30/10/2024
Xafladda dahfurka xarunta horumarinta cilmi baadhista mamulka khaatumo
kDRC is a nonpartisan, nonprofit, and an independent research center dedicated to peace building , promotes democratization and development
30/10/2024
Xafladda dahfurka xarunta horumarinta cilmi baadhista mamulka khaatumo
04/05/2020
Jeedaalid kooban: Guurka Soomaalidii h**e.
------------- ~ W.Q: Abdirizak Lawland
"Gabdhihii waxay Lee yihiin,
raggii gododlay noqdeen,
iyagaa goobta xun nadhigay,
galabtii walba waa aroos,
galbisna uma baahanee,
gableey shimbir bay tuntaan,
guurkii sida geed ma dhalay,
gayaankii miyuu gablamay". Axmed Naaji sacad.
Waa sidaas e, adduunka oo idil wax waliba waxaa ay umuuqdaan kuwa ku xiiso leh sidii ay baryo samaad ahaan jireen! Waana sababta xikmadda guunka ahi utibaaxdo "wax waliba asalkiisa ayey ku laabanayaan". Ufiirso maryaha jeexjeexan oo xarragada ah, dhalinyarada garka labaxaysa tusbaxana qoorta suranaysa iyo lamid-ka waxyaabo badan, kol h**e waxaa ay ahaan jireen kuwa liddi ku ah sida ay maanta yihiin!
Soomaalidii h**e waa ammin aan ka ciddo tiigsanayno ku dhawaad hal qarni iyo dheeraad (=1900m).
Xaaladda guurka ee xiligaas waa marxalad sida caadiga ah la jaanqaadaysay waayaheeddii nololeed.
Marka ay dhacdo xaalad guur waxaa yimaada arimo waawayn oo dhaqan bulsheed ah. Guurka shishe [Oxogamy]. Waa xeer dhaqameed inta badan dunida laga tixgaliyo, oo ah: in ay wanaagsan tahay labada qof ee is guursanaya in aanay ehel dhow isku noqon. Guurka dadka hiddeside ahaan kala fog waa xaqiiqo caafimaad oo ay dhakhtarradu xaqiijiyeen, maaddaama fursadda cudur huursan uu kusoo bixi karaa ay sarrayso. Soomaalidii h**e iyadoo aan ogayn xogahaas, haddana waxa ay isu guursan jireen sida loo kala ood dheeryahay. Waxa arrintan ay lahayd faa,idooyin bulsheed oo badan. Qoraaga Cabdale Cumar Mansuur ayaa sheegay in dad badan oo Soomaalida magac ku dhex leh ay ahaayeen dad deegaamo kala duwan isirkoodu kasoo jeeday, isaga oo taxay liis ka dad ay ka midyihiin: Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, Cali dhuux, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Cabdilaahi Yuusuf, Maxamed Siyaad Barre, Cabdillaahi Ciise, Maxamed Ibrahim Hadraawi iwm. Qoraa Xabdalle waxaa uu qabaa in tayada qofka iyo bulsho ahaan kaalin galnimadiisa ay kaalin weyn kaga jirto arintaasi. Tusaale ahaan, Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa halgankiisii u saamaxay inuu si aad ah dhulal kala durugsan ugu fido waa haybtii kala duwanayd ee uu ku lahaa xidhiidhka [Hooyadii oo reer Caymeed ahayd, xaaskiisa oo reer Bari ahayd iyo isagoo reer Hawdka fog ahaa].
Taariikh yahannadu waxaa ay aaminsan yihiin sababta dalka Pakistan ay ugu badan yihiin caruurta ku dhasha habka silloon (deformation) in ay tahay guurka dadka qaraabada aadka iskugu dhow oo ku badan dalkaasi. Waxaa kale oo jiray xeerer dhawr ah oo Soomaalidu ugu abqaalmi jirtay dhaqan ahaan xaaladda guurka, muhiimna u ahaa dhismaha qoyska iyo kala dambaynta. Saarka calmashadu/dookhu waxaa u ahaan jiray mid haldhinac ujanjeera. Gabadha qoyskeeda iyo hiddo raacnimada sumado gaar ah ayaa lagu qiimayn jiray ka hor inta aan iyada qof ahaan loo qiimayn. Waxay tani salka ugu aruraysaa dhaqan dunidu haba ku kala darnaatee ka jiray ee haweenka xuquuqahooda lagu duugsiin jiray, xaaladaha guurkuna qayb ayaa ay ka ahaayeen. Dulmi wadareedkan ayaa tan iyo haatan si wayn uga jira meela badan oo ka mid ah dunida, gaar ahaanna caalamka carabta. K**a gayoon karno xadiga foolxumada ee haweenku soo mareen haddii aan ka hadalkeed galno.
