19/07/2026
Booqasho Wacyigelin iyo Xoojinta Fahamka Sharciga
Maanta waxaan booqanay Xanano Women Empowerment and Safe House Space, halkaas oo aan ku qabannay kulan wacyigelin ah oo diiradda lagu saaray ka hortagga tacaddiyada iyo kor u qaadista fahamka sharciga.
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wacyiga bulshada, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo kobcinta aqoonta sharciga si qof walba u ogaado xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa.
Waxaan si wadajir ah ugu baaqaynaa bulshada inay ka qayb qaataan dhisidda bulsho ka madax-bannaan tacaddiyada, kuna dhisan caddaalad, ixtiraam iyo is-garab istaag.
“Wacyigu waa furaha caddaaladda, caddaaladduna waa saldhigga nabadda.”
16/07/2026
MAXKAMADDA (COURT REGISTRAR) iyo MAXKAMADDA (COURT CLERK):
::::::::;::;;;;;;:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::
Waxay u muuqan karaan labada eray isku.mid Laakiin Waajibaadkoodu Ma Aha Mid Isku Mid Ah.
Dad badani markay soo galaan hoolka maxkamadda waxay u haystaan in qof kasta oo maxkamadda joogaa uu qabto shaqo isku mid ah. Lkn taasi waa fikir qaladan
Diwaan galiyaha maxaadu
waa sarkaalka ugu sarreeya ee maamulka, kaas oo ka mas'uul ah maamulka guud iyo isku-duwidda hawlaha maamul ee maxkamadda.
Diiwaangeliyuhu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa hubinta in geeddi-socodka maxkamaddu u socdo si habsirco leh. Qaar ka mid ah shaqooyinka Diiwaangeliyaha Maxkamadda waxaa ka mid ah:
✅ Maamulidda diiwaannada iyo faylalka maxkamadda.
✅ Kormeeridda xaraynta iyo hannaanka socodsiinta dukumentiyada maxkamadda.
✅ Hubinta jadwalka habboon iyo qorista liiska dacwadaha.
✅ Soo saarista dukumentiyada rasmiga ah ee maxkamadda marka loo idmado.
✅ Kormeeridda hawlaha shaqaalaha kale ee maamulka ee dhex dhex-yaalla maxkamadda.
✅ Ilaalinta hufnaanta iyo kaydinta habboon ee diiwaannada maxkamadda.
Diiwaangeliyaha waxaa badanaa loo tixgeliyaa inuu yahay lafdhabarta maamul ee nidaamka maxkamadeed dhexdiisa.
KAALYAHA MAXKAMADDU (COURT CLERK)?
waa sarkaal bixiya taageero araha maamulka ee maalinle ah inta lagu guda jiro dacwad-dhageysiga maxkamadda.
Kaaliyuhu wuxuu si dhow ula shaqeeyaa Garsooraha ama Qaaddiga, wuxuuna ka caawiyaa hubinta in dhageysiga dacwaduhu u qabsoomaan si habboon.
Qaar ka mid ah waajibaadyada Kaaliyaha Maxkamadda waxaa ka mid ah:
✅ Dhawaaqista ama u yeerista dacwadaha marka ay maxkamaddu fadhido.
✅ Qorista waxyaabaha ka dhacaya dacwad-dhageysiga iyo haynta qoraallada maxkamadda.
✅ Maamulidda caddaymaha (agabka dambi-baarista) iyo hubinta in si habboon loo calaamadeeyo lana hayo.
✅ Caawinta dukumentiyada maxkamadda inta lagu guda jiro dacwad-dhageysiga.
✅ Maamulidda deegaanka hoolka maxkamadda iyo caawinta garsooraha inta dacwaddu socoto.
Alpha University Laascaanood
15/07/2026
Shahaado qaybintii tababarka kor u qaadista wacyiga bulshada ee fahanka Sharciga iyo ka hortagga tacadiyada kaas oo uu fuliyey xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha - AU legal Aid center .
