Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga

Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga, School, Laascaanood.

Photos from Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga's post 23/10/2025

Fiid wanaagsa.

Maanta oo taariikhdu ahayd 23/10/2025, waxaa dugsiga H/dhexe iyo sare ee Xargaga, ka qabsoontay doorashadii sannadlaha ahayd ee guddida ardayda, taasoo si wanaagsan iu soo dhammaatay. Ilaahay baa ku mahadsan, intaa kaddibna dhammaan ka qaybqaatayaashii macallimiin iyo ardayba.

Waxaan u mahadcelinaynaa guddoomiyayaashii h**e oo uu ugu horreeyo C/naasir Xuseen Xasan iyo Shukri Ibraahim Jaamac, way ku mahadsanyihiin sida wanaagsan, ee hufnaanta, xilkasnimada iyo shaqo wanaagga leh ee ay u guteen hawlihii loo xilsaaray muddadii ay xilka hayeen.

Sidoo kale waxaa iyaguna mahadsan kuxigeennadii, oo iyaguna barbar taagnaa si wanaagsanna ula shaqaynayay guddidii ka sarraysay.

Sidoo kale waxaan hambalyo, bogaadin iyo soo dhawaynba u diraynaa guddida cusub ee la doortay, waxaan Ilaahay uga baryaynaa in uu xilka u fududeeyo, iyagana waxaa laga filayaa in ay si hufnaan iyo xilkasnimo leh u gutaan xilkooda muddada ay hayaan, kuna dedaalaan caddaaladda iyo toosnaanta.

Maamulka waxbarashada degmada Xargaga.

22/10/2025

Berri oo khamiis ah waxaa Dugsiga H/dhexe iyo sare ee Xargaga ka qabsoomi doonta doorashadii guddida ardayda, taasoo ah doorasho sannadle ah oo sannadkii saddexaad si xidhiidh ah uga qabsoomaysa halkaas.

Haddii Ilaahay idmo, waxaa inoo qabsoomi doonta doorasho qof iyo cod ah, ku dhisan Hufnaan, kala danbayn iyo caddaalad.

Guulaysta.

Photos from Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga's post 21/08/2025

أبنائي وبناتي الطلاب والطالبات،
تحية فخر واعتزاز أزفها إليكم جميعًا، فقد كنتم على قدر المسؤولية، وبذلتم من الجهد ما يستحق أن يُذكر ويُشكر.

أهنئكم جميعًا على اجتياز هذا العام الدراسي، وأخصّ بالذكر أولئك الذين أحرزوا المراتب المتقدمة، فأنتم نجوم مضيئة في سماء التميز، ونبراس يُهتدى به في درب الاجتهاد والطموح. لقد أثبتم أن المثابرة والإصرار طريق إلى النجاح، وأن لكل مجتهد نصيب.

ولا يفوتني أن أذكّر الجميع: أن النجاح لا يُقاس بالدرجات فقط، بل بالنية الطيبة، والعمل المتواصل، والخلق الكريم. فاستمروا في العطاء، واسعوا للأفضل دائمًا، فإن الغد أجمل لمن استعد له اليوم.

فألف مبروك لكم جميعًا، ودمتم فخرًا لمدرستكم، وأملًا لمستقبلكم، وزينةً لأهلكم وأمتكم.

21/08/2025

Hambalyo dhammaan Ardayda ka gudubtay imtixaankii fasalla 8aad, una gudubtay dugsiga sare.

Si gaar ah waxaan hambalyo ugu dirayaa ardayda degmada Xargaga ee kaalmaha h**e ka gashay imtixaankii la galay, si gaar ah Jaamac Axmed Cabdullaahi. Dhammaantiin guulaysta.

Photos from Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga's post 02/12/2024

Waa maalin shaqo.

Photos from Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga's post 17/10/2024

Shalay oo ay Taariikhdu Ku beegnayd 13/04/1446 Hj, waafaqsanna 16/10/2024, waxaa Dugsiga Xargaga ka qabsoomay kulan aqoon is waydaarsi ah. Kulankan oo ahaa mid kor loogu qaadayay wacyiga iyo aqoonta ardayda ayaa usbuucan ku saabsanaa 'Saamaynta taban iyo midda togan ee uu leeyahay baraha bulshadu"

Kulankan waxaa looga hadlay sadex Qodob oo muhim ah, kuwaas oo kala ahaa:

1: Taariikhda Baraha bulshada.
2. Qaybaha ugu caansan Baraha bulshada.
3. Saamaynta togan iyo taban ee Ka dhalan karta baraha bulshada.

Intii barnaamijku socday waxa lagu soo bandhigay Daraasado iyo Cilmi-baadhiso laga sameeyay baraha bulshada.

Barnaamujka waxaa soo jeediye ka ahaa Ustaad Abdiwali A. Kaarshe oo ka mid ah barayaasha magaalada.

Ugu dambayn ustaadku, waxa uu Ku soo gunaanaday talooyin Ku aadan isticmaalka baraha bulshada. Wuxuuna kula dardaarmay ardayda in baraha bulshada looga faa'iidaysto dhanka wanaagsan.

Eebbaa mahad leh .

12/10/2024

Maahmaahyo

Photos from Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga's post 03/10/2024

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/03/1446 kuna beegan 02/10/2024, waxaa dugsiga hoose dhexe ee magaalada Xargaga ka qabsoomay tababar ku saabsan wax akhrinta toolmoon, waxaana kasoo qaybgalay ardayda kala duwan ee magaalada wax ka barata, gaar ahaan kuwa Schoolka iyo Mac-hadka hoose dhexe ee Imaamu shaafici.

Barnaamujka waxaa si qoto dheer loogu lafaguray shan qodob oo lagama maarmaan u ah wax akhrinta toolmoon, kuwaas oo kala ah:

1: In ay jirto hadaf iyo yool uu qofku ka leeyahay wax akhrinta.

2: Joogtaynta wax akhrinta.

3:Helidda wixii la akhrin lahaa.

4: In wakhti loo sameeyo akhrinta.

5: samaynta jawi ku habboon wax akhrinta.

Banaamujka waxaa soo jeedinayay Ustaad C/salaam Ibraahim Cabdi, waxaana kala qayb qaatay macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada ee magaalada.

Alle ayaa mahad iska leh.

Photos from Dugsiga H/Dhexe iyo sare ee Xargaga's post 22/09/2024

Sawirradii Xafladda.

Want your school to be the top-listed School/college in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Laascaanood