Manhal primary and intermediate school

Manhal primary and intermediate school

Share

MANHAL PRIMARY AND INTERMEDIATE SCHOOL LAASCAANOOD

13/12/2025

Qayb ka mida kalmadii saaka loo jeeddiyay ardayda dugsiga Manhal primary and intermediate school oo uu jeediyay sh c/llaahi sh cali macallin

Photos from Manhal primary and intermediate school 's post 13/12/2025

Sabti: 13/12/2025

Waxaa saaka oo sabti ahayd daabuurka dugsigga Manhal primary and intermediate school sooboqday sh c/laahi sh Cali oo kamid ah culimada waa weyn ee Magalada Laascaanood

Kalmadda shiikha ayaa darneyd barashada aqoonta , ku xidhnaanta eebbe weyne , xishooka , samafalka waalidka

Gunaadkii kalmadda shiikha waxaa Soo xidhay daabuurka Maamulaha dugsigga Maamule Jaamac Xassan Maxamed

Isgoo umahad celiyey una ducaayey shiikha ardaydana ku booriyey In ayqaataan wanada iyo wacdiga Kuna da,daal aqoonta iyo akhlaaqda wanaagsan.

Dhamaad ...........................

Xafiiska nashaadaadka dugsigga primary

29/11/2025

يحرص طلابُنا على القراءة الصحيحة، وتنمية مهاراتهم اللغوية، في بيئةٍ تعليميةٍ مُشجِّعة تُساعدهم على التميّز والتفوّق.

Ardaydeenna dugsigga Manhal primary and intermediate school waxay si hufan u bartaan akhriska iyo qorista waxaana siinnaa jawi waxbarasho oo u fududeeya inay horumar iyo guul ka gaadhaan.

29/11/2025

مدرسة منهل الأساسية والمتوسطة

نهدف إلى تقديم تعليم مميز، وتربية صالحة، وبناء جيل واعٍ قادر على تحقيق أحلامه وخدمة مجتمعه

Waxaan u heellanahay bixinta waxbarasho tayo leh, akhlaaq wanaagsan, iyo dhisidda jiil aqoon leh oo mustaqbalkiisa dhisan kara kana faa’iideeya bulshada

Photos from Manhal primary and intermediate school 's post 22/11/2025

Qeybtii 2aad ee sawirada

Mamuuskii macalimiinta iyo ardayda dugsigga Manhal primary and intermediate school

Xuska 21 November malinta macali miinta soomaaliyeed

Photos from Manhal primary and intermediate school 's post 22/11/2025

Sabti: 22/11/ 2025
Xuska: 21 November iyo Maamuska macalimiinta

Saaka oo ahayd subax sabti ah ardayda dugsigga Manhal primary and intermediate school ayaa udhigay Macalimiinta dugsigga xuska 21 November oo ah maalinka macalimiita soomaaliyeed

Iyagoo maamuusay macali miinta dugsigga ugana mahad celi yey da,daalka ay wadaan

Ugu dambeyn macalimiinta ayaa ardayda ku dhiiri galiyey fir-fircooni dooda iyo da,daalkooda

Dhamaad
...........................
Xafiiska : nashaadaadka iyo warbaahinta dugsigga

Photos from Manhal primary and intermediate school 's post 18/11/2025

Qeybtii 2aad sawirada

Ardayda dugsigga Manhal primary and intermediate school

Soodhaweyntii bugga " Dhugasho caqli iyo Dhisid garaad"

Ustaadah xaawo faarax axmed

Photos from Manhal primary and intermediate school 's post 18/11/2025

Talaada: 18/11/2025

Waxaa saaka dugsigga Manhal primary and intermediate school Soo booqatay mid kamid ah macalimiintii dugsigga ustaadah xaawo faarax axmed

Boqoshadeeda ayaa ahayd soodhaweynta buugga ay qortay oo la magac baxay " Dhugasho caqli iyo Dhisid garaad "

Kaas oo habeynka sabtida lagu Soo ban dhigi doono Magala da Laascaanood ee MaaMulka waqooyi barri

Macalimiinta , ardayda iyo Maamulka dugsigga ayaa sifiican usoodhaweyay buugga iyo macalimad xaawo axmed
Iyagoona uga mahad celiyay da,daalkeeda iyo boqoshadeedaba

Dhamaad :
..............................................

23/09/2025

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis

Dugsigga Manhal primary and intermediate school waxa uu shaacinayaa fursad macallinimo oo kabannaan.

30/08/2025

Hambalyo, Hambalyo!

Cabdiraxmaan aadan Ibrahim waxa uu noqday ardaygii ugu sarreyey dhammaan ardayda Dugsigga Manhal primary and intermediate school Imtixaanka Naqliga ah (Final Exam) ee sanad dugsiyeedka 2024–2025.

Maamulka dugsiga ayaa sigaara ugu hambalyeynaya ardayda ka gudubtay imtixaanka sigaara ardayga ugu sareeyay cabdiraxamaan aadan Ibrahim oo ku basay 95.9 ahana haa ardaygii kaalinka koowaad galay .

Mar kale, Hambalyo cabdiraxamaan Guushaadu waa dhiirigelin dhammaan ardayda kale

30/08/2025

SABTI : 30/8/2025
Ardaydii ugu saraysay Imtixaanka Dugsiga Hoose Dhexe ee manhal Laasacanood .
----------------------------------------
Hambalyo Hambalyo Tobankii arday ee ugu saraysay imtixaanka sanad dugsiyeedka 2024-2025 ee dugsiga Hoose dhexe ee manhal Laascanood

Tobanka kaalmood ee ugu sareeyay dugsigga waxay noqdeen 6 Wiil iyo 4 Gabdhood:

1. C/raxmaan Aadan ibraahim. 95.9 5AAD-B
2. C/baasid c/laahi xasan 95. 5. 7AAD -A
3. C/shakuur cali yuusuf 95.4 6AAD-A
4. Maxamed Abdisalan Xashi. 95. 7AAD-A
5.Cismaan maxamed muse. 94.94. 7AAD-A
6. Saamiya Aadan ibarahim. 94. 7. 4AAd-A
7. Raabica C/raxmaan maxamud 94. 4aad-B
8. Muscab C/raxmaan muse 93.75. 3aad -A
9. Sihaam C/naasir xasan. 93.7. 3AAD-A
10. Kowsar jaamac maxamud 93.6. 4aad-A

Hambalyo hambalyo dhammaan ardayda dugsiga Hoose/ Dhexe ee manhal Laascanood, gaar ahaan ardaydii kaalmaha h**e kagalay imtixaanki sannad dugsiyeedkan 2024/2025.

------ Dhammaad ---------

Xafiiska Nashaadka Iyo imtixaanka Dugsiga Manhal Laascanood

27/08/2025

Ogeysiis ogeysiis ogeysiis

Dugsigga hoose dhexe Manhal primary and intermediate school waxa uu ogeysiinayaa bulshada kudhaqan magalada laascaanood iney furantahay diwaan gelinta ardayda cususb ee sanad dugsiyeedka 2025- 2026

Fg: dugsiggu waxaa uu lafuridoonaa sabtida 30/8/2025

Want your school to be the top-listed School/college in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Royal Streat
Laascaanood
2525