahi Mohamud - fasalka 8aad🎖

Hambalyo fasalka 8aad!

Photos from Al-Tibyan Primary School's post 21/04/2026

Bismillah,
Natiijada ciyaartii maanta ........

Fasalka 6aad 2 - 2 Fasalka 5aad
Penalty (2-1)

Waxa ay guusha raacday fasalka 6aad!

M.O.T.M : Abdiqani Ibrahim - fasalka 6aad🎖

Hambalyo fasalka 6aad!

Photos from Al-Tibyan Primary School's post 20/04/2026

Bismillah,
Natiijada ciyaartii maanta oo aadka u xammaasada badneed ee u dhexeysay labada fasal ee kala ah

Fasalka 3aad 5 - 5 Fasalka 4aad
Penalty (3-2)

Waxa ay guusha raacday fasalka 3aad!

M.O.T.M : Mohamed Kulmiye - fasalka 3aad🎖

Hambalyo fasalka 3aad!

19/04/2026

Bismillah,
🎉⚽ Tartanka Kubadda Cagta ee Fasallada ⚽🎉

Waxaa si rasmi ah u bilaabanaya berri subax Insha Allah tartanka kubadda cagta ee fasallada dugsiga (3aad ilaa 8aad ), kaas oo ay ardaydu ku soo bandhigi doonaan xirfaddooda iyo dadaalkooda. Waa tartan kor u qaadaya isdhexgalka, anshaxa iyo is-ixtiraamka, isla markaana dhiirrigelinaya hibada dhalinyarada.

Dhammaan fasallada waxaan u rajeyneynaa guul iyo ciyaaro qurux badan insha Allah !⚽

Want your school to be the top-listed School/college in Luuq?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Wadada Garoonka Diyaarada
Luuq

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:40
Tuesday 07:00 - 17:40
Wednesday 07:00 - 17:40
Thursday 07:00 - 17:40
Friday 07:00 - 17:40
Saturday 07:00 - 17:40
Sunday 07:00 - 17:40