18/06/2026
*إنالله و إنا إليه راجعون 🥲
إن الله اخذ وله ما أعطى وكل شئ عنده بأجل مسمي
Anaga oo bahda reer waxaan tacsi tiiraanyo leh la qaysanaynaa qoyskii ay Ka baxday marxuumad fartuun sheekh Cali oo ugu h**eeyo maamulaha dugsiga C/qaadir sheekh Cali waxaana leenahay
Rabi naxriista Jano haka waraabiyo mama fartuun sheekh Cali kitaabkeed midigta Allah Ka siiyo
Qabrigana Allah U waasiciyo
Ehelka iyo qarabadii ay Ka baxdayna Samir iyo imaan Allah Ka siiyo*
16/06/2026
Hambalyo ardayda fasalka 8aad – Dufcadda 12aad, Alfurqaan Primary School ee dhamaysatay imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8aad
Waxaad maanta gaarteen heer muhiim ah oo waxbarasho, kaas oo ah mid ka tarjumaya dadaalkiina, adkaysigiina iyo juhdigii aad muddada dheer soo bixiseen. Maanta waa maalin farxad leh oo astaan u ah guul iyo horumar.
Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan shaqaalaha dugsigu waxay idin la wadaagayaan hambalyo diirran, waxayna idiin rajeynayaan mustaqbal ifaya iyo guulo sare oo aad ka gaartaan imtaxaan natiijo quruxbadan insha Allah📖❤️
09/06/2026
Maanta dugsiga waxaa ka dhacay ciyaar xiiso leh oo kubadda cagta ah oo u dhaxeysay fasalka 6aad iyo fasalka 8aad. Labada fasal waxay soo bandhigeen ciyaar aad u adag oo ay ka muuqatay dadaal iyo tartan xooggan.
Ciyaarta ayaa waqtigii rasmiga ahaa ku dhammaatay barbardhac 1:1, waxaana loo gudbay gool kulaadl si loo kala saaro labada kooxood. Ugu dambeyn, fasalka 6aad ayaa ku guuleystay rigoorayaasha, waxayna noqdeen kooxda guusha la raacday.
Ciyaartan waxay noqotay mid lagu xasuusan doono tartan iyo isboorti wanaagsan.
08/06/2026
– Ciyaarta Finalka
Berri subaxi h**e ayaa la ciyaari doonaa ciyaarta k**a dambaysta ah ee u dhexeysa fasalka 8aad iyo fasalka 6aad( b), taasoo ka dhici doonta Ganaane Stadium. Labada fasal waxay soo bandhigeen ciyaaro xiiso leh intii uu tartanku socday, waxayna si weyn ugu diyaar garoobeen finalkan.
Ciyaartu waa mid aad loo sugayo, waxaana la filayaa in ay noqoto mid adag oo xiiso badan.
Ogu dambeyntii kasoo qeyb galkoodu waxa uu inooyahey dhiiri gallin.
Dugsiga Alfurqaan Primary School .
02/06/2026
TACSI TIIRAANYO LEH
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Alfurqaan Primary School waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii dhammaan geerida ku timid marxuum Ahmed Ali Sigad (Joon) samir iyo imaan rabbii haka wadasiiyo
Rabbi naxariisti janno hasiiyo , kitaabkiisa gacanta midig eebe haka siiyo marti lajecelyahey Allah haka dhigo amiin amiin amiin 🤲🤲
26/05/2026
CIID WANAAGSAN
Dhammaan Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Al furqan primary school Waxay hambalyada Ciidul Adxa la wadaagayaan dhaman muslimiinta daafaha caalamka ku kala nool qaasatan ummada soomaliyeed
Allaah Caafimaad iyo Barwaaqo hanagu gaarsiiyo Ciidaan ciideeda kale.
Aamiin. AMiin amiin amiin ..
13/05/2026
🌟⚽ Xiddiga Ciyaarta ⚽🌟
Hambalyo ciyaaryahanka ku guuleystay Xiddiga Ciyaarta 🏆👏
Waxaad soo bandhigtay ciyaar heer sare ah, dadaal iyo karti muuqata.
Sii wad guulahaaga geesiye! 🔥
13/05/2026
Tartan banooni ah oo aad u xiiso badan ayaa dhexmaray fasallada 5aad (B) iyo 5aad (T) ee League School, iyadoo guul weyn ay ku raacday fasalka 5aad (T) oo ku adkaaday 8 – 0.
Tartankan ayaa qeyb ka ahaa sanadkii labaad ee tartamada uu qabanayo Dugsiga Alfurqaan Primary School kaas oo lagu dhiirrigelinayo ardayda dhinaca ciyaaraha, aqoonta iyo wadajirka.
Jawiga tartanka wuxuu ahaa mid farxad iyo xamaasad leh, waxaana ardaydu muujiyeen dadaal iyo ciyaar wanaag.
Hambalyo hambalyo fasalka 5aad ( T) oo ugudbey wareega xiga ee tartanka..
11/05/2026
Waxaa maanta dugsiga Alfurqaan Primary School ka dhacay tartan xiiso badan oo u dhexeeyay gabdhaha iyo wiilasha ardayda. Tartanku wuxuu ahaa mid ay ka muuqatay dadaal, firfircooni, iyo iskaashi wanaagsan. Labada dhinacba si adag ayay u tartameen, balse ugu dambeyn gooshu waxay raacday wiilasha oo guul weyn gaaray. Ardayda iyo macallimiintuba waxay ku ammaaneen dhammaan ka qeybgalayaasha anshaxa iyo ciyaar wanaagga ay muujiyeen.
03/05/2026
Bismillah
Waxa malinta isniinta Tariikhdu Tahay 4.5.2026 Alfurqaan Primary School lagu qaban dona Tartan aqooneed udhexeya kooxo laga soxulay wiilasha iyo gabdhaha dugsiga.
Ardayda oo ka kooban dhamman fasalada uu dugsiga ka kooban yahay.
Waxana lagu tartami doona dhamman maadooyinka lagu barta dugsiga. Tartanka waxa uu ka kooban yahay laba waji
Wajiga koowaad
1.Tarbiya
2. English
3. Xisaab
4. Cilmiga bulshada
Wajiga labad
1.carabi
2.saynis
3.somali
4.xisab
Tartanka waxa uu dhiiri gelinaya dadaalka, aqoonta , kartida iyo kaqeyb qaadashada tartanka .
Kaqeyb galayasha tartanka guul ban idin rajeynaya .