Soomaalidii h**e dhanka sariirta iyo baashaynta lammaane-nimo in ay ka ahaayeen badaw aan aqoon ulahayn raaxaysiga xirfadaysan iyo erayada gacaloowga sababa, waxaa ka daba timid doodda oranaysa: xilliyadii h**e galmadu waxaa ay ahayd mid aad umacno wayn. Muddo iyo muddana ay suurtagal tahay lammaanihii hal habeen wadaqaadattaa in ay kala qattanaan karaan waqti dheer xasuusta tii h**e oo muddo jiitamaysa awgeed. Hubaasha ayaa ah markasta oo dumar ka iyo ragga is dhexgalka bulsho uu ku batto xiriirkooduna ku salaysnaado dareen gudasho oo keli ah iyo maarayn la'aan la jirta, waxaa yaraata baahida jinsiga ah ee lab ka iyo dhaddigu si macaansi leh iskula gudan karaan xilliyada galmada. Ku Alle-hoode, waxaa la sheegaa dalka Faransiiska xaaladdu in ay gaartay labada is qaba inta ay guryahooda ka waayaan dareen galmo oo ay si dhadhanleh ugu raaxaystaan in ay kalifto in ay iskula soo baxaan shaaricyada iyo meela aan munaasib ku ahayn ku gudasho "galmaysi" si ay uga helaan dhadhan xeel dheer habka aan caadiga ahayn ee hawshu ku dhacayso iyo indhaha dadka!
Guurka Soomaalidii h**e ayaa ah mid ka adag ka maanta marka laga eego dhanka qaadista mas'uuliyadda, haasaawidda iyo masruufka reerka, kana fudud marka laga eego noocyadii uu ku dhici jiray guurkii h**e oo siyaabo badan ku imaan jiray. Suugaan ayaa aalaaba gabdhaha lagula haasaawi jiray. Waxaana soo dooni jiray ninkii leh meesi xoolaad oo uu geelu ugu mudan yahay. Doonis, lattegis (meher-xad), Dhabar-garaac, Xigsiisan, Dumaal, Heeran, Godob reeb iyo kuwo kale ayaana ka mid ahaa noocyadii hablaha loo guursan jiray.
Meher-xadku waxaa uu ahaa nooc Soomaalidu aad u isticmaali jirtay si ka badan sida hadda. Muranka udhexeeya wadaadaha diinta ayaa hoos udhigay adeegsiga Meher-xadka , xili wadaadihii suufiyada ee iyagu aadka u aaminsanaa muddooyinkii udambaysa arimaha bulshada ugaga itaal bateen salafiyiintu. Dad badan ayaa aaminsan guurkaasi in uu wax badan kala fududayn jiray haddii loo raaco habraac-ciisii h**e.
"Masaafada wadaad meheriyoo meel cidla a jooga,
oo aan masuul iyo ku xidhin mudanihii aabbe,
Muraad fuliye maselada yaqaan lagu midaynaayo".
Caruurtii xilliyadii h**e dhalanaysay ayaa ahayd mid duruuf badan la kawsata isla jeerka ay dhashaan. Adayg, kuf iyo kadeed ayaa ay ku barbaarijireen. Middaas ayaana loo aaneeyaa dabeecad qalafsanaanta iyo qaylada Soomaalidu ka caanka yihiin.
Xashka qormada haddii aan kuusno:-
Marka laga yimaado duruufihii nolosha iyo adduun aragga xiligaasi sababayey ee ay la noolaayeen bulshadii h**e gaar ahaanna Soomaalidii reer guuraaga ahaa. Waxaa jira dhaqommo loo darsaday oo guurkii h**e uu lahaa. Sida laga akhrisankaro guur dhaqameedka ku soobadanaya magaalooyin ka Soomaalida ee aroos dhigashada iyo nooca meherkaba, waxaa jirta boholyoow loo qabo bari samaadkii h**e iyo hiddo dhaqameed loo hiloobay. Dhaqdhaqaaqa Ibba-furan kale iyo wacyi rabitaanka dhaqankii h**e ee Soomaaliyeed oo lagu barxay dhaqanka maanta ayaa muuqda.
Tabab iyo farsamooyin badan oo So.h**e guurka umajeeran jireen 'baaritaannada cilmiyeed' ayaa sugaya faa,idooyin badan oo ku duugnaa.
Hablaha haatan joogana tabasho badan ayaa ay ka muujinayaan ragga maanta iyo waayahoodda guurka. Si taas lammida ayaa eeddu gaashaa is waydaarsi marka ay noqoto yaa 'lumiyey dhaqankii habboonaa'? Walaw dhinacyo kale marka laga eego ay ku doodayaan dadka qaybi in aanay jirin dhaqan lumay oo faa,ido xambaarsanaa, waayo bay dheheen waxaa ay ahayd aqoondarri iyo badawnimo laga qaangaaray.
"Horta baro tacliintiyo,
buuggiyo dhigaalkoo,
badowyahow dib haw celin,
dadka soo baraarugay"!
Erayyo ay ka mid ahaayeen kuwa sare, Abwaan Maxamuud dheeg ayaa xaaladda doodan ka allifay heestii caanka ahayd dabayaaqada lixdameeyadii "beri h**e waxaa jiray". Waxaa ku luuqeeya: Maxamed Jaamac Joof (AUN) iyo Maryan Mursal Ciise
Wadiica Alle
07/04/2020
Safia Haji, (58) was first trained as a midwife, when she was just 18, more than 40 years ago. And since then she has been working in Gardo Hospital, helping mothers deliver their babies. Safia doesn’t remember the number of children she has helped deliver as they first came to the world.
“ Many times, I meet women in the street and they tell me that I helped them deliver their babies, but I don't remember their faces. I have lost count of the babies I have delivered. Actually, I am very happy. I love what I’m doing—helping Somali mothers,’’ she says. Safia, like many other health workers around the world, cannot afford to slow down. Today, they are in the frontlines responding to -19, a pandemic that has affected more than a million people across the world.
So as we celebrate today, let’s recognize the vital role of Safia and the millions of nurses and midwives around the world who continue to risk their lives to ensure people have access to quality healthcare. As governments continue to impose measures necessary to contain the spread of -19, we must all support health workers by giving them necessary resources for them to continue their live-saving efforts. , and them. World Health Organization (WHO) Save the Children East & Southern Africa Region UNFPA Somalia
-Abdirizak Lawland
Muddooyinkii ugu dambeeyey hablaha Soomaaliyeed waxaa ka muuqday baraarug iyo in ay tahay in ay waxbartaan, hal-abuur yeeshaan, shaqaysan karaan si heersare ah.
Balse weli waxaa jira caqabado ka haysta dhimacyo badan, aqoonyahanka Soomaaliyeedna waajib ka saaran yahay in la falkiyaan. tirada hablaha waxbarta marka loo eego tacliinta sare ma ahan kuwo dhamaystirta heerka koowaad ama labaad ee jaamacadaha.
Guurka, fahanka Soomaalida ee hablaha iyo fahan qaloocan oo lagu gaysanayo magac diimeed ayaa ah dhibta ugu wayn ee sababa in aanay dumarka Soomaalidu aqoonta Jaamacadeed heer fiican ka gaarin, horumar badanna aanay ka samayn nolosha.
Malihin habluhu yaanay guursan, dhaqankiyo diintana ha xooreen balse waxaa aynu boorinaynaa si waafaqsan qiyam ka wanaagsan hablahu in ay noqdaan kuwo samayn kara horumar la mid ah kan ay ragu samaynayaan amase ka sareeyaba.
Gabadhu waa ay shaqaysan kartaa, arimaha bulshada hormuud waa ay unoqon kartaa, arimaha siyaasadana sidoo kal, waa ayna guursan kartaa ayada oo aan waxba udhimayn aqoonteeda iyo dhaqankeeda wanaagsan. Waa been, marin habaabin diimeed iyo fahan aad uliita qolyaha dhaha diintu ma ogola habluhu inay hormuud ka noqon karaan arimo ay ka mid tahay hogaanka siyaasadda, arimaha bulshada iyo ganacsiga caalamiga ah.
Bogaadin jaamacadda RSU
04/03/2020
Powerful Somali women:
All three women are from Somaliland originally.
- Amina Mohamed, the Foreign Minister of Kenya, lawyer, diplomat and business woman. She is the former Chairman of the International Organization for Migration and the World Trade Organisation's General Council, as well as Assistant Secretary-General and Deputy Executive Director of the United Nations .
- Amina Moghe Hersi, Somali business tycoon in Uganda worth millions, she is currently developing $25m mall (luxury Oasis centre) in Kampala.
-Fowzia Yusuf Haji Aden, was Somalia's Foreign Minister, now member of Somali parliament and business woman. She is the founder of University of Hargeisa and several other institutions. She was the founder NDB political party in Somaliland
The three met in Kampala. The Somalis are set to dominate this entire region. All this picture needed was the obese President of Djibouti (who is half Somali half Oromo since Issa are Somalinized Oromo) and Ethiopia's Finance Minister (a Somali).