08/07/2026
Hambalyo.
Dhammaan xubnaha Madasha Aqoon-Kaab,waxay hambalyo u dirayaan Mudane 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 ( 𝗔𝗹-𝗯𝗮𝗱𝗿𝗶), oo loo doortay guddoomiyaha madasha.
Alle hakuu barakeeyo xilka, hana kuu fududeeyo gudashadiisa.
Hambalyo Guddoomiye.
07/07/2026
Gorfeyn iyo Doorasho.
Galabta oo ay taariikhdu ku beegneyd 07/07/2026,waxaa si habsami iyo hufnaan leh noogu qabsoomay kullankii billaha ahaa ee Madasha Aqoon-Kaab, kaas oo la isugu yimid gorfeynta buugga "Qaali Baad Tahay, Garo Qiimahaaga" iyo doorashada guddoomiyaha cusub ee madasha.
Kullanka ayaa waxaa si xeeldheer loogu lafaguray dulucda iyo dhambaalka uu xambaarsanaa buugga.
Geba-gebadii kullanku waxaa dhacday doorashadii sanadlaha ahayd ee madasha,taaso cod aqlabiyad leh loogu doortay Mudane Axmed Maxamed Axmed (Al-Badri).
Wabillaahi Tawfiiq.
29/05/2026
Kullan marti-qaad.
Sawirro qaybta 1aad.
Waxaa si nabdoon innoogu qabsoomay kullan mahadnaq ah,looga mahad-celinaye dadkii ka shaqaynaaye baal-furka buuggii Qaali baad tahaye,garo qiimahaaga.
Casuumaddaan balaaran waxay ka timaaday qoraa Faadumo Bashiir Cabdulle,si ay ugu mahadceliso dadkii lafdhabarta u ahaa bandhiggii buuggeeda.
________________
Afahayeenka madasha: Mahado Daahir Cali.
Iimeyl: [email protected]
Taleefon: +613940017
27/05/2026
Hambalyo.
Guuleystaha buuggii "Qaali baad tahaye,garo qiimahaaga" waxaa noqday Mohamed Hassan Abdullahi.
Tartaankaan waxaa taabageliyay qoraaga buugga "Qaali baad tahaye,garo qiimaahaaga" Fadumo Bashiir Abdulle.
Hambalyo,Hambalyo saaxiib Maxamed,waxaa dhawaan ku soo gaari doona buugga iyo saxiixa qoraayaddaba.
Aad bay u mahadsan yihiin dhammaan bahweynta innagu xiran ee mar walba u tartama buuggaagta aynu soo dhigno mareegtaan.
Madasha Aqoon-Kaab
"Akhris baa aqoon lagu hantaa."
________________
Afahayeenka madasha: Mahado Daahir Cali.
Iimeyl: [email protected]
Taleefon: +613940017
26/05/2026
TARTAN IYO BUUG.
Munaasabadda ciidda awgeed waxay madasha Aqoon-kaab idin qabaneysaa barnaamijkii Tartan iyo buug,kalkii 7aad.
Kalkaan waxaa lagu tartami doona buugga "Qaali baad tahaye,garo qiimahaaga" ee ay qortay Fadumo Bashiir Abdulle ,oo dhawaan lagu soo bandhigay magaalada kismaayo taarikhdu markay ahayd 16/06/2026.
Shuruudaha Tartanka:-
1. Bogga madasha Waa In aad Follow dhahdaa haddii uuna h**e kugu ahayn.
2. Waa in aad Like Saarto,share-na dheh postiga.
3. Faalladaadu( Comment-gaagu) Waa In Ay oogu Reaction ( Falcelin) Badataa.
4. Hab-qoraalkaaga waa Inuu wanaagsan yahay.
F.G: Tartanku wuxuu socon doonaa 24 saac.
Madasha Aqoon-kaab.
Akhris baa aqoon lagu hantaa.
𝑁𝘈𝑆𝘐𝐼𝘉 𝘞𝐴𝘊𝐴𝘕.
26/05/2026
Ciidul-adxaa Mubaarak.🐏
Madasha Aqoon-Kaab waxay hambalyo u diraysaa dhammaan ummaddaha Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed.
Alle ha naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd, ducadii iyo cibaadadii aan soo gudannay malmihii 10ka ahaa ee kheyrka badnaa.
Ciiddaan iyo ciiddeeda Alle ha inagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad.
Farxad ku ciida, Ciid wanaagsan! 🐏
26/05/2026
𝐃𝐮𝐜𝐚𝐝𝐚 𝐔𝐠𝐮 𝐤𝐡𝐚𝐲𝐫𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 Maanta.
Rasuulka ﷺ wuxuu dhahay:
Ducada ugu kheyr badan waa ducada Maalinta Carafo, waxaana ugu kheyrka badan oo aan dhahnay aniga iyo nabiyadii iga horreeyay waa:
لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ.
17/05/2026
Sawirro.
Waxaa si qurux badan innoogu soo idlaaday baal-furka buugga 𝑸𝑨𝑨𝑳𝑰 𝑩𝑨𝑨𝑫 𝑻𝑨𝑯𝑨𝒀𝑬,𝑮𝑨𝑹𝑶 𝑸𝑰𝑰𝑴𝑨𝑯𝑨𝑨𝑮𝑨.
Munaasabadaan oo ay ka soo qayb galeen wasiiro,xildhibaanno,culimo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ku soo idlaatay si qurux badan,iyadoo aad loo bogaadiyay gabarta qortay buugga oo ah Faadumo Sheekh Bashiir Cabdulle oo ah xubin ka mid ah madasha Aqoon-kaab,looguna duceeyay in qalinkeeda uu Eebe u barakeeyo.
Dhammaan cid walba oo nagala soo qayb gashay oo waqtigeeda inoo soo hurtay waxaan idin leennahay mahadsanidiin.
16/05/2026
Jubbaland TV iyo bandhigga buugga "Qaali baad tahaye,garo qiimahaaga."
Bandhigga buugga “Qaali Baa Tahay” oo ay qortay qoraaga hibada leh ee Faadumo Bashiir ayaa galabta lagu qaban doonaa Hotel Madina.
Buuggan oo ka hadlaya qiimaha, karaamada iyo doorka haweenka Soomaaliyeed, wuxuu xambaarsan yahay fariimo muhiim ah oo bulshada anfici doona.
Ha moogaan ka qeyb-galka bandhiggan qiimaha badan, waayo waa fursad muhiim u ah kor u qaadidda aqoonta iyo dhiirrigelinta hal-abuurka.
Waa galabta iyo Hotel Madina.