Gudoomiyaha guddida caddaaladda baarlamaanka Waqooyibari Marwo Samiira Cabdirashiid Jaamac ayaa guddoonsiisay Shahaadooyinkii ka qaybgalayaasha tababarka.
~ Caddaalad tisqaadda.
13/07/2026
Xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha - AU legal Aid center - ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13 July 2026 qabtay tababar heerkiisu sarreeyo oo ciwaan looga dhigay " Tababarka kor u qaadista wacyiga bulshada, fahamka Sharciga iyo ka hortagga tacadiyada " kaas oo ay kasoo qayb galeen Wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka Waqooyibari, Wasaaradda Caddaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka Waqooyibari, Booliska dawladda Waqooyibari, ururrada bulshada ee Kaalo, Xanaano Women Empowerment, Taakulo Organization, Milgo Network, Hiigsi Organization, Kaafi Organization, Laas Women organization, guddiyada waaxyaha Caasimadda, Ardayda kulliyadaha Qaanuunka iyo Social work-ga ee Jaamacadda Alpha, Macallimiin ka hawl gala dugsiyada caasimadda iyo u adeegeyaal caafimaad.
Tababarkan oo xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha daadihinayey waxaa bixinayey Garyaqaan Hoodo Yaasiin Cali, Garyaqaan Cabdikariin Axmed Cali (Maansaawi) iyo Garyaqaan Cabdirasaaq Maxamed Sugulle.
Xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha waxa uu bixiyaa adeeg sharci oo bilaash ah waxa uuna u dhidban yahay in dhammaan bulshadu wada hesho caddaalad; in qofkastaa xaqiisa hantiyo helana qareen metela Maxkamadaha hortooda siiyana talooyin sharci helo.
~ Yoolkayagu waa caddaaladda oo meel kasta gaadha.
13/07/2026
Xafiiska gargaarka Sharcigaa ee Jaamacadda Alpha AU legal Aid center ayaa maanta qabtay barnaamij loogu magac daray " Tababarka kor u qaadista wacyi bulshada ee fahanka Sharciga iyo ka hortagga tacadiyada "
14/06/2026
Waxaa farxad weyn noo ah inan markii ugu horaysay magaalada laascanood ka hirgalinay Xafiis gargaar sharci ah, ahna xafiis u taagan inuu bulshada siiyo adeeg sharci oo tayeysan uguna adeego bulshada si bilaash ah. Isla markaana fududeeyo fahanka iyo helitaanka adeegyada sharci ee bulshadu u baahantahay.
Xafiiskan oo ah gargaarka sharciga ah ee Jamacada Ulpha oo bixinaya gargaar sharci, isga oo diirada saaraya u adeegida iyo caawinta dadka nugul, dadka danyarta ah, iyo cidkasta oo u baahan tallo iyo teegeero sharci.
Waxa sidoo kale ka hawl gali doona sharci yaqaano iyo khuburo sharci oo leh aqoon iyo waayo aragnimo sharci oo ku filan, kuwaas oo diyaar ku ah mar waliba xafiiska, idiin kuna adeegi doona si hufan.
Adeegyada uu bixinayo xafiisku waxa ka mid ah:
1. Talo-bixin iyo la-talin sharci
2. Diyaarinta dukumentiyada sharciyeed sida dacwadaha, heshiisyada iyo qoraallada kale
3. Caawinta arrimaha maxkamadaha (iyadoo la raacayo nidaamka iyo kormeerka sharciga ah)
4. Xallinta khilaafaadka iyo dhexdhexaadinta.
5. Wacyigelin sharci iyo kobcinta fahamka bulshada ee xuquuqda ay leeyihiin
6. Taageero gaar ah oo loo fidinayoh haweenka, carruurta iyo dadka nugul.
Ujeedka furida xafiiskan waa in la helo cadaalad iyo sinan, sidoo kale in fahan iyo ogaal weyn ay bulshadu u yeelato sharciga iyo qanuunka.
Alpha University Laascaanood
service