SAYBO Academy

SAYBO Academy

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SAYBO Academy, Education Website, kismaayo-somali, Kismayo.

📚 Saybo Academy | Learn • Grow • Succeed
Empowering students to master English and Scientific subjects with confidence.
💡 Inspiring minds, shaping futures.
🎯 Join us and take the next step toward academic excellence!

26/05/2026

Ciid Wanaagsan — Ciidul Adxaa Mubaarak ✨🌙

Maamulka iyo macallimiinta Saybo Academy waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda, waalidiinta, iyo bulshada Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Ilaahay ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana inagu gallado caafimaad, nabad, barwaaqo, iyo farxad joogto ah. 🤍

📚 Saybo Academy
“Empowering Education, Building the Future.”

13/05/2026

🚀FAST-TRACK ENGLISH PROGRAM 📚.

JOIN US AND LEVEL UP YOUR ENGLISH.

track ENGLISH program
Academy
# 6 months course.

19/04/2026

We are pleased to welcome Mss. Deko Bashir Osman to Saybo Academy as a Teacher.
We are confident that her dedication and passion will make a positive impact on our students.
Welcome to the team!

17/04/2026

Mid ka mid ah ardaydeena, Nasteha Bashiir, ayaa si heer sare ah uga jeedisay gabay xafladdii daahfurka.

Hibadeeda iyo kalsoonideeda hadalka waxay muujinayaan mustaqbal ifaya iyo karti sare oo ku jirta dhalinyaradeena.

SAYBO Academy waxay ku faantaa ardaydeeda hibada leh.

04/04/2026

Mahad oo dhan waxaa iska leh Allah (SWT). Alhamdulillah 🤍

Waxaa sharaf weyn noo ahayd in xafladdii daahfurka Saybo Academy uu nagala soo qeyb galo mid ka mid ah macallimiinta ugu qiimaha badan, Ustaad Bile Jirow.

Ustaadku waxa uu ka jeediyay hadal qiimo badan oo ku saabsan muhiimadda waxbarashada, isaga oo xusay in waxbarashadu aysan lahayn dhammaad, balse ay tahay safar bilow uun ah,fariin dhiirigelin iyo baraarujin leh.

Sidoo kale, Ustaad Bile Jirow waa mid ka mid ah macallimiinta si hagar la’aan ah u garab istaagay aasaaska iyo horumarka Saybo Academy, taas oo aan si weyn ugu mahadcelineyno.

Alhamdulillah,waxaannu ku faraxsanahay in aan la shaqeyno dad aqoon iyo khibrad leh.

Photos from SAYBO Academy 's post 03/04/2026

Mahad oo dhan waxaa iska leh Allah (SWT). Alhamdulillah 🤍

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da April 2025, xafladdii daahfurka Saybo Academy si heer sare ah ayay noogu qabsoontay.

Xafladda waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan, oo uu ka mid ahaa Ustaad Bile Jirow, kuwaas oo nala wadaagay dhiirigelin iyo talooyin qiimo leh.

Tani waa bilow cusub oo ka dhashay dadaal, go’aan iyo himilo dheer, waxaana rajeyneynaa mustaqbal ifaya oo aan ku gaarno horumar iyo guulo waaweyn.

Alhamdulillah—waa tallaabo muhiim ah oo aan qaadnay.

01/04/2026

Mahad oo dhan waxaa iska leh Allah (SWT). Alhamdulillah 🤍

Jumcaha soo socda, waxaan si rasmi ah u daahfuri doonnaa xaruntena cusub ee SAYBO Academy tallaabo muhiim ah oo ka dhalatay dadaal joogto ah, go’aan adag, iyo talo-saarasho.

Inkastoo safarku uusan lahayn garab weyn, haddana waxaan ku gaarnay heerkan sabir, shaqo iyo isku kalsooni. Taasi waxay noo tahay dhiirigelin iyo caddeyn ah in riyo kasta lagu gaari karo dadaal iyo adkaysi.

Waxaan leenahay rajooyin waaweyn oo mustaqbalka ah, waxaana ka go’an inaan sii wadno horumar iyo adeeg waxbarasho oo tayo leh.

Alhamdulillah bilow cusub ayaa noo ifaya.

Photos from SAYBO Academy 's post 20/03/2026

Bahda Saybo Academy oo isku duuban waxay hambalyo diirran u dirayaan dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.
Ilaahay ha naga aqbalo cibaadadii iyo camalkii suubanaa ee bishii barakeysneyd ee Ramadaan, hana ka dhigo kuwo ku sii adkaysta khayrka iyo cibaadada.
Ciid Wanaagsan – Ciid Mubaarak! 🌙✨


# Eid Mubarak

19/03/2026

🌙✨ Eid Mubarak | Ciid Mubaarak ✨🌙

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitr oo berri ku began tahay. Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii suubanaa ee aynu soo gudannay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ciiddu waa maalin farxad, midnimo, iyo isu-tanaasul. Waa fursad aynu ku xoojino xiriirrada qoyska, asxaabta, iyo bulshada inteeda kale. Aan ku dadaalno in aynu is cafino, isu naxariisanno, isla markaana sii wadno camalkii wanaagsanaa ee aynu baranay Ramadaanka.

Taqabbalallahu minna wa minkum. Ciid Mubaarak.

كل عام وأنتم بخير، أعاده الله علينا وعليكم بالخير واليمن والبركات.

Photos from SAYBO Academy 's post 25/02/2026

Imtixaan Qiimeyn – English
Class C (Heerka Aasaasiga)

Caawa oo ay taariikhdu ku beegneyd 25/02/2026, waxaa si habsami leh noogu qabsoomay imtixaan qiimeyn ah oo ay u fariisteen ardayda Class C ee machadka SAYBO Academy.
Imtixaankan waa qayb ka mid ah qiimeynta joogtada ah ee ardayda lagu sameeyo bil kasta, si loo cabbiro horumarkooda loona xoojiyo fahamkooda ku aaddan casharrada ay qaataan.

Waxaan ku dadaaleynaa dhismaha aasaas luqadeed oo adag, si ardaydu ugu koraan kalsooni, aqoon iyo xirfad English oo muuqata.

Want your school to be the top-listed School/college in Kismayo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Kismaayo-somali
Kismayo