๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐๐ข๐ข ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ โ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐
Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda Ilays ayaa maanta si wayn uga qayb qaatay munaasabadda Xuska Sanad-guuradii 1-aad ee aas-aaska Dowladda Waqooyi Bari.
Jaamacaddu waxay u rajaynaysaa Dowladda iyo shacabka Waqooyi Bari midnimo, nabad waarta, horumar joogto ah, iyo Barwaaqo Sooran.
Guul iyo Gobonimo
INUSA MEDIA OFFICE
[email protected]
Lascanod, sool somalia
Midawga Ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Midawga Ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays, College & University, ilays university, Laascaanood.
INU Students Association helps students learn new skills, become good leaders, and find job opportunities so they can do well in school and become future leaders.
07/07/2026
๐๐๐ก๐๐๐ง๐๐ช ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ข๐ง
Jaamacadda Ilays waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa una bogaadinaysaa ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ ๐. ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐, dadaalka hagar laโaanta ah iyo adeegga mutadawacnimo ee ay bulshada ugu fidisay, gaar ahaan waxbaridda carruurta aan helin fursado waxbarasho.
Iyadoo lagu aqoonsanayo kaalinta qiimaha leh ee ay ka qaadatay horumarinta bulshada iyo dhiirrigelinta waxbarashada, Jaamacaddu waxay ku maamuustay ๐๐๐๐ช ๐ฐ๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐ (๐
๐ฎ๐ฅ๐ฅ ๐๐๐ก๐จ๐ฅ๐๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ)
inta ay ku guda jirto waxbarashadeeda Jaamacadda Ilays.
Sidoo kale, Jaamacadda Ilays waxay ku howlan tahay raadinta fursad shaqo oo ku habboon Luula A. Bille, si loo taageero loona dhiirrigeliyo shaqsiyaadka bulshada ugu adeega aqoontooda, dadaalkooda iyo daacadnimadooda.
Jaamacadda Ilays waxay rumaysan tahay in aqoonsiga iyo garab istaagga dadka bulshada u adeegaa ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo bulsho aqoon iyo horumar ku tallaabsata.
04/07/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐.
Barnaamijka Luuqadda Ingiriisiga ee Jaamacadda Ilays(INU English Program) wuxuu ku wargelinayaa dhammaan bulshada in si rasmi ah loo bilaabay diiwaangelinta fasallo cusub oo heerarka kala duwan ah: ๐๐, ๐๐, ๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐.
Haddii aad ka mid tahay dadka doonaya inay si waxtar leh uga faaโiideystaan xilliga fasaxa, isla markaana kor u qaadaan aqoontooda iyo xirfadahooda Afka Ingiriisiga, tani waa fursad muhiim ah oo kugu habboon.
Barnaamijku wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa horumarinta afarta xirfadood ee aasaasiga ah ee luuqadda: Hadalki, Qoraalka, Akhriska iyo Dhegaysiga, iyadoo la adeegsanayo manhaj casri ah iyo hab waxbarasho tayo sare leh.
Sidoo kale, waxaa la ogaysiinayaa dhammaan ardaydii h**e isu diiwaangelisay in habeen danbe oo ku beegan ๐-๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ, ๐๐๐๐, la qaban doono kulan uu ujeedadiisu tahay in arday kasta lagu asteeyo fasalka ku habboon heerkiisa iyo awooddiisa waxbarasho.
12/06/2026
Ilays National University
Kalmaddii Guddoomoayaha Cusub ee midawga ardayda Jaamacdda Ummadda ilays mudane Abdihakiim Abdinaasir Mohamud, oo daaranayd ballanqaad iyo mahad celin.
Kalmaddii Hormuudka Kulliyadda Maamulka Ganacsiga (BBA), Ustaad Maxamuud Cabdiqani Axmed isagoona u ballanqaaday Midawga ardayda inuu siinayo labo tababar ku saabsan xaga maamulka.
06/06/2026
Waxaa si guul leh u qabsoomay habeenimadii xalay munaasabadda xil-wareejinta Guddoomiyaha Midawga Ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays.
Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda jaamacadda, maamulka kulliyadaha, macallimiin, masuuliyiin kala duwan, marti-sharaf iyo arday tiro badan.
Munaasabadda waxaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyihii h**e ee Midawga Ardayda, halka uu xilka si rasmi ah ula wareegay guddoomiyaha cusub ee Midawga Ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays iyo ku-xigeenkiisa.
Masuuliyiintii iyo marti-sharaftii ka hadashay munaasabadda ayaa bogaadiyay shaqadii iyo dadaalkii ay qabteen madaxdii h**e, iyagoo sidoo kale hambalyo iyo dardaaran u jeediyay hoggaanka cusub si ay u gutaan waajibaadka culus ee loo igmaday.
Ugu dambayn, Midawga Ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan madaxda, marti-sharafta, macallimiinta iyo ardaydii kasoo qayb gashay munaasabaddan muhiimka ah, kana qayb qaatay guusha iyo quruxda xafladda.
16/05/2026
Qayb kamida sawirrada doorashada midawga ardayda jaamacdda ummadda ilays
16/05/2026
Hambalyo Hoggaanka Cusub ee INUSA 2026
Waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan Guddoomiyaha cusub ee Golaha Fulinta Midowga Ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays (INUSA) mudane Abdixakiim abdinaaair mohamud , iyo Guddoomiye Ku-xigeenka cusub Marwo Umul Khayr Ali yusuf, kuwaas oo ku guulaystay doorashadii caawa qabsoontay.
Sidoo kale bogaadin gaar ah waxaa mudan Cabdiwaahid oo muujiyay tartan qurxoon laakin aysan guushu raacin. Guushani waxay ka tarjumaysaa kalsoonida iyo taageerada ay ardaydu u muujiyeen hoggaanka cusub.
Waxaan idiin rajaynaynaa hoggaan wanaagsan, wadajir, daacadnimo, iyo inaad si hufan ugu adeegtaan ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays.
Hambalyo dhammaan ardayda, guddiga doorashada, iyo cid kastoo ka qaybqaadatay inay doorashadu ku dhacdo jawi nabdoon, caddaalad ah, oo xasilloon.
Alle ha idiin fududeeyo masuuliyadda cusub.
15/05/2026
๐ข Waxaa caawa qabsoomasa doorashada Golaha Fulinta Midowga Ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays (INUSA) 2026.
Doorashada ayey ardaydu ku dooranayan gudoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka midawga ardayda jaamacadda ummadda ilays. Waxayna musharrixiintu kusoo bandhigayaan aragtiyaha iyo qorshayaasha u taagan ee ay u qabanayaan ardayda iyo jaamacadda , waxaana la rajaynayaa inay ku dhacdo jawi hufan, caddaalad ah oo Xasilloon.
Waxaa lagu martiqaadayaa ardayda Jaamacadda Ummadda Ilays iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay kasoo qayb galaan doorasha caawa si ay ula socdaan hannaanka doorashada iyo barnaamijyada musharrixiinta.
๐ Goobta: Rays Hotel
๐ก Waqtiga: Caawa 6:30 PM
๐
Taariikhda: 15-05-2026
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Laascaanood