Darwiish Primary and Intermediate Schools

Darwiish Primary and Intermediate Schools

Share

Pageka Rasmiga Ah ee Darwiish Primary And Intermediate School Las'anod Waqooyi Bari Somalia

19/03/2026

๐ŸŒ™โœจ Eid Mubarak โœจ๐ŸŒ™

Maamulka iyo Macallimiinta Darwiish Primary and Intermediate Schools waxay hambalyo diirran u dirayaan dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidda..

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii aan soo gudanay, hana ka dhigo ciiddan mid nabad, barwaaqo iyo farxad leh. โค๏ธ

Eid Mubarak โค๏ธ๐ŸŒ™.

16/03/2026

๐Ÿ“ข ๐Ž๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ

Maamulka Darwiish Primary and Intermediate Schools wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta sharafta leh in iskuulku fasax yahay Dhammadka munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadan iyo Ciida awgeed. ๐ŸŒ™

Waxaan idiin rajaynaynaa Ramadan barako leh iyo Ciid farxad iyo nabad ku dheehan tahay. Alle ha inaga aqbalo soonka iyo cibaadada wanaagsan.
๐Ÿคฒ
Iskuulka waxa lagusoo Laaban Doonaa Maalinka ๐€๐ฑ๐š๐๐š oo Ay bishu ku beegan Tahay ๐Ÿ๐Ÿ/๐Ÿ‘/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” insha allah.

Ramadan Kariim โ€” Ciid Mubaarak ๐ŸŒ™โœจ

27/02/2026

๐—๐˜‚๐—บ๐—บ๐—ฐ๐—ฎ๐—ต ๐— ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ธโค๏ธ

Jimce wanaagsan alle Soonka,salaada,io dhammaan cibaadada alle ha inaga Aqbalo.

Photos from Darwiish Primary and Intermediate Schools's post 26/02/2026

๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—บ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿญ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, kuna dhacday jawi farxad iyo Raynrayn leh, ayaa loo qabtay ardaydii kaalmaha sarre ka gashay Imtixaankii Kalka Koowaad ee Sanad Dugsiyeedka 2025/2026.

Munaasabaddan qiimaha leh waxaa lagu maamuusay laguna abaalmariyey ardaydii muujisay dadaal, karti iyo anshax suuban. Waxaana goob-joog ka ahaa Maamulka, macalimiinta, ardayda iyo dhammaan shaqaalaha Darwiish Primary and Intermediate Schools , kuwaas oo mar walba u taagan kobcinta tayada waxbarashada iyo tarbiyadda jiilka soo koraya.

Ardayda sharafta leh, guushiinnu waa mid ka dhalatay dadaal joogto ah iyo himilo sare. Ha u arkina abaalmarintan dhammaad, balse ka dhigta bilow cusub oo aad ku sii xoojisaan aqoontiinna iyo kartidiinna. Mustaqbalkiinnu waa mid ifaya, dadaalkiinnuna waa furaha guusha.

Dugsiga Darwiish wuxuu astaan u yahay horumar, hufnaan iyo dhiirrigelin joogto ah, isaga oo mar walba ku dadaala soo saarista arday aqoon iyo akhlaaq leh.

Hambalyo dhammaan ardaydii la maamuusay โ€” guushiinnu ha noqoto mid sii waarta, Allena ha idiin barakeeyo cilmigiinna iyo mustaqbalkiinna. ๐ŸŒŸ๐Ÿ“š

Wabillaahi Towfiiq.

19/02/2026

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†
Maamulka, macalimiinta iyo dhammaan shaqaalaha Darwiish Primary and Intermediate Schools waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Ayuub Cabdiqaadir Maxamed Cali .

Wuxuu ahaa arday akhlaaq wanaagsan oo cibaado badan Qoyskiisa iyo bahda waxbarashada ,Alle samir iyo imaan haynga siiyo .

Wuxuu ka mid ahaa dufcadii 5AAD Ee Dugsiga ka baxday 2023/2024 Haddana wuxuu ka mid ahaa Ardayda Fasalka 2aad Ee Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, dembiyadiisana dhaafo. Samir iyo iimaan Alle haka siiyo dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.

Alle ha u naxariisto, Aamiin.

18/02/2026

๐—ฅ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—บ๐ŸŒ™

Maamulka, Macallimiinta iyo dhammaan Shaqaalaha Darwiish Primary and Intermediate Schools waxay u hambalyeynayaan dhammaan Ummadda Islaamka ah bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Alle ha inagu gaadhsiiyo bishan bisheeda bashbash, barwaaqo, nabad iyo cibaado suuban.

Ramadan Kariim ๐ŸŒ™

Photos from Darwiish Primary and Intermediate Schools's post 01/02/2026

๐ŸŽ“โœจ๏ธ ๐Ÿญ๐Ÿฌ๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† ๐—ฒ๐—ฒ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† [๐—ง๐—ผ๐—ฝ ๐Ÿญ๐Ÿฌ]โœจ๏ธ๐ŸŽ“

Maamulka iyo Macallimiinta Darwiish Primary and Intermediate Schools waxay hambalyo u dirayaan Ardayda Gashay 10ka Kaalmood ee ugu sarreeya.

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐Ÿ“šโœจ๏ธ๐ŸŽ“

30/01/2026

๐ŸŽ“ ๐—ข๐—ด๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ถ๐˜€ ๐— ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—บ ๐—”๐—ต

Maamulka Darwiish Primary and Intermediate Schools wuxuu ku wargelinayaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bulshada ku xeeran in iskuulku Dib u Furmayo Berri oo Sabti Taariikhduna Tahay ๐Ÿน๐Ÿท/๐Ÿท/๐Ÿธ๐Ÿถ๐Ÿธ๐Ÿผ Insha Allah.

Wabilaahi Towfiiq.

16/01/2026

๐— ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ผ๐—ผ๐˜„

Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Darwiish Primary and Intermediate Schools Waxay Si Mug Iyo Miisaan leh Usoo Dhaweynayaa Madaxweynaha Dalka Mudane Hassan Sheikh Mohamud Mudane Madaxweyne Kusoo Dhawoow Caasimada Maamulka Waqooyi Bari.

16/01/2026

๐— ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐—ฅ๐—ฎ'๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ผ๐—ผ๐˜„

Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Darwiish Primary and Intermediate Schools Waxay Si Mug Iyo Miisaan leh Usoo Dhaweynayaan Ra'iisul Wasaaraha Dalka Mudane Hamza Abdi Barre Mudane Kusoo Dhawoow Caasimada Maamulka Waqooyi Bari.

14/01/2026

Maanta Oo Ay Taariikhdu Tahay ๐Ÿท๐Ÿบ/๐™น๐šŠ๐š—/๐Ÿธ๐Ÿถ๐Ÿธ๐Ÿผ Waxaa si Habsami Leh Dugsiga Darwiish Primary and Intermediate Schools Ugusoo dhamaaday Imtixaankii kalka kowaad ee Sanad Dugsiyeedka 2026-2027 Waxaana Dugsigu U Rajeynayaa Ardayda Guul iyo Natiijo Wacan Waxaana Dugsiga Lagusoo laaban Doona ๐Ÿน๐Ÿท/๐™น๐šŠ๐š—/๐Ÿธ๐Ÿถ๐Ÿธ๐Ÿผ Hadii Alle Uu idmo.
Wabilaahi Towfiiq.

Photos from Darwiish Primary and Intermediate Schools's post 07/01/2026

๐™ฐ๐š›๐š‹๐šŠ๐šŒ๐š˜ ๐Ÿฝ/๐Ÿท/๐Ÿธ๐Ÿถ๐Ÿธ๐Ÿผ

waxaa Maalinkii 3aad Dugsiga Darwiish Primary and Intermediate Schools Uga socda Si Habsami Leh Imtixaankii kalkii 1aad ee Sanad Dugsiyeedka ๐Ÿธ๐Ÿถ๐Ÿธ๐Ÿป/๐Ÿธ๐Ÿถ๐Ÿธ๐Ÿผ.

Want your school to be the top-listed School/college in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Bisha Cas Lasanod Waqooyi Bari
Laascaanood

Opening Hours

Monday 06:00 - 00:00
Tuesday 06:00 - 00:00
Wednesday 06:00 - 00:00
Thursday 06:00 - 00:00
Saturday 06:00 - 00:00
Sunday 06:00 - 00:00