Rugta Ambaqaad

Website

Rugta Ambaqaad Rugta Cilmibaarista iyo Kobcinta Fekerka ee Ambaqaad

Kulliyadda aan jaamacadda doortay waxa ay ahayd mid ay dunidu ka wada qaylisay, umana malaynayo wax ka adagi in ay jiraa...
06/06/2026

Kulliyadda aan jaamacadda doortay waxa ay ahayd mid ay dunidu ka wada qaylisay, umana malaynayo wax ka adagi in ay jiraan, haddii ay dhacdana kollayba taydu booska labaad waa ay sallaxanaysaa. Waajibaadka ardayga laga rabaa ma yara, culayska saaranina xisaab ma laha. Haddii culuumtaa kale ardaygu uu imtixaan uun isu diyaariyo, walwalka ugu weyn ee uu la kulmi karaana uu xaggaa kaga yimaado, annaga qodobbada xeerarka ayaad baallaha ka leefaysaa, keesas maalinle ah oo xallis kaa sugayaana waa ay jiraan; intaasiba waa sahal’e, baaris dheeri ah ayaa macallin walbaa kaa rabaa, halkii kees ee laguu diraana daraaso dheeri ah oo waqti ku baxayo ayaa uu kaaga baahanayaa -tiiyoo ay ii dheer tahay shaqadii! Halkaa marka aan gaaray, waxaa ila soo gudbanaatay su’aal ah; balwaddaadii akhriska, ama mihnaddaan aad keebaad doorataa?

W/Q: Ilhaan Buuxo

FG: Qoraalka oo dhammaystiran Link ga hoose ka akhriso

Akhrisku waa aayatiin aad ka dhex arki karto hammigaaga iyo mustaqbalka ifaya ee aad quudarraynayso. Marwalba oo aad akhrista ka dhigato balwad iyo caado aadan ka gayoon, waa markasta oo aad dunida dhammaystirnaanta u dhowaato, waayo macaanka noloshu maaha raaxada jireed, ee macaanka dhabti ah waa w...

Akhrisku waa aayatiin aad ka dhex arki karto hammigaaga iyo mustaqbalka ifaya ee aad quudarraynayso. Marwalba oo aad akh...
29/05/2026

Akhrisku waa aayatiin aad ka dhex arki karto hammigaaga iyo mustaqbalka ifaya ee aad quudarraynayso. Marwalba oo aad akhrista ka dhigato balwad iyo caado aadan ka gayoon, waa markasta oo aad dunida dhammaystirnaanta u dhowaato, waayo macaanka noloshu maaha raaxada jireed, ee macaanka dhabti ah waa waa midka maanka iyo ruuxda dareensiiya qanacsanaan, deggenaan iyo raaxo abadi ah oo aan lahayn kala go’. Sooyaalkayga akhriseed, markaan dib u milicsado, marxalad kasta oo aan soo maray, waxaa iiga kordhayay waaya-aragnimo qotodheer oo aan ku baranayay cashiro waawayn oo noloshayda dhinaca togan iigu hagay inaan noqdo qof ceebaheeda taqaan, daldaloolada shakhsiyadeeda taqaan, marwalbana ku dedaasha dhisidda shakhsiyad ku hamminaysa liibaanta labada daarood. Murti soomaaliyeed ayaa oranaysay “Kabbashada cilmiga yar waa lagu kadeedmaa”, waxaan qirayaa marar badan in akhriska kala dhantaalan marar badan sababi karo degdeg, qaraskatuurnimo iyo inaad isku malayso qof aqoon leh adigoo dhab ahaan wax badan aqoon, waana aafo haysato dhalin badan oo akhriska ku cusub, balse sida ugu wacan ee looga dabbaalan karo marxaladdaas, waa inay kuu noqoto jaraanjar aad uga gudubto marxaladda isdhuldhigga iyo baadigoobka aqoonta dhabta ah.

W/Q: Ilhaam Buuxo

Maqaalka oo dhammeystiran ka akhriso link-igan hoose.

Adduunyadu galinba waa cayn, shalay xaaladdii aad ku jirtayna maanta kuma jirtid, jaaniskii aad haysatay iyo wixii aad haleeli kartayna maanta suuragal ma aha. Caqabadaha nololeed ee ciriiriga ah, waqtiga ugu horreeyaa waa ay kula korayaan sida uu cimrigaaguba isu tarayo.

Musalsalka Yargı, marka si qotodheer loo dhuuxo, waxa uu ka gudbayaa ahaanshiyaha uu yahay sheeko kaliya oo ku saabsan d...
21/05/2026

Musalsalka Yargı, marka si qotodheer loo dhuuxo, waxa uu ka gudbayaa ahaanshiyaha uu yahay sheeko kaliya oo ku saabsan dambibaaris iyo maxkamadayn, isaga oo isu beddelaya goob ay si joogto ah isugu hardinayaan aragtiyo iska soo horjeeda oo ku saabsan macnaha caddaaladda, runta, iyo waajibka sharciyeed. Waxa uu ku tusayaa in nidaamka garsoorku aanu ahayn makiinad si qumman u shaqaysa oo mar walba horseedda caddaalad, balse uu yahay nidaam borogaraamsan oo ay ka muuqato nuglaanta, khaladaadka, iyo saamaynta ay ku leeyihiin dareenka, danaha, iyo awoodaha qarsoon ee bulshadu.

Marka la eego qaabdhismeedka sheekada, musalsalku waxa uu si xeeldheer u muujinayaa in waxa maxkamadda lagu go’aamiyo aanu mar walba ahayn xaqiiqda dhabta ah, balse uu yahay xaqiiqda la caddeeyey. Farqiga u dhexeeya labadaas arrimood ayaa ah meesha ugu wayn ee uu ka dhalanayo qalalaasaha falsafadeed ee musalsalka. Waxaa muuqata in mararka qaar nidaamka sharci uu ku guuleysto inuu helo xukun sax ah oo la jaanqaadaya xaqiiqda, halka mararka qaarna uu ku fashilmo, taasoo ka dhigaysa caddaaladda mid aan la hubin, oo ku xiran sida loo keeni karo caddeymo, halkii ay ka ahaan lahayd xaqiiqda lafteeda.

W/Q: Cabdimajiid Aw Warfaa

Maqaalka oo dhammeystiran ka akhriso link-igan hoose.

Musalsalka Yargı, marka si qotodheer loo dhuuxo, waxa uu ka gudbayaa ahaanshiyaha uu yahay sheeko kaliya oo ku saabsan dambibaaris iyo maxkamadayn, isaga oo isu beddelaya goob ay si joogto ah isugu hardinayaan aragtiyo iska soo horjeeda oo ku saabsan macnaha caddaaladda, runta, iyo waajibka sharciy...

Hordhac:Musalsalka Yargı, marka loo gorfeeyo hab cilmiyeed oo aragti-falsafadeed leh, waxa kuu soo baxaysa inuu yahay ma...
21/04/2026

Hordhac:

Musalsalka Yargı, marka loo gorfeeyo hab cilmiyeed oo aragti-falsafadeed leh, waxa kuu soo baxaysa inuu yahay mashruuc suugaaneed iyo mid sharciyeed oo ka baxsan xayndaabka madaddaalada caadiga ah, taas beddelkeedna waxa uu si qotodheer u falanqaynayaa dabeecadda aadanaha iyo hannaanka caddaaladda. Ma aha oo keliya riwaayad lagu soo bandhigayo dhacdooyin dambibaaris iyo maxkamadayn, balse waa goob cilmiyeed lagu tijaabinayo fikrado waaweyn oo la xiriira runta, masuuliyadda, awoodda, iyo xayndaabka fahanka nafta aadanaha. Habtabinta iyo qaab-dhismeedka musalsalku markaad aragto waa shaashad dhammaystiran oo si hufan u falanqaynaysa hababka ay bulshooyinku u dhisaan waxa ay ugu yeeraan “caddaalad”, iyo sida mararka qaar u noqdo mid ka hor imanaya ujeeddadii uu markii h**e lahaa.

Yargı waxa uu si xeel dheer u kala furfurayaa waxa inta badan loo dhigo inay yihiin xaqiiq biyakamadhibcaan ah oo la hubo, sida xaqiiqda, dambiga, caddaaladda iyo xaqa, iyadoo uu muujinayo in dhammaantood ay yihiin xaqiiqooyin ku tiirsan aragti, xog, iyo awood. Waxa uu soo bandhigayaa nidaamka garsoorka oo ah goob ay ku kulmaan sheekooyin kala duwan, , kuwaas oo ka dhigaya caddaaladda mid aan ku dhisnayn xaqiiqda kaliya, balse sidoo kale ku dhisan sida xaqiiqadaas loo soo bandhigo loona fahmo.

W/Q: Cabdimajiid Aw Warfaa

FG: Qoraalka oo dhammaystiran Link ga hoose ka akhriso.

Marka si qoto dheer loo eego, musalsalku waxa uu soo bandhigayaa waxa loo yaqaan “Garaadka Xaddidan” (bounded rationality), taas oo ah in jilayaashu aysan go’aannadooda ku salayn macluumaad badan ama xasillooni maskaxeed kaliya, balse ay ku shaqeeyaan xog kooban, dareen kacsan, iyo cadaadiska ...

Sooyaal ahaan, dadku cirka iyo fagaagga sare gaar ahaan dayaxa aad bay u danayn jireen, waxaaanad taa ka dheehan kartaa ...
17/04/2026

Sooyaal ahaan, dadku cirka iyo fagaagga sare gaar ahaan dayaxa aad bay u danayn jireen, waxaaanad taa ka dheehan kartaa maansooyinkooda, sheekafaneedyadooda, sheekooyinkooda caadiga ah iyo guud ahaan suugaantooda tix iyo tiraabba. Mar waxa uu ahaa halbeegga quruxda lagu metelo, mar wehelka ruuxa guuraynaya ee gudaya iyo ka hurdadu u iman weyday ee habeenkii ledi waayay uu la faqo, mar kalena kaltirsiga maalmaha, bilaha iyo sannaddada.

Dhan saynisna, dayaxu waa dayaxa qudha ee uu leeyahay meeraheenna dhulku, waana dayaxa shanaad ee ugu weyn dayaxyada ururka qorraxda (solar system; المجموعة الشمسية ); marka meerihiisa loo eegana dayaxu waa ka ugu weyn dayaxyada kale marka meerayaashooda loo eego. Dhexroorkiisu waa 3, 474 km oo ah ku dhowaad afarmeelood meel ka mid ah dhexroorka dhulka, waxa uuna dhexdhexaad ahaan inoo jiraa 384, 400 km, mararka qaarna intaa waa uu ka fogaadaa mararka qaarna waa uu ka soo dhowaadaa wareeggiisa uu dhulka ku sameeyo aawadii. Da’ ahaan waxa uu jiraa 4.5 bilyan oo sano, taas oo ka dhigan in ay is ku da’ dhow yihiin dhulka inyar haba ka yaraadee.

W/Q: Cabdikarim Sh Bashiir

FG: Maqaalka oo dhammaystiran Link ga hoose ka akhriso.

Sooyaal ahaan, dadku cirka iyo fagaagga sare gaar ahaan dayaxa aad bay u danayn jireen, waxaaanad taa ka dheehan kartaa maansooyinkooda, sheekafaneedyadooda, sheekooyinkooda caadiga ah iyo guud ahaan suugaantooda tix iyo tiraabba. Mar waxa uu ahaa halbeegga quruxda lagu metelo, mar wehelka ruuxa guu...

Cutubka 7aad waxa uu si faahfaahsan uga hadlayaa halgankii gobonimadoon ee Geeshka Nasrullaah iyo loollankii nafhurnimad...
10/04/2026

Cutubka 7aad waxa uu si faahfaahsan uga hadlayaa halgankii gobonimadoon ee Geeshka Nasrullaah iyo loollankii nafhurnimada lahaa ee ay la galeen cadowga iyo gumeysiga Itoobiya. Halgankan waxa uu ku asteysnaa nafhurnimo, geesinimo, hal-adeyg, keenadiidnimo iyo gobonimo aanan h**e loo arag. Mujaahidiintu waxay ahaayeen dad Soomaaliyeed oo dhalad ah, si fiicanna u fahansan macnaha xorriyadda iyo madaxbanaanida, waxay ahaayeen dad waligood madaxooda raaricin balse waayaha iyo wacaalku ka hiiliyeen, cadowgoodana loo qoor qabtay. Waxay ahaayeen dad goba, qiimaha noloshana ku jaangooya heybtooda soomaalinimo ee ku dhisan daljeceylka. Dagaallada badankooda waxaa lagu jabiyay cadowga, askar badanna waa laga laayay, meelo badanna hub iyo gawaariba waa laga qabsaday.

W/Q:Cabdimajiid Aw Warfaa

FG: Maqaalka oo dhammaystiran Link ga hoose ka akhriso.

Dhibaatooyinka qabsada kooxaha iska caabbinta Soomaalida waa la’aanta dastuur kala haga kooxda iyo khilaafka soo kala dhex gala guud ahaan. Marwalbana kuma jaangooyaan waaqica iyo dhaqanka Soomaalida. Guud ahaan qofka Soomaaligu waxa uu xasaasiyad badan ka qabaa qabiilka iyo qabyaaladda, waana wax...

Xalay waa habeenkoodii saddexaad ee murankooda aan miradhalka ahayn. Subaxanna, intii uusan bixin Xeydar ayay ka gaarsii...
26/03/2026

Xalay waa habeenkoodii saddexaad ee murankooda aan miradhalka ahayn. Subaxanna, intii uusan bixin Xeydar ayay ka gaarsiisay: “Hore waan kuugu sheegay, xalay waan kugu iri…”, markay halkaas maraysay ayuu xaggeeda soo eegay. Inuu yiraahdo: “Mahado” oo uu celiyo ayuu doonay, mase dhihin ee daymo maqan ayuu iyada iyo derbigii ka dambeeyay isu dhaafiyay.

Iyadaa hadalkeedii sii wadatay. Markaan si aan jixinjix lahayn oo xooggeedii ku idil yahay ayay hadalka u tiri: “Haddana waan kuugu celinayaa, Xeydarow. Aniga iyo adiga, wada jooggeennii wuu soo dhammaaday.”

Guurkooda labaatan jirsaday iyo lixdii ilmood ee ay isu dhaleen ee afartu ka nooshahay, Mahado waa ku hakan weyday. Da’dooda konton jirsatay iyo waayahoodii wadajoog, intaba maankeeda go’aankeeda furriinka waa kaga saari weyday. Dabeecaddiisa qabow iyo lillaahinimadiisa aan weligeed erey si kore loo yiri kala kulmin, haddii ay gurigeeda iyo ninkeeda u shafeeci lahayeen, nafteeda daallan ayaa ka diidday; nafteeda dareentay nolosha isku midka ah iyo maalmaha isku midabka ah in aysan u qalmin. In aysan u qalmin oo ay tahay qof nool. Qof nool oo waxaas ka sarraysa.

W/Q: Saynab-Ugbaad

FG: Sheekada oo dhammaystiran Link ga hoose ka akhriso.

“Afar carruur ah haddaad duur uga tegayso, adduun khayr heli maysid aakhirana kaba tag.” Sidaas waxaa ugu dardaarwerisay dumaashideed.

HordhacQarnigan 21aad ee tiknoolajiyadda casriga ahi hoggaaminayso, aadanuhu wuxuu galay marxalad cusub oo taariikheed o...
24/03/2026

Hordhac

Qarnigan 21aad ee tiknoolajiyadda casriga ahi hoggaaminayso, aadanuhu wuxuu galay marxalad cusub oo taariikheed oo lagu tilmaami karo xilligii isku xirnaanta dijitaalka. Dunidu maanta ma aha oo keliya meel juqraafi ahaan isu dhowaatay, balse waa meel maskax ahaan iyo dareen ahaan isku dhex milantay. Aaladaha casriga ah iyo baraha bulshada ayaa noqday goobta ugu weyn ee lagu dhiso xiriirrada, lagu faafiyo fikradaha, laguna qaabeeyo aragtida bulshada ee nolosha, siyaasadda, dhaqaalaha iyo aqoonsiga aadanaha.

Dukumintarigan daraamada ah ee Social Dilemma oo ay soo saartay shirkadda Netflix, waxa uu daaha ka rogayaa dhinaca qarsoon ee kacaanka tiknoolajiyadda — kaasoo muddo dheer lagu daboolayay hal-abuur, horumar iyo xorriyadda hadalka. Barnaamijkani waxa uu isu keenayaa khubaro h**e uga soo shaqeeyay shirkadaha tiknoolajiyadda ugu awoodda badan dunida sida Google, YouTube, Twitter, Facebook, Instagram iyo Pinterest, kuwaas oo si qoto dheer uga warramaya nidaamka dhabta ah ee ka dambeeya baraha bulshada iyo sida ay u qaabeeyaan dhaqanka aadanaha.

W/Q: Caa'isho Saalax

FG: Maqaalka oo dhammaystiran Link ga hoose ka akhriso.

Baraha bulshada markii h**e waxaa loo sameeyay in ay fududeeyaan wada xiriirka iyo isdhaafsiga macluumaadka; balse maanta waxay isu beddeleen nidaam dhaqaale oo ku dhisan hal shay oo keliya: helidda dareenka aadanaha (human attention). Dareenka qofka ayaa noqday badeecadda dhabta ah ee la iibiyo, ha...

HORDHACQareennimadu waa bud-dhig ka mid ah habdhiska dawladnimo iyo jiritaanka caddaaladda; waa xirfad ku taagan soohdim...
24/03/2026

HORDHAC

Qareennimadu waa bud-dhig ka mid ah habdhiska dawladnimo iyo jiritaanka caddaaladda; waa xirfad ku taagan soohdimaha u dhexeeya awoodda iyo xaqa, xeerka iyo xorriyadda, dawladnimada iyo damiirka bulshada. Qareenku ma aha oo keliya qof matala qof dacwaysane ah ama difaacaya dhibbane; waa garyaqaan qaabeeya jihada doodda sharciga, waa ilaaliye nidaamka habraaca, waana tiir ka mid ah dhismaha sarraynta sharciga. Halka garsooruhu go’aan ka soo saaro miisaanka caddaaladda, qareenku waa kan soo hor dhiga miisaankaas dhabta, doodda iyo daliilka.

Taariikh ahaan, bulsho kasta oo hanatay nidaam sharci oo adag waxay ku tallaabsatay horumar siyaasadeed iyo mid bulsho. La’aanta qareen madaxbannaan oo aqoon iyo anshax leh waxay horseedi kartaa in sharcigu u gacan galo cid awood leh, halkii uu ka ahaan lahaa awood xadgudub oo la adeegsado kuwa nugul. Sidaa awgeed, mabda’a madaxbannaanida qareennimada iyo ilaalinta xirfadda ayaa si cad loogu qeexay xeerar iyo halbeegyo caalami ah oo ay dejisay Qaramada Midoobay gaar ahaan Basic Principles on the Role of Lawyers (1990), kuwaas oo adkaynaya in qareenku u shaqeeyo si xor ah, caddaalad iyo garsoor ah, isla markaana ka madaxbannaan faragelin. Sidoo kale, Ururka Caalamiga ah ee Qareennada (International Bar Association) waxay ku xoojisay Qawaacidda Caalamiga ah ee Habdhaqanka Xirfadlalayaasha Sharciga (International Principles on Conduct for the Legal Profession) (2011) in tiirarka xirfaddani ay yihiin daacadnimo, karti, ilaalinta sirta, iyo u hoggaansanaanta sarraynta sharciga.

W/Q: Cabdimajiid Aw Warfaa

FG: Maqaalka oo dhammaystiran Link ga hoose ka akhriso.

Haddaba, qareennimadu waa laba waji: iftiin iyo ilays horseeda u noqda xaqad iyo caddaalaad, ama hab loo adeegsado sharciyeynta dulmiga iyo daboolidda xadgudubka. Sidaas darteed, astaamaha qareenka laguma qiimeeyo oo keliya awooddiisa doodeed iyo aqoontiisa sharci; ee waxaa lagu cabbiraa damiirkiisa...

HordhacWaqtigan la joogo, maanqasnaanta iyo  maahsanaantu waxay noqdeen astaan guud. Maanqasnaanta waxaan ula jeedaa tur...
17/03/2026

Hordhac

Waqtigan la joogo, maanqasnaanta iyo maahsanaantu waxay noqdeen astaan guud. Maanqasnaanta waxaan ula jeedaa turunturrada maskeed ee dhammaan qaybaha nolosha gacantogaalaysay, gun iyo baar. Dhoohanaanta wada sheekaysigeenna maalinlaha ah qaybta ka noqotay, waata keentay in na lagu tilmaamo diiradsaar la’aan, maahsanaan, iyo weelayn yari, ku darso kala qoqobka aqooneed ee qotadadheer kaas oo qofka ku riixaya inuu hal xilli majaallo badan daba raxleeyo, asaga oo aan haysan dun isugu xirta. Maanku wuxuu la mid noqonayaa muraayad qaraxsan, wax walba way muujin balse wax sawirna sidii uu ahaa kuuma tusayso.

Qofku wuxuu doonayaa inuu wax walba barto, wax walba fahmo, inuu ka qayb noqdo dhammaan doodaha iyo ogaallada, balse ugu dambaynta haad ma hayo oo majiro hal shay uu qummaati u yaqaan.

Waa halkan meesha ay sartu ka qurunsan tahay, aqoon jacaylku wuxuu isu rogayaa fowdo ogaaleed, caqliguna wuxuu noqdaa goob ay rabitaannadu si habqan ah isugu hardiyaan, dabeeto natiijadu waxa ay noqotaa in ay diiraddu dhunto rabitaannadan is hardinaya awgood, waxaana isku qasma wixii lamahuraanka ahaa iyo kii laga maarmi karay. Sidaa darteed, maanqasnaantu ma aha diirradla'aanta oo qura, sida ay dadka qaar qabaan, qeexitaanka ugu habboonna wuxuu noqon karaa qofka oo si tartiib ah uga xuubsiibta qotadheerida tijaabada, takhasuska ka dheeraada oo xaaladda uu ku sugan yahay ku negaan waaya.

W/T: Maxammed Shaaxuur

W/Q: Ashraf Sharaf

FG: Maqaalka oo dhammaystiran Link ga hoose ka akhriso.

Maanqasnaan ka guur oo aqoon u guur: waa taxane dhammaystiran oo ku saabsan sooceshada(sooceshiga) weelaynta, fahanka waqtiga iyo dhidbidda naf aqoon ku dhaaban.

Address

Kismayo
Kismayo
N/A

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rugta Ambaqaